Cilmi-baadhis Cusub oo lagu Ogaaday in Carruurtu Hurdo-yaraan ka qaadaan Taleefannada & Tablet-ka

Cilmi-baadhis Cusub oo lagu Ogaaday in Carruurtu Hurdo-yaraan ka qaadaan Taleefannada & Tablet-ka

London(Aftahannews):- Carruurta waqtiga badan galiya isticmaalka telefoonadda caqiilka ah iyo aaladaha kale Tablet-ka ayaa u muuqda in xooggaa ka hurdo yar yihiin kuwa kale ee aan sidaa sameyn; sida ay xaqiijiyeen Cilmi-baadhayaal Daraasad cusub sameeyey.

Cilmi-baadhis Cusub oo lagu Ogaaday in Carruurtu Hurdo-yaraan ka qaadaan Taleefannada & Tablet-ka
Cilmi-baadhis Cusub oo lagu Ogaaday in Carruurtu Hurdo-yaraan ka qaadaan Taleefannada & Tablet-ka

Daraasadda ayaa waxaa si gaar ah loogu sheegay soo jeedinta ku aaddan in hal saac kasta oo ilmuhu isticmaalo aaladaha farta loo adeegsado marka la isticmaalayo ee loo yaqaan (touchscreens) 15 daqiiqo oo hurdo yari ah ka qaado ama ku keento.

Carruurta ku cayaara aaladahaas ayey si deg-deg ah habka shaqeynta maskaxdooddu aad u sarreysaa. Xeel-dheerayaashu waxay sheegeen daraasadani inay muhiim tahay. Hase-yeeshee, loo baahan yahay inaanay welwel muujin Waalidiintu.

Daraasadda oo ay samaysay Jaamacadda Birkbeck ee magaalada London ee waddanka Britain, ayaa waxaa su’aalo la waydiiyey 715 waalidiin haysta caruur da’doodu sadex sano ka yar tahay. Waxaa la waydiiyey badiyaa sida caruurtoodu ugu ciyaaraan teleefoonadda caqiilka ah iyo aaladaha kale ayna u saameyso hannaanka hurdadooda.

Jawaabaha, ayaa muujiyey in 75% Carruurta isticmaala aaladaha casriga ah maalin kasta kuwaasi oo 51% lix ilaa 11 bilood mid ka mid ah aaladahaas isticmaalaan, halka 92% kuwaasi ka mid ah 25 iyo 26 bilood sidoo kale adeegsadaan. Laakiin, Carruurtaas kuwa ku ciyaara aaladaha casriga ah sida telefoonada caqiilka ah ayaa habeenkii hurdadu ku yar tahay, balse ay ku badan tahay maalinkii.

Dr Tim Smith, oo ka mid ah cilmibaarayaashan ayaa u sheegay BBC xogtan ay ogaadeen, waxaanay yidhaahdeen; “Ma aha wax wayn, marka aad seexanayo 10 ilaa 12 saac maalinkii guud ahaan, laakiin daqiiqad kasta muhiimad ayay u leedahay hurdadu da’da koraysa ee yaraan.”.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.