Daawo Khudbad Guddoomiye Cirro ka Jeediyey Munaasibadda Berbera ee qaybinta Kaadhka Codbixinta Gobolka Saaxil

BILAWGA QAYBINTA KAADHADHKA CODBIXINTA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE GOBOLKA SAAXIL 27 APRIL 2017

Berbera(Aftahannews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Khudbad ka jeediyey Munaasibad uu kaga qaybgalay magaalada Berbera oo lagu shaaciyey bilawga qaybinta kaadhadhka Cod-bixinta doorashada oo 29-ka bishan April oo Sabtida ku beegan ka bilaabmaya gobollada Saaxil, Awdal iyo Xeebaha Sanaag.

BILAWGA QAYBINTA KAADHADHKA CODBIXINTA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE GOBOLKA SAAXIL 27 APRIL 2017
BILAWGA QAYBINTA KAADHADHKA CODBIXINTA DOORASHOOYINKA SOMALILAND EE GOBOLKA SAAXIL 27 APRIL 2017

Guddoomiye Cirro waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay bixiso Lacagta hawsha qaybinta Kaadhadhka Codbixinta iyo qaybta kaga aaddan qabashada doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan 13-ka bisha Nooveembar ee sannadkan 2017-ka ee aynu ku jirno.

Khudbaddaas uu Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro ka jeediyey Xafladda bilawga qaybinta Kaadhka Cod-bixiyeyaasha gobolka Saaxil lagu shaaciyey Khamiistii Maanta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.