Rashiid Balluu: Fannaan Noloshiisa Halgan ku dhammaystay oo Bahda Fanka ka baxay oo Aas Qaran-na loogu Sameeyey Hargeysa

Rashiid Balluu Ibraahim OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYEY HARGEYSA 28 APRIL 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee waxaa Jimcihii Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Marxuum Abwaan/Fannaan dhaqan-yaqaan Rashiid Balluu Ibraahin oo xalay ku geeriyooday isla Hargeysa.

Rashiid Balluu Ibraahim OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYEY HARGEYSA 28 APRIL 2017
Rashiid Balluu Ibraahim OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYEY HARGEYSA 28 APRIL 2017

Rashiid Balluu  Ibraahim waxa uu ahaa Abwaan/Dhaqan-yaqaan iyo Fannaan ka soo jeeda  dalka Hindi oo uu asal ahaan Qoyskoodu ka soo jeeday. Allaah ha u naxariistee Aabbihii Balluu Ibraahin waxaa uu dhulka Somaliland soo gaadhay hillaaddii 1886-dii markaas oo uu magaalada Saylac yimi halkaas oo uu ku guursaday Gabadh reer Somaliland ah.

Rashiid Balluu waxaa uu ku soo barbaaray Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaanu ka mid noqday, Isagoo aad u da’yar Kooxdii Fanka ee la odhan jiray Walaalaha Hargeysa, Isaga oo ka soo noqday, Hesaa ka soo dhex-baxay Kooxdaas oo aad u soo jiitay Dadka Afka Soomaaliga  ku hadla oo dhan.

Marxuumku waxa uu ka soo qayb-qaatay Heesihii Halgaknka ee lagu kicinayay gumaystihii Ingiriiska. ALLAAH ha u naxariistee Rashiid Balluu Ibraahin, waxaa uu noqday Fannaankii ku guulaystay Tartankii loo galay Heesta Astaanta Radyoow Hargeysa ee ay kaga baxdo ee tidhaahda; “Halkani waa Hargeysoo Hirarka Gaagaaban idinkala Hadlayso waan Hoyanayaye Habeen  Wanaagsan”.

Waxaa kale oo uu Marxuum Rashiid ka soo qayb-qaatay Halgankii dib u xoraynta Somaliland ee SNM, isagoo ka mid ahaa foolaadkii wacyigalinta iyo waanada iyo fanka ee SNM. Waxaanu noloshiisa u hibeeyay halganka dalkiisa iyo dadkiisa oo uu intii uu noolaa oo dhan ku qaatay wacyi galin iyo waano wax  ku ool ahna uu heegan ula ahaa.

Allaah ha u naxariisktee laxannada caanka ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa lagu qaaday heesaha ay ka midka yihiin; “Indho Deeralay”, “Madheedhaale iyo hawd”, “Waan daalee”, oo ka mid ah heesaha ay qaadaan Fannaaniinta haldoorka ka soo ahaa Fanka   Soomaalida.

Rashiid Balluu wuxuu ka tirsanaa ilaa hadda shaqaalaha Radio Hargeysa gaar ahaana qolka keydka hadalka,Rashiid Balluu Ibraaahin ayaa shalay aas Qaram lagu sagootiyay ,waxaanu ifka kaga tegay qoys balaadhan oo ka badan 30 Ubad ah oo isugu jira intuu dhalay iyo Awlaadda ay sii dhaleen.

Haddaannu Bahda Warbaahinta Aftahannews.com nahay, waxaannu leenahay Marxuum Rashiid Balluu Ibraahin intii uu ka baxay Qoys, Ehelada, Qaraabo, guud ahaan Bahda Fanka Soomaaliyeed iyo Qaranka Somaliland Allaah Samir iyo Iimaan  ha ka siiyo, Marxuumkana Allaah naxariistiisii Janno haka waraabiyo Insha Allaah…. Aammiin… Aammiin…. Aammiin… Insha ALLAAH.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Rashiid Balluu Ibraahin, waxaanu Marxuumka Allaah uga beryey inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo dhinacyada uu ka baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.