“Inaynu ka Xalaalawno Musuqa & Garabka, ku iman mayso Duco iyo Faataxo.. Aniga & Xirsi sidaannu..” Muuse Biixi

Boorama(Aftahannews):- Guddoomiyaha Kulmiye, ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Khudbad dheer oo uu dhinacyo kala duwan kaga hadlay ka jeediyey Munaasibad lagu shaaciyey bilawga qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada oo Khamiistii Maanta lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO MUUSE BIIXI CABDI IYO SIYAASIYIIN KU QOSLAYA KAFTANKA DHEX-MARAY
XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO MUUSE BIIXI CABDI IYO SIYAASIYIIN KU QOSLAYA KAFTANKA DHEX-MARAY

Muuse Biixi waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga xoroobo Musuqmaasuqa, Qabiilka iyo in Garab la isku shaqo-siiyo ama la isku shaqo-geeyo, taasina aanay ku imanaynin Duco iyo Faataxo la akhriyo, balse ay ku iman karto in wada-jir looga wada shaqeeyo oo la iska kaashado dhismaha Hay’adaha bilawga ah ee arrimahaas wax ka qaban kara, taasna ay horseed u tahay doorasho xor iyo xalaal ah ee kaadhadhkii lagu geli lahaa ee Shacabku Codkooda ku bixin lahaa la bilaabayo 29-ka bishan aynu ku jirno oo ku beegan Sabtida.

Waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi sheegay inay Dad badani is-weydiinayaan qaabka ay Maanta Xafladdaas isugu salaameen Muuse ahaan iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland oo uu shalay ku weeraray amaba ku naqdiyey hadalladiisa iyo hab-dhaqankiisa xilligan iyo xilligii uu Wasiirka Khudbad uu Muuse Biixi isla Xaflad Boorame lagu qabtay ka jeediyey Arbacadii shalay, oo uu sheegay inay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadduba dhayayaan Boogihii uu geystay shantii sano ee uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa oo uu tilmaamay inuu isticmaalayey awood aan loo dooran, isla markaana cid walba jiidhay oo uu dhinac walba wax u toociyey ama u eryey.

“Shalay (Arbacadii) waxaan halkan dhaliilo siyaasi ah oo aan u arkayey inay ku khaldan yihiin xisbiga WADDANI baan si aan gabbasho lahayn uga sheegay, berrina ka hadhimaayo wixii ay khaldaan, wixii wanaagsan ee ay sameeyaana waan ku soo dhawaynayaa, markaa inay dooddaasi mid sax oo xalaal ah ahayd waxaan ku garanayaan Ilaahay waaka halkan maanta (Khamiis) Xirsi iskugu kaayo keenay ee uu isaguna dooddiisii ka dhiibtay, waanan uga mahadnaqayaa inuu fikirkiisii dhiibtay, labadaa doodood way furan yihiin oo in badan waanu doodaynaa oo waad arkaysaan, sidaas ayaanay ku jirtaa xisbinimada iyo sida talada lagu helayaa, ha u qaadanina in la kala cadhoonayo oo la kala hoyanayo, waanu doodaynaa ee isma xamanayno, waana aragti iyo dood caafimaad qabta.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxaanu Muuse oo arrintaa ka sii hadlayaa intaas ku daray oo uu yidhi; “Dhaliilahana farta la isku saarayaa, si aanu u wada qaadano go’aan qaran oo aanu ku heshiis nahay, haddii uu qofku doodda iyo waxa hortiisa laga yidhaahdo ka xanaaqo, sidee baynu qaran u noqonaynaa? Dantuna waxa weeye wixii la isku yahay iyo wuxuu dadku lahaa waa meel, ra’yiga iyo talada fiicanina waa meel, weligeedna geedka hoostiisa waa lagu doodi jiray, garanmaayo waxa geedka iyo xisbiyada siyaasadda looga dhigayo colaad, waase wixii xisbiyada loo samaystay oo fikradahaa la isku gaynayaa oo la shiilayaa, dabadeedna waxa soo baxaya dantii qaranka.”

HOGGAAMIYE XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI CABDI OO SI DIIRRAN ISU SALAAMAY DHALLIISHII MAALIN KA DIB 27 APRIL 2017
HOGGAAMIYE XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI CABDI OO SI DIIRRAN ISU SALAAMAY DHALLIISHII MAALIN KA DIB 27 APRIL 2017

Khudbadda Guddoomiyaha Kulmiye oo dhinacyo kala duwan taabanaysay, waxa kale oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka bisha 11-aad 2017-ka, doorashooyinka Golayaasha degaanka, Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida oo loo kala muddeeyey 2018-ka, 19-ka iyo 2020-ka, nooca dawladda ay Somaliland u baahan tahay, xalka dib-u-dhacyada doorashada ee Somaliland caadada ka noqotay iyo qodobbo kale.

“Doorashadaa maanta codka aynu ku ridaynaa waxay kamid tahay waxyaabaha qeexaya qarannimada aynu doonaynaa caynka ay u ekaan doonto, codkaasina waxa uu sidaa inay dawladnimadeenu noqoto mid ka wanaagsan kuwii aynu kasoo go’nay, mid ka wanaagsan oo ka horumarsan midda aynu maanta haysanno, waayo ilmuhu wuu koraa, geedkuna wuu koraa oo wax waliba way koraan, codka uu muwaadinku bixinayaana waa inuu koriyaa qaranimada oo uu kor u qaadaa tiirarka qaranimada ee halbawlaha ah, waana inuu codkaagu gooyaa yaa ina horumarinaya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.

Waxa kale oo uu Musharrax Muuse Biixi ka hadlay Guddiga mus-dambeed oo lagu muransan yahay ee la sheegay in loo samaynayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, taas oo xisbiyada mucaaradku shaki iyo walaac wayn ka muujiyeen, waxaannu caddeeyey in aanay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu toona ogolayn wax ka horimanaya awoodda sharci ee Komishanka doorashooyinka, waxaanu yidhi; “Erayga mus-dambeed marba waa sidii loo rogo, Madaxweynahaana khudbad uu akhriyey ku daray, fikirkaasi waxa uu yahayna xog-ogaal baan u ahaa, haddii uu yahay in Komishanka laga qaado awoodaha uu sharcigu siiyey iyo hawshooda ama lagu farogelinayo, haddii uu yahay mid lagu durayo waxqabadka Komishanka ma ogolin mus-dambeedkaas xukuumad iyo xisbi toonna umana jeednee ka bogsada. Komishanka Qarankana kalsooni buuxda ayaanu siinaynaa xukuumad iyo xisbiba, xamxam yar baa jirta oo ay qolada mucaaradku wadaan ee waad ka bogsanaysaan, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha iyo dawladdaba si buuxda ayaanu idiinla shaqaynaynaa.”

Haddaba, Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbil-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo qodobbadaas iyo kuwo kaleba kaga hadlaya Khudbadda uu ka jeediyey Maanta Boorama, waxaannu iyadoo dhan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.