Wasiir Maxamuud Xaashi: Wejiyada Siyaasadda & Kala doorashadiisa Midig iyo Bidix! W/Q: Sakariye-Awaare – Q:2-aad

GUDDOOMIYAHA UCID FAYSAL CALI WARAABE IYO WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI CABDI 2017

Qormada labaad aan ku ballaysimo jaahwareerka Siyaasadeed ee la soo darsey Maxamuud Xaashi (Wasiirka-Madxtooyada), oo aan qormadii hore kusoo xusey in fursadda keliya ee uu maanta haystaa ay tahey Adduun faro badan iyo faraqabsi xooggan oo uu ka urursaday hantida qaranka oo uu ku mulkiyey hab musuq iyo boob ah.

GUDDOOMIYAHA UCID FAYSAL CALI WARAABE IYO WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI CABDI 2017
GUDDOOMIYAHA UCID FAYSAL CALI WARAABE IYO WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI CABDI 2017

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxa muuqata gees kasta oo laga eego waayaha siyaasadeed ee soo waajahay in uu wakhtigan dareemayo cidhiidhi Siyaasadeed, kadib markii uu caqabado badan indhoweyd kala kulmay Safiirka Imaaraadka u qaabilsan Xukuumada oo ah wiilka uu sodogga u yahey Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirku markii uu la wareegay Xafiiska Madaxtooyada kasoo furey albaab bir ah oo uu iskaga xidhay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan oo in badan faro galintiisa dhiirran iskaga hayey hangool farraarro leh.

Baashe Cawil oo dadka intiisa badani u yaqaanaan Moorgan ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagaal qabow ku wadey Wasiirka Madaxtooyada, dagaalkaas oo uu intiisa badan u adeegsadey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cali Marreexaan, wakhtigana maraya meel xasaasi ah oo Maxamuud Xaashi ku dareemay in uu banaanka ka taagan yahey siyaasaddii uu u madax banaanaa muddada kooban ee uu kasoo wareegay Wasaaraddii Duulista Hawada oo uu siduu doono ka yeeli jiray, gees kastana isugu kala bixin jiray arrimaheeda, iyada oo badhi furkiisan awoodda lagaga daciifinayo aaney kali ku aheyn Baashe Moorgan iyo Cali Mareexaan, haseyeeshee ay ka shaqeeyeen koox si dadban iyo si toos ah isugu xidhan oo isaga laf ahaantiisu qaarkood kalsooni badan ku qabey, bal se iyagu uga hoos baxay sidii ay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu shaqada qorey uga leexdeeb oo kale kadib markii uu is casilay, waxaana ka mid ah Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Hindi oo sir iyi caad ba ula shaqeeya Baashe Moorggan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Dacar oo isaguna dhawaan xidhiidh hoose la bilowday Baashe iyo Cali Mareexaan.

Inkastoo wali cabbirka dareenka kusoo kordhey ka laalan yahey Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo Marwada Madaxweynaha, haddana waxa uu u muuqdaa in uu awooddii badneyd ee uu isbidayay badankeeda quus ka joogo, waxayna dadka xogogaalka u ahi sheegeen in xadhkaha lagu xakameeyey iyo dabinka looga dhigay intooda badan uu daadiyay Wasiir Cali Mareexaan oo awal horeba u dhego nuglaa Baashe Moorggan una qaabilsanaa Dilaalista Localka ah.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta xuddunta khilaafkooda walow ay dad ku xidhiidhinayaan Siyaasadda Xisbiga Kulmiye, halka xogogaal badanina u aanaynayaan in khilaafku daarran yahey Baashe Moorggan ka meydhay muddooyinkan dambe baqihii ku yara jirey, islamarkaana xilligan suuniyaha u soo xiirtay in uu si bilaa werwer ah ku wato hawlihiisa gaarkaa maaddaama oo wakhti gabaabsi ah Xukuumaddu afka saartey oo ay yaraanayso is xisaabinteedu, cid kalena ku lammaanaanin awoodda ugu badan ee Golaha Xukuumadda. Taas oo uu gabbaad uga sii dhigtay in ay kaga gudbanadaan beel ahaan Cali Marreexaan iyo labada Wasiir ee Xukuumadda kula jira ee kala ah Xuseen Cabdi Ducaale iyo Cali Siciid Raygal.

Inkastoo dadka intiisa badani ka war hayo in Madaxweyne Siilaanyo aanuu marnaba ka warqabin xogogaalna u aheyn dagaalada iyo hirddanka hoose ee dushiisa ka socda, haddana wararka Madaxtooyada ka ag dhowi waxey tibaaxeen in Maxamuud Xaashi wali rajo kooban kasii haysto Marwada Madaxweynaha Aamina Shiikh Maxamuud Jirdde oo dhinaca kalena raalli ku ah mar walba tallaabo kasta oo kasoo fusha wiilka ay soddohda u tahey ee Moorggan.

La Soco Qormooyinkan Taanaha ah iyo qaybo kale oo Xogo muhiim ah xambaarsan……..

Sakariye Saxarddiid Axmed (Awaare)

Sakariye87@gmail.com