Qiso Gaaban: Soo Dhawayntii Sheekha Carbeed iyo Sheekadii Balliga Somaliland! – W.Q: M. Haaruun

DHAAMKA XUMBO-WEYNE IMAARAADKA CARABTU SOMALILAND UGA DHISAY IYO SOO DAHWAYNTII CARABKA APRIL 2017

“…Biyaha baligani uu qaban doonaa waxa ay u dhigmaan boqolkiiba saddex (3%) ka mid ah biyaha dhulkan qulqula.” Sidaas waxa yidhi Carabkii yaraa ee maalintii dhawayd u hadlaayay qoladii Carbeed ee Somaliland biyo-xidheenka Xumbowayne ku sadaqaysatay. Hadalkaasi aniga waa uu i damqay. Meel aan ogahay baa dhab ahaan I xanuuntay. Waa hubaal in aan 3% iyo 30% ba qabsan karno, cagaf iyo riigag na iibsan karno, waynaan se u jeedin. Baryada ayaa ay noogu baxdaa, waliba waa ku faanaynaa. Haa sidaas weeyaan.

DHAAMKA XUMBO-WEYNE IMAARAADKA CARABTU SOMALILAND UGA DHISAY IYO SOO DAHWAYNTII CARABKA APRIL 2017
DHAAMKA XUMBO-WEYNE IMAARAADKA CARABTU SOMALILAND UGA DHISAY IYO SOO DAHWAYNTII CARABKA APRIL 2017

Wasiirradii is xiijinaayay, iyo Somaliland tii isu soo baxday ee aanay cidiba u maqnayn maalintii baliga lala wareegaayay waa aan u khajilay dhab ahaan. Waxa wacnaan lahayd iyada oo baligaas aynu inaku qodanay. Waa ogolaan lahaa xataa hadii aynu saddex maalmood dabaal degno, ama maalin Qaran ba ka dhigno. Sheekadii maalintaasi iyo wacdarihii xafladdu sedan baa uu u dhacay. Wax la soo koobi karo ma ahayn, intan baa se ugu muhiimsanayd.

**** Wax yaab leh iyo wacdaro ayaa dhacay. Dadkii oo dhan iyo carabkii martida ahaa ba waa mafsuud. Maxaa mafsuud loo ahaan waayay biyo-xidheen baaba la disay. Ciddii rabtaa ha dhisto ee in wax la helay uun baa muhiim ah. Xoog baa loola hadlay Carabkii, xoog na waa uu u mafsuuday. …Caraboow walaahi waa mahadsantahay… Sida runtu tahay na wax baynu isu nahay!

Miyaanad arkaynin dhegahayaga iyo kuwaagu sida ay amarka Ilaahay isugu egyihiin? Xataa daloolka iyo xuubka gudaha ka sii muuqda waa isaga mid. Carab dhulkan ku ambatay baanu nahay qudhayadu. anaku waxba ma nihin oo gawsaha uun baa na shaqeeya ee fadlan bali kale na noo dhis, aad iyo aad ayaanan kuugu mahad celin doonaa. Ugaadh, macdan, iyo xataa hadii aad rabto hablo shabado ah ayaanu ku siin. Dad sharaf leh oo cidda wax ku sadaqaysatta u ciyaara ayaanu nahay.

Afrikaanka xunxun ee madmadow iyo Soomaalida jaanjaamiinta ah gebi ahaantood anaka ayaa u fiican. Madaxwayne ku xigihii waddanka, wasiiraddii, odayaashii, udbihii iyo hangooladii ayaanu isu soo wada saarnay. Xataa Madaxwaynaha qudhiisa ayaa iman lahaa ee anaka ayaa ku nidhi Sacaadatul Ra’iis, iska sii joog, oo dirqi iyo tu yaab leh ku ogolaysiinay in u iska joogo. Ha moodin in aanu ku ixtiraamaynin Madaxwaynuhu.

Sheekh Al-shuyuukh, gobanaimada ayaa debedda noo soo baxday, ishaada ayaana kuu macalin ah. Waa hubnaa in aad dareentay xaqiiqada taas ah, oo marar badan adiga oo qoslaaya ayaa aan ku arkaynay. Carab, wax naga wacan miyaa la heli karaa? Fadlan midhkaas noo qir. Fadlan nagu soo noqo maalin kale neef baanu kuu qaliye.

Fadlan carabkii ku soo diray u sheeg in aanu jecelnahay isaga iyo xaaskiisa, iyo xataa ayaydii. Fadlan waxaas oo dhan u sheeg, oo u sheeg in xataa faraskiisa iyo dameerihiisa ba aanu jecelnahay, oo habeenkii xataa aanu ku riyoono. Haa, u sheeg waxas iyo waxyaabo kale oo badan, oo immika aanu yar ilownay.

Kolka dambe ee aad soo noqoto ayaanu xasuusan, af carbeedka na waanu sii baran doonaa. Maxaanu u baran waynay saw luqaddii  diinteenu ku soo degtay ma aha? Imikaba waanu naqaanaa, oo waanu fahamnaa ee waanaan celinaynin uun. Intaas yar baa noo dhiman ee noo dul qaado. “Kuli muumin ikhwaan.” Wali Carabkaas mid ka wanagsan? Kolka u hadlo ba maansha Allah iyo Alxamdu lilaah buu leeyahay. Waa sababtaas midda baatroolka iyo timirta loo siiyay.

**** “Wallah “Antum axsanu naas.” Akhwaan niman fiican baa tihiin. Sanadaha dambe marka ay abaar xumi dhacdo, ee dad ay dhintaan na, bali kale ayaa aan idiin qodaynaa. Waa balan midhkaasi ee noo soo sheega. Laakiin ku dadaala in aydaan soo qaylinin hadii aanu xalku xumayn. Warbixin ayaa aan ka geynayaa baahida jirta, iyo in aad ku badhaadheen, xoog na ugu dabaal degteen baligaas aan ku guulaysanay.

Xasuusnaada in meelo kale oo badan la idiin soo dhaafiyay, Carabka xagas joogaa na idin jecelyahay. Sababta aad imika ugu guulaysateen mashruucan waxa weeye, iyada oo ay is kaashadeen waftiyadii baryo-tagga ahaa ee aad shantii sanno ee ina dhaafay soo dirayseen, iyo sheekha mucawinooyinka bixiya oo maalin TV ga ka daawaday caruur yaryar iyo xoolo haraad laayay oo dhulka daadsan. Cid kastaaba wixii loo qadaray waa ay helaysaa oo lama dhaafin karo – Ilaahay iyo Sheekha ba u mahad celiya. Dad wanaagsan oo aan ka helay baa tihiin dhab ahaan. xataa caruurtiina nacnac iyo buskud baanu u keeni kolka dambe. 

Geesta kale, ayuhal ikhwaan fii Ardul-Soomaal, ogaada in aad dawladnimo yaab leh, iyo madax fiican haysatan. Mid mid ka dhaca ma lihidin. Tuulooyin koonfurta Somaaliya ah oo aan waa dhexdii ahayd tegay dawladnimo maba ka jirin, waana la is boobaayay. Idinku aad baa u wacantihiin. Waa balan in kolka aan noqdo aan warkas geeyo.

Dad badani ma oga xaqiiqada taas ah. Dad badani ma oga sida aad u fiicantihiin. Dad badani ma oga sida aad u dadaalaysaan iyo waddankiina nimcada taala. Waligay intii aan dhul maraayay ma arkin meel meeshiina ka wanaagsan. Dad marti gelinta idinkaga fiican na ma arkin. Dhaqankiina ayaa muujinaaya in aad carab asal ah tihiin, taariikhdu na sidaas ayaa ay sheegaysaa oo idinka ayaaba Nabiga (SCW) nooga dhaw.

Sheekhii I soo diray aad ayaa aan ugu sheekayn doonaa, waanan qiyaasayaa in uu marar dambe oo uu sadaqo bixinaayo idin xasuusan doono. Dad fiican, oo nasiib fiican ayaa tihiin, waanan filayaa in aad nasiib u yeelan doontaan in Sheekhu marar kale idin xasuusto. Ku ducaysta, gaar ahaan saacadaha dambe ee habeenkii, in Ilaahay idamkii aad qalbigiisa ku soo dhacdaan. Aniga qudhaydu waa idiinku ducayn doonaa in abaaraha dambe aad sheekhaas qalbigiisa ku soo dhacdaan. Sida oo kale, ku dadaala in aydaan ka dhamaanin gurigiisa iyo agagaarkiisa, oo si isku dhadhaw aad u soo qorataan dalabyo baryo ah, si wacan na u soo qortaan.

Khalaas, intahal kalaam. Wasalaamu Calaykum yaa rijaal Ardu-Soomaal.

  1. Haaruun – mbiixi@gmail.com