Madaxweyne Siilaanyo iyo Musharrax Muuse oo Ka Hadlay Geerida Laba Marxuum oo ka Baxay Wasaaradda Warfaafinta

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY GEERIDA LABA MARXUUM OO WARFAAFINTA KA BAXAY 28 APRIL 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Tacsi u diray Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Bahda Fanka iyo Dhaqanka, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen labada Marxuum ee Fannaan Rashiid Balluu Ibraahin iyo Weriye Axmed Baaruud Aadan oo labadooduba wakhtigan ka hawlgalayey Idaacadda Raadyoow Hargeysa, isla markaana Jimcihii lagu aasay Xabaaha Xeedho ee duleedka magaalada Hargeysa oo ay labaduba ku geeriyoodeen Habeenkii Jimcaha. Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa isaguna sidan oo kale uga hadlay.

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY GEERIDA LABA MARXUUM OO WARFAAFINTA KA BAXAY 28 APRIL 2017
MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY GEERIDA LABA MARXUUM OO WARFAAFINTA KA BAXAY 28 APRIL 2017

Waxaa sidaa lagu sheegay Dhambaal Tacsi oo uu Madaxweynuhu diray, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, isla markaana Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Balluu Ibraahim oo ka mid ahaa fanaaniinta dalka Iyo Marxuum Axmed Baaruud Aadan oo isna ka mid ahaa weriyeyaasha Idaacada Radio Hargeysa oo ku geeriyooday Caasimadda Hargeysa xalay oo ay taariikhdu ahayd (28 April 2017), labada marxuum maanta ayaa lagu aasay xabaalaha Naaso hablood iyo Xeedho.

Madaxweynuhu waxa uu marxuum Rashiid Balluu Ibraahim ku sifeeyey muwaadin hawlkara Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir ka baxay qaranka Somaliland iyo guud ahaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxaanu muddo ka badan nus-qarni ku dhex jiray bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta, isagoo ahaa abwaan, mullaxan, heesaa iyo tumidda muusiga. Waxa kaloo uu ka mid ahaa halgamayaashii xaqu-dirirka ee af iyo addinba aan waxba kala hadhin dib-u-xorayntii waddanka Somaliland, sidoo kalena waxa uu door muuqda kaga jiray dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadayntii Somaliland, waxa uu ka mid ahaa tiirarka shaqo iyo kaydka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo ka mid ahaa dadkii lagu bilaabay aas-aaskii idaacaddii Radio Hargeysa, caana ku ahaa heestii Radio Hargeysa ee tani waa Hargeysoo hirarka gagaaban idin kala hadlayse, habeen wanaagsan, waan hoyanayaaye habeen wanaagsan, isagoo fanka ku biiray 1950kii.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna Tacsi taas la mid ah diray, waxaana Dhambaal uu kaga hadlay geerida Allaah ha u naxariistee Marxuum Rashiid Balluu, oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Kulmiye Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, kaas oo u dhignaa sidatan:- “Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,  qaraabadda, ehellada, bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim oo ku geeriyooday Caasimadda Hargeysa niskii dambe ee xalay oo taariikhdu ahayd (28 April 2017).

Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu ahaa tiir-dhexaad ka baxay qaranka Somaliland iyo guud ahaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxa uu muddo ka badan nus-qarni ku dhex jiray bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta, isagoo ahaa abwaan, mullaxan, heesaa iyo tumidda muusiga. Waxa kaloo uu ka mid ahaa halgamayaashii xaqu-dirirka ee af iyo addinba aan waxba kala hadhin dib-u-xorayntii waddanka Somaliland, sidoo kalena waxa uu door muuqda kaga jiray dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadayntii Somaliland, waxa uu ka mid ahaa tiirarka shaqo iyo kaydka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo ka mid ahaa dadkii lagu bilaabay aasaaskii idaacaddii Radio Hargeysa.

Marxuumku waxauu ahaa addoon wanaagsan oo cibaado badan, dadka xidhiidhiya oo furfuran, isla markaana jeclaa horumarka iyo wax-wadaqabsiga bulshada. Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay innuu janaddiisa fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo Shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo. Aaaamiiiiin………Aaaamiiiiin…….Aaamiiin.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Kulmiye ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.