Daawo Shaacinta Bilawga Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta & Hadallada Madaxda 3-da Xisbi & Komishanka doorashada

MAXAMED CALI, XIRSI CALI XAAJI XASAN, FAYSAL CALI WARAABE IYO MUUSE BIIXI CABDI BILAWGA QAYBINTA KAADHADHKA CODBIXINTA 27 APRIL 2017 BOORAMA

Boorama(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa magaalada Boorama Khamiistii Maanta ku qabtay Munaasibad ay ku shaaciyeen bilawga qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashooyinka ee gobollada Saaxil, Awdal iyo 12 goobood oo ka tirsan deegaanka Xeebaha ah ee gobolka Sanaag, taasoo si rasmi ah u bilaabmi doonta Sabtida oo ay Bishan April tahay 29 sannadka 2017.

MAXAMED CALI, XIRSI CALI XAAJI XASAN, FAYSAL CALI WARAABE IYO MUUSE BIIXI CABDI BILAWGA QAYBINTA KAADHADHKA CODBIXINTA 27 APRIL 2017 BOORAMA
MAXAMED CALI, XIRSI CALI XAAJI XASAN, FAYSAL CALI WARAABE IYO MUUSE BIIXI CABDI BILAWGA QAYBINTA KAADHADHKA CODBIXINTA 27 APRIL 2017 BOORAMA

Munaasibaddaa lagu shaaciyey bilawga Kaadh-qaybinta gobolladaas, waxaa ka qaybgalay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani, Wasiirro Xukuumadda ka socda, Siyaasiyiin, Saraakiil Hay’adaha caalamiga ah qaarkood ka socda, Wakiillada dawlado Dhawr ah iyo Xubno Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha Caalamka ka tirsan iyo Marti-sharaf kale.

Waxaa Xafladdaa hadallo ka jeediyey Masuuliyiinta Guddiga doorashooyinka iyo Madaxda Saddexda Xisbi oo ka warramay Muhiimadda qaadashada Kaadhadhka Cod-bixintu u leeday Dadka iyo Dalka, iyaga oo ah kuwa ay Shacabku ku soo xulanayaan Cidda ay Hoggaamintooda ku aamminayaan Mustaqbalka dhaw ama doorashada Madaxtooayda oo u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka.

Haddaba, Munaasibaddaasi sidii ay u dhacday, Sharraxaadda goobaha diiwaangelineed ee Kaadhadhka Cod-bixinta lagu qaybin doono, Baaqyada ay Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta kala duwani Bulshada u jeediyeen iyo qodobbada kala duwan ee ay ka hadleen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.