Abwaan Kayd oo Gabay Ka Tiriyey Dhibaatada Qurbo-joogta Qaar Dalka ku hayaan

ABWAAN KAYD MAXAMED CABDALLE OO GABAY KA TIRIYEY DHIBAATOOYINKA QURBO-JOOGTA QAAR DALKA KU HAYAAN 2017

Hargeysa(AFNS):- Qaybta Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahinteenna Aftahannews.com, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Gabay uu Curiyey ama Hal-abuuray Abwaan Kayd Maxamed Cabdalle. Gabaygan ayuu Abwaan Kayd kaga hadlay qodob xasaasi ah oo caqabadaha dhalinyarada waddanka gudihiisa aan ka bixin hor-taagan ka mid ah.

ABWAAN KAYD MAXAMED CABDALLE OO GABAY KA TIRIYEY DHIBAATOOYINKA QURBO-JOOGTA QAAR DALKA KU HAYAAN 2017
ABWAAN KAYD MAXAMED CABDALLE OO GABAY KA TIRIYEY DHIBAATOOYINKA QURBO-JOOGTA QAAR DALKA KU HAYAAN 2017

Gabaygan Abwaan Kayd Maxamed Cabdalle waxa uu ku saabsan yahay; Qurba-joogta Shaqadii ka boobtay Dadkii aan dalka ka dhoofin, taas oo ay ugu wacan tahay hadba dawladda dalka ka talinaysa iyo Maamulka oo ku fushada danahooda hadday tahay Reer Reer iyo hadday tahay yaa lagu shaqaystaa, arrintaas oo dhalisay Jaamacadaha Ardaydii ka soo baxday oo shaqo la’aan Suuqa taagan, qaarkoodna markii ay ka qanceen rejadii ay dalkooda ka qabeen, kana niyad-jabeen Maamulka talada dalka haya ay Sibiq-dhaqaaqeen, isla markaana ay qaarkood ku le’deen Badaha iyo Saxaraha Afrika, kuwo kalena ka buuxaan Xeryaha Maggafayaashu u samaysteen Dhalinyarada Tahriibaysa.

Waxaannu Gabaygaas oo Abwaan Kayd marinayo ama tirinayo iyo sida ay u dhacayaan Erayadiisu iyo Sharraxaaddiisa-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.