Ka Faa’iidaysto Talada Shaqada Warbaahineed ee Suxufiyadda Sahra Ciidle Nuur – 5 Qodob oo Muhiim ah

WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR

1- Haddii aad Weriye tahay oo aad waraysanayso qof kaa aqoon badan ama kaa af tahansan amaba shaqada warbaahinta kaaga waayo aragsan, Hawl dheeraad ah ayaa kuu taala e aad u sii diyaar garow, hadii kale golaha ceeb ayaa kaa raaci.

WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR IYO TALADEEDA AQOONTA SAXAAFADEED APRIL 2017
WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR IYO TALADEEDA AQOONTA SAXAAFADEED APRIL 2017
TALADA MIHNADDA WARBAAHINTA EE WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR
TALADA MIHNADDA WARBAAHINTA EE WERIYE SAHRA CIIDLE NUUR

2- Haddii aad Weriye tahay oo aad la kulanto qof ama koox xanaaqsan oo raba in ay dad kale maagaan oo cadhada haysa ay hadal ku muujiyaan oo iyaga oo aan waxba xeerinayn hadlaya, hawl dheeraad ah ayaa kuu taala ee xisaabta ku darso, haddii aad ka soo duubto oo aad baahiso warkooda, ogow bulsho-gube ayaad tahay, hadii aad ka diido inaad warkooda duubtana in ay adiga cadhada kugula dhacaan ayaa suurogal ah. Markaa, waxa lagaaga baahan yahay inaad caqli badan iyo xeelad xirfadaysan la timaaddo oo aad masuuliyad muujiso.

3- Haddii aad wariye tahay oo qofka kuu waramaya ama shirka jaraa’id qabanaya, waxa uu kuu sheegayaa ay tahay been ama faan ama war propaganda ah ,oo aad og tahay waxa uu sheegayaa inanay sal iyo raad yoona lahayn, oo inta aad iska soo duubto aad hadana bulshada u baahiso, taasi adiga ayay ceeb iyo cay wada socda kugu tahay qof kaasina caqligaaga ayuu caayay ee iska casil ama ka fadhiiso shaqada aad hayso.

4- Haddii aad Weriye tahay ka digtoonow in shaqada aad hayso aad ku aar goosato ama aad cid ugu abaal-guddo, iska ilaali qof aad neceb tahay ha ku wax yeelayn shaqada aad hayso, qof aad jeceshahayna ha ku buun buunin awooda war baahineed ee aad leedahay .

5- Haddii aad Weriye tahay marka ad shaqadaada ku dhex jirto, Idaacad, TV , ama wargays maskaxda ha ku qaban dad gaar ah oo aad taqaano oo kaliya in war kaagu gaadhayo, hadii kale warkaaga khalkhal baa ku jira oo waxaad ka fikiraysaa waxa ay neceb yihiin iyo waxa ay jecel yihiin dadkaasi aad taqaanaa, waxa dareen kaaga qasaya dad kaa aad ka fikirayso oo daaqad aan la arkayn kaa soo eegaya.

Maanta shantaa qodob ha inoogu joogto.

Sahra Ciidle Nuur

Washington DC/USE.