Mid Ka Mid ah Waxyaabaha ay Caanka ku Yihiin Dawladaha Fashilmay? W/Q: Wariye Saciid Faarax Cagjar

WERIYE Saciid Faarax Cagjar

Helidda mushaharka dowladda waa mid caqabado aan dhammaan leh, Waana astaanta  inta badan lagu yaqaano xilliyadda  u danbeeya  ee  wakhtigoodu gabaabsiga yahay  in mushaharka iyo kharaashadka shaqaalaha  ay account gaar ah ku shubataan. Hawl-wadeennadaas oo dhiigood iyo dhididkooda u hura hawlaha Qaranka.

WERIYE Saciid Faarax Cagjar
WERIYE Saciid Faarax Cagjar

Abwaan Gaarriye ayaa Alle haw naxariistee waxaa Maansadiisa Dabataxan ka mida ahayd

“Hadday dunidu ceeb tahay

Dulmi loo badheedhaa

Dalkayagu ma libiqsado”.

Madaxda Xukumadda  ayaa inta badan hadalo beer laxawsi iyo been aan dhammaanayn   ku madadaaliya shaqaalaha ay dhiigooda iyo dheecankoodaba cabaan  waa halkii uu abwaan Gaariye ka lahaa

“Dal waxaan ku noolahay

Runtu arag darraysoo

“Daaddihi!” la yidhi been.”

Xukumaddii hore ee uu hoggaaminaayey Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa ay  dhacday iyadda oo shaqaalaha dawladdu bilaa mushahar ahayeen muddo lix bilood ah , halka ay Xukumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo  shaqaalaha ugu shaqada adag ay bilaa Mushahar yihiin muddo shan bilood ah gaar ahaan hawl-wadeenada shaqeeya xilliyada habeenkii ilaa waaberi  ku dhawaadka , amintaas oo Madaxda qaranka iyo Wasiiraddu ay hurdo macaan ku ledayaan guryahooda.

Qofka kuu shaqeeyay inaad siiso wixii uu xaq u lahaa  qiimaha hawsha uu qabtay si uu ugu daboolo baahidiisa iyo tan qoyskiisa waxaay ka mid tahay ilaalinta karaamada iyo sharafta Aadamiga. Umana banaana loo sheqeeyaha inuu xaqiisa waxb ka dulmiyo, xataa isagoo eega qiimaha shaqadiisa inuu hoos uga dhigo wixii ay u dhigmaysay qiimo ahaan waa arrin aan wanaagsanayn.  Allah (sw) wuxu Quraankiisa ku cadeeyey : ( ولا تبخسوا الناس أشياءهم ولا تعثوا في الأرض مفسدين) هود:85  “Dadka ha ka dulmiyin xuquuqdooda, dhulkana ha soconnina idinkoo kharribaya”.

Qofka xuquuqdiisa haddii lagu dulmiyo xumaan iyo ciqaab Allah ayaa  imaanaysa .  Rasuulka Allah (scw) ayaa isna xadiis ku yidhi “ saddex aniga ayaa la doodaya maalinta Qiyaamaha, waxaan ka mid ah qof loo shaqeeya ah oo shaqaale hawl geliyay oo si wanaagsan ugu sheqeeyay oo aan siin mushaharkiisi”. Bukhaari ayaa weriyay.

Ugu danbayn dawladdaha fashilmay waxaay caan ku yihiin in ay lunsadaan ama ku takri falaan Xoolaha Ummadda oo ay qayb ka tahay Xuquuqda shaqaalaha ay dhiigooda miirteen.

W/Q: Wariye Saciid Faarax Cagjar

saciidm66@gmail.com