“Jidka isku xidha Laascaanood iyo Burco Bas baa lagu Rasaaseeyey, waxa keenay Muceeshadda kacday..” Faysal Cali Waraabe

FAYSAL CALI WARAABE GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID 2017

Boorama(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dhawr habeen ka hor Gaadhi Bas ah lagu rasaaseeyey Jidka u dhexeeya magaalooyinka Burco iyo Laascaanood ee gobollada Togdheer iyo Sool, taas oo uu sababta keentay ku sheegay inay qayb ka yihiin Sicir-bararka Muceeshadda, kor-u-kaca qiimaha Doollarka, Abaaraha baahay iyo sida ay Dadku Siyaasadda Somaliland uga niyad-jabeen.

FAYSAL CALI WARAABE OO SHEEGAY IN GAADHI LAGU RASAASEEYEY LAASCAANOOD IYO BURCO DHEXDOODA IYO WAXA KEENAY 27 APRIL 2017
FAYSAL CALI WARAABE OO SHEEGAY IN GAADHI LAGU RASAASEEYEY LAASCAANOOD IYO BURCO DHEXDOODA IYO WAXA KEENAY 27 APRIL 2017

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in wax ka qabashada arrimahaas ay Masuul ka tahay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, taasoo uu sheegay inay masuuliyaddeedaas iyo kuwo kale oo badan-ba kaga mashquushay sidii Muuse Biixi doorashada Madaxtooyada ee soo socota ugu guulaysan lahaa. Waxaanu soo jeediyey inay waajibkeeda gudato Xukuumaddu, haddii kale nabadgelyada dalku god madoow ku dhici doonto.

Waxa uu Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe sidaa ku sheegay Khudbad uu Khamiistii Maanta ka jeediyey Xaflad loo sameeyey Shaacinta bilawga qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashooyinka Somaliland ee gobolka Awdal, taas oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas, waxaanannu Khudbaddaas Faysal oo dhammaystiran, arrimo badan oo kala duwanna kaga hadlay idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.