“Waar Shacabka S/land hadday ku Taageeraan Aniga & Siilaanyo waa Heshiin karnaa..” Cali Kh. Galaydh

CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILANAYO OO HARGEYSA KU KULMAY MAY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo heshiin karaan haddii ay Shacabka Somaliland ku taageeraan, hase-yeeshee, waxay Shacabku doonayaan aan qasab lagu muquunin karin.

CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILANAYO OO HARGEYSA KU KULMAY MAY 2017
CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILANAYO OO HARGEYSA KU KULMAY MAY 2017

Cali Khaliif Galaydh waxa uu sheegay in uu qayb ka ahaa bilawga dhismihii Somaliland markii gooni-isu-taagga Jamhuuriyaddan lagu dhawaaqay iyo ka dib-ba. Balse, loo baahan yahay in la dhiso wakhtigan Somaliland loo dhan yahay. Hase-yeeshee, aanay hadda diyaar u ahayn inay wax la yeeshaan Somaliland sidan ay hadda tahay ah.

Hoggamaiye Galaydh oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Caasimadda Hargeysa, waxa uu kulammo la yeeshay intii uu joogay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbigaas, Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan, Wasiirrada Xukuumadda qaarkood, Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed.

Cali Khaliif Galaydh oo Waraysi ku siiyey magaalada Hargeysa Maanta Horn Cable TV intii aanu ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha Cigaal oo uu Nairobi uga ambabaxay, Waraysigaas Su’aalaha lagu weydiiyey iyo waxa uu kaga jawaabay Warka lagu soo koobay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.