Lammaane 69 Sannadood Is-qabay oo Mar wada Dhintay iyaga oo Gacmaha Is-haysta – Warbixin

LAMMAANE REER MARAYKAN AH OO IYAGA OO GACMAHA IS-HAYSTA WADA DHINTAY 2017

Arlington Heights(Aftahannews):- Lamaane 69 sano is qabay oo degganaa gobolka Illinois ee dalka Maraykanka, ayaa isku saacad geeriyooday; sida ay Qoyskoodu u sheegeen Warbaahinta Maraykanka, kuwaas oo u dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Arjantiin.

LAMMAANE REER MARAYKAN AH OO IYAGA OO GACMAHA IS-HAYSTA WADA DHINTAY 2017
LAMMAANE REER MARAYKAN AH OO IYAGA OO GACMAHA IS-HAYSTA WADA DHINTAY 2017

Isaac Vatkin oo 91 jir ah, ayaa gacanta hayay Xaaskiisii Teresa oo 89 jir ahayd markii ay u geeriyoonaysay cudurka Asaasaqa; sida uu daabacay Wargeyska Daily Herald. Isaac ayaa isna geeriyooday Afartan daqiiqo oo keliya ka dib markii Xaaskiisa naftu ka baxday; Sida ay xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Qoyskoodu, kuwaas oo intaas ku daray in ay dareen ahaan niyadda isu dhisayeen daqiiqada ka hor dhimashadooda.

“Jacaylkii ay isu hayeen wuxuu ahaa mid xooggan oo badan, Midkoodna ma noolaan karayn Midka kale la’aantii, niyad ahaan iyo nafsad ahaanba, siday isu jeclaayeen darteed.” Sidaa waxa tidhi Clara Gesklin oo ah Gabadh ay dhaleen Lammaanaha nolosha Adduunyada mar ka wada socdaalay, iyada oo Gabadhani ka hadashay aas wada-jir loogu sameeyay Hooyadeed iyo Aabbeheed oo aas si weyn looga qaybgalay Gurigooda loogu sameeyey Isniintii.

Shaqaalaha Cusbitaalka Highland Park Hospital oo ku yaalla magaalada Arlington Heights oo ka tirsan gobolka Illinois ee dalka Maraykanka, ayaa oo lagu hayey Lammaanahan dhintay, ayaa sheegay inay arkeen in neeftu gabaabsi ku tahay, waxaanay go’aansadeen in ay Sariiraha isu agdhigaan. Hase-yeeshee, markii Sariiraha la isugu dhaweeyey, ayey Xubnaha Qoyskooda ka tirsani gacmahooda isku aaddiyeen ama ay gacmaha isu saareen, markaas oo ay istaabteen, ka dibna Gabadha Naftu ka hor-baxday, Halka Ninkana 40 Daqiiqo ka dib isna naftu ka baxday.

Lamaanahan, ayaa saddex Ubad ah isu dhalay, kuwaas oo sheegay in Hooyadood iyo Aabbohood ahaayeen Waalid xidhiidh dhaw la lahaa Ubadkooda iyo weliba Carruurta ay Awoowga iyo Ayeyda u ahaayeen ee Ubadkoodu sii dhaleen. Waxaa soo turjumay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-d.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.