Daawo Madaxweynaha Soomaaliya & Weftigiisa oo Qaab Cajiib ah Dhiggiisa Turkigu ugu soo dhaweeyey Ankara

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO ANKARA ISKU QAABBILAY APRIL 26 2017

Ankara(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Masuuliyiin sare oo Dawladdiisa ka tirsani si diirran ugu soo dhaweeyeen magaalada Ankara oo Weftigu maanta gaadhay.

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO ANKARA ISKU QAABBILAY APRIL 26 2017
MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO ANKARA ISKU QAABBILAY APRIL 26 2017

Waxaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftigiisa lagu soo dhaweeyey Calanka Soomaaliya iyo Heesta Astaanta u ah Calanka Federaalka Soomaaliya, waxay labada Madaxweyne Salaan-sharaf ka wada qaateen Ciidammo ka tirsan kuwa Qalabka Sida ee sida gaarka ah Soodhawaynta ugu tabobbaran ee Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa si kalgacal leh u qaabbilay Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo, iyaga oo kulan saacado socday oo ay arrimo badan oo kala duwan kaga wadahadleen ku yeeshay Madaxtooyada Turkiga ee Ankara, markii uu kulankaasi soo dhammaadayna si wada-jir ah Erdogan iyo Farmaajo ula hadleen Saxaafadda oo ay Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen ku faahfaahiyeen arrimaha ay ka wadahadleen iyo waxay isla meel-dhigeen.

Hase-yeeshee, Qaabkii Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Ca bdillaahi Farmaajo loogu soo dhaweeyey Ankara isaga iyo Weftigiisa iyo Habka iyo Maamuuska uu qaabbilay Madaxweynaha Turkigu, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.