Somaliland: Baafin Hoggaamiye! Qormo Xiiso leh – Qalinka – Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

SOMALILAND BAAFIN HOGGAAMIYE QORME XIISO BADAN Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) 19 MAY 2017

Marka hore aan ka sii afeefto fasiraad khaldan oo laga samayn karo qoraalkan, oo aan xaqiijiyo in Madaxwayne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi in aan u hayo ixtiraam iyo kalgacal badan oo xilkooda Qaran iyo mid ehelnimo ahba, balse hadafka maqaalkani wuxuu la xidhiidhaa aragtidayda oo ka duwan qaabka ay dalka u wadaan, ee xidhiidh lama laha arrimo shakhsiyadeed.

SOMALILAND BAAFIN HOGGAAMIYE QORME XIISO BADAN Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) 19 MAY 2017
SOMALILAND BAAFIN HOGGAAMIYE QORME XIISO BADAN Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) 19 MAY 2017

Waxaan subaxii 18 May ka qaybgalay Xaflad lagu qabtay Mutxafka aadka u qiimaha badan ee Saryan ee ay amaan weyn ku mudan yihiin hirgelintiisa Mudane Siciid Shukri iyo Marwadiisa Sabaax oo dhigaal fiican u ah ummadda JSL.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) BAAFIN HOGGAAMIYE 19 MAY 2017
Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) BAAFIN HOGGAAMIYE 19 MAY 2017

Waxa ka soo qayb galay Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waxaana kalmaddiisa u badnayd wacdi la mid ah ka ay jeediyaan Culimaa’u diinku iyo Aqoon-yahanka aan iyagu wax xil ah gacanta ku haynin,  sida: (waxa mudan in aynu qaadka iska dayno… waxa dadka waawayn looga baahan yahay inay wax qoraan…. Waxa looga baahan yahay da’yarta inay ka faa’idaystaan taariikhda…iwm).

Intii uu hadlaayay mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan is weydiinaayay tolaw ma run baa Ninkan I hor-taagan waa Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya, ee Siyaasadda Xukuumadda haga? Sidoo kale, ma runbaa in Ninkan I hor-taagan uu yahay Murrashax Madaxweyne?

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY GEERIDA LABA MARXUUM OO WARFAAFINTA KA BAXAY 28 APRIL 2017
MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Waan ka soo baxay Xafladdii markii ay Duhur ahayd, ayaan daawaday Khudbadda Madaxwaynaha, la yaabkii ugu waynaanaa markaasuu igu dhacay! Markaan, arkay Madaxwaynihii Qaranka JSL oo u hadlaya si Qof aan wax xil ahi saarnayn oo aan masuuliyadi ka dambayn.

Dabcan waxaan aad u ammaanayaa qaybtii hore ee Khudbadda Madaxwaynaha ee uu ujeediyay Soomaaliya, iyo  Baaqa uu u diray Beesha caalamka ee ku saabsan xaqa Gooni-isu-taagga Somaliland. Laakiin-se, wixii intaasi ka dambeeyay wuxuu ahaa amakaag ay dareemayso ciddii in uun wax ka taqaanna hoggaaminta.

Hoggaamintu waa inaad qaadatid masuuliyadda, hoggaamintu waa inaad dareentid in lagaa sugaayo afcaal iyo tallaabooyin aad Bulshadaada ku gaadhsiinaysid halka hadafkaagu uu yahay, balse hoggaamintu maaha inaad noqotid Qof shaqadiisu tahay inuu wacyigeliyo Dadkiisa, in kastoo ay guubaabintu ka mid tahay Shaqada hoggaamiyaha, haddana  guubaabada ugu muhiimsani waa ta ku timaadda ficilka, maaha hadal qudha, ama waa in guubaabadu ay la socotaa Shaqo kale oo aad dhab ahaan gacanta ku haysid.

Haddii hoggaaminta la waayo Madaxdu maxay isu beddelaysaa? Waxay isu beddelayaan Dad u shaqeeya sida maanta oo kale oo iyagu hadafkooda qudha uu yahay inay Kursiga fadhiistaan ama sii haystaan, halka arrimaha danta guudna ay kolba u daba fadhiisanayaan Shacabkooda si ay ugu leexiyaan kolba halka ay doonaan.

Bal aan u soo noqdo Khudbadda Madaxweynaha oo aan in yar yara dul-istaago waxyaabaha uu ka hadlay:

  1. Markii uu ka hadlaayay sicir-bararka wuxuu Madaxweynuhu u hadlay sida Qof ka faallooda arrimaha dhaqaalaha oo wuxuu sharraxay arrimaha keenay sicir-bararka, halka uu xoogga Khudbaddiisa saari lahaa waxay qabatay Xukuumaddiisu ee ku saabsan sicir-bararka.
  2. Marka uu ka hadlay Abaaraha iyo kor-u-qaadka xaalada nololeed ee dadka wuxuu xoogga saaray dhawr arrimood oo ay ka mid tahay:
  3. b) in Dadku qaadka yareeyaan, Anigoo mooday inuu Baaqaasi u jeedinaayo Madaxweyne kale oo ka sii sarreeya oo uu ka codsanaayo inay Qaadka wax ka qabato.
  4. t) in Dadku wax soo-saar sameeyaan, iyadoo aan is weydiiyay tolaw cidda ku hoggaaminaysa wax soo-saarka waa ayo?
  5. j) in aynu la nimaadno Qorshayaal: tolaw ma Shacabkaa wax qorshaynaya mise Xukuumadda uu Madaxda u yahay?

Bal aan idiin soo bandhigo hadalka Madaxwaynaha oo qoraal ah siiba intii ugu dambaysay:

(((Sidaa darteed, waxaa inala gudboon:

  1. In aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenna.
  2. In aynu kor u qaadno wada jirkeenna, iyo waddan jacaylkeenna, isla markaana aynu ubadkeenna ku ababino arrimahaa.
  3. In aynu wax weyn ka beddello qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay, ee aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen.
  4. In aynu xoog saarno wax soo saarka beeraha iyo kalluunka.
  5. In aynu qabanno doorasho xor iyo xalaal ah, xilligii loogu talo galay ee 13-ka November, 2017-ka, isla markaana muujinno bulsho ahaan, hab-dhaqan ku dhisan baraarug iyo bisayl badan, sidii caadada inoo ahayd.
  6. In aynu joojinno ama yarayno cunista Qaadka, kaas oo adhax jab ku ah nolosheenna dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka iyo Caafimaadka.
  7. In aynu la nimaadno qorshayaal aynu ku qabanno biyaha badan ee badda ku shubma.
  8. In aynu dhaqan gelinno wareegtooyinkii aanu soo saarnay ee lagu daryeelayey daaqa, duur-joogta iyo deegaanka.
  9. In ay joojiyaan hudheellada waaweyn ee cuntada lagu kariyo adeegsiga dhirta iyo dhuxusha, si looga hor-tago xaalufka dhirta, waxa lagama maarmaan ah in ay ku beddelaan gaasta, oo ah mid haataan qiimo ahaan aan ka qaalisanayn.
  10. In aynu abuurro mashaariic salka ku haysa isku tashi iyo iskaa wax-u-qabso, taas oo waajib ka dhigaysa in arday kasta oo ka soo baxa Dugsi Sare, ama Jaamacadda Heerka Koowaad ka qalin jabiya, in uu qarankiisa u shaqeeyo wakhti xaddidan oo xeer jideeyey.
  11. In aynu ba’abiinno xidhmooyinka dhulka sharci darrada ah, isla markaana aynu soo celinno nidaamkii seerayaasha.
  12. In aynu dhiirri-gelinno, isticmaalka Cumladdeena, isla markaana ummad ahaan isugu naxariisanno sicirka badeecadaha suuqa.)))

Akhriste tijaabadan aan kugu cariyo:

Waxaad khudbadan hor dhigtaa qof kale oo aan dhagaysan khudbadii Madaxwaynaha, oo waxaad ku tidhaahdaa (maqaalkan ayaan qoree bal ka waran?) haddii uu kugu ogaado oo uu yidhaahdo tani waa khudbad uu Madaxweyne uun jeedin karo, maqaalkaygan waxaad ka soo qaaddaa mid aan qiimo lahayn, balse haddii uu dareemo in Khudbaddani ay tahay mid cid waliba jeedin karto, fadlan ila Baafi in dalkeennu hoggaamin u baahan yahay.

Waxa Qoray –

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

abuabdala15@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.