Gef Mise Gardarro: Dacwadda UCID ee Xildhibaannada KULMIYE Ku Biiray? W/Q Siciid Gahayr

ABWAAN/QORAA/MACALLIN SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI)

Iyada oo ay badi siyaasiyiinta UCID ku biireen WADDANI  ayaa ay 12kii Julaay 2012ka heshiis galeen UCID iyo garabkii Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay ee UDUB. Garabkaasi waxa ay ka hawl-galeen in la helo murashixiin xisbiga UCID ugu tartama doorashada goleyaasha deegaanka ee dhacaysay 28kii Nofember 2012ka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu kaalin ka qaatay ama keenay xulashada murashixiintii Sallaxley iyo qaybo Hargeysa ah.

ABWAAN/QORAA/MACALLIN SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) APRIL 2017
ABWAAN/QORAA/MACALLIN SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) APRIL 2017

Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan waxa ay ku kala filiqsanaayeen dhammaan gobollada Somaliland. Mar kastana waxa aan la qarin kaalintii weynayd ee ay ku lahaayeen in UCID ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira. Walaw uu jiro nuqul xeerka 14aad ah oo la saxeexay sannadkii 2012ka oo qeexaya in xisbi kastaaba soo buuxinayo jagada xildhibaannada ka soo baxay ee xisbi kale ku biira, ma aha markii kowaad ee Xildhibaan UCID ka soo baxay uu ku biiro KULMIYE.

28kii Sebtemer 2013ka waxa KULMIYE ku biiray Duqa Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo UCID ka soo baxay sannadkii 2012ka. Haddaba, sababma ayuu Xisbiga UCID markaas maxkamad u saari waayay xildhibaannada ka soo baxay UCID ee ku biiray KULMIYE?. Dacwaddii lagu oogi lahaa, waxa la baajiyay kaddib markii uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka tanaasulay in sharciga la mariyo xildhibaannadan.

Waxa aynu ognahay in Xisbiga UCID oo laba garab ahi uu dacwad ku galay Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka sannadkii hore ee 2016ka. Go’aanka dacwaddaasina waxa uu noqday in 07dii Nofember 2016ka la laalo heshiiskii UCID iyo garabkii UDUB iyada oo maalin kaddibna Murashaxa Xisbiga loo doortay Engineer Faysal Cali Waraabe, oo aan illaa hadda haynnin Murashaxiisa Madaxweyne ku-xigeenka oo uu ballanqaaday in uu ku keenayo 45 cisho.

Marka lala noqonayo murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen, ma waxa la filayaa in Jamaal oo keli ahi uu UCID ka tago, isla markaana ay taageerayaashiisa iyo xildhibaannadii la socdayna ku hadhayaan UCID?. 06dii Feberweri 2017ka waxa Hargeysa lagu qabtay munaasibad ay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, lix ka mid ah xildhibaannadii UCID ee goleyaasha deegaanka iyo masuuliyiin kale si rasmi ah ugu biireen Xisbiga KULMIYE. Walaw aan ka mid ahaa dadkii munaasibaddaas goobjoogga u ahaa ee taageersanaa in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu ku biiro KULMIYE, waxa jira sababo qof ahaan iga hakiyay inaan halkaas ku biyo-shubto. Waxa aan doorbiday in aan noqdo qof ka madax-bannaan xisbiyada oo aragtidiisa qof ahaaneed u xor ah.

Tallaabadaasi waxa ay keentay in UCID ay dacwad u gudbiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, markii dambena waxa dacwadda la isu dhaafiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ugu dambayn ku wareejisay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka si ay go’aan uga gaadhaan dacwadda ay Xisbiga UCID dabada ka riixayaan.

UCID waxa u qurux badnaa in ay ka hadhaan ragga markii horeba ugu yimi Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen. Kiiska ay wadaanna waxa aan u arkaa hinaase ay ka qaadeen munaasibaddii ballaadhnayd ee KULMIYE ku soo dhaweeyay Aqooyahan Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii NEW UCID. Waxa u qurxoonayd inay raadiyaan taageerayaal u codeeya doorashada qorshaysan 13ka Nofember 2017ka. Inta ay UCID daba-socdaan xildhibaanno ka diga-rogtay, waxa ila habboon in ay buuxiyaan jagooyinka illaa hadda madhan sida:

1. Murashaxa madaxweyne ku xigeenka

2. Guddoomiye ku-xigeenka kowaad: Dec 7 2015 ayuu masuulkii xilkan hayay geeriyooday

3. Guddoomiye ku xigeenka labaad: 2012ka ayuu Xisbiga ka goostay masuulkii xilkan hayay.

4. Guddoomiye ku xigeenka afraa: Geeridiisu 2013ka ayay ahayd, sida aan filayo

5. Xoghayaha Guud: Nofember, 6, 2013ka ayuu is-casilay

6. Xoghayeyaasha tirada badan

7. Guddoomiyeyaasha Gobollada IWM

Runtii qaab-dhismeedka uu UCID leeyahay uma eka xisbi doorasho diyaar u ah maanta. Inkasta oo ay dhawr jeer qabteen munaasibado lagu sheegay soo-dhaweynta taageerayaal cusub, haddana waxa aan garan waayay qof aan “hebel ama heblaayo” ku sheego oo ku biiray. Haddii uu UCID doorashooyinkii madaxtooyada ee 2003da iyo 2010ka uu helay codad dhan 15% iyo 17%, waxa ay ila tahay inuu maanta helayo ugu badnaan 5% codka bulshada Somaliland.

Rejada laga qabo in uu UCID ku guuleysto doorashada madaxtooyada waxa tusaale u ah: sannadkii 2003da waxa Faysal ku-xigeen u ahaa Marxuun Axmed Cabdi Siciid. Markii uu arkay in aanay meesha ka soo dhaweyn madaxweyne ku-xigeenno ayuu baarlamaanka u tartamay 2005ta, isaga oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada ayuu geeriyooday Eebbe ha naxariisto’e. Gu’gii 2010ka waxa Faysal ku-xigeen u ahaa Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, markuu ogaaday in guusha UCID cirka ku laalan tahay ayuu KULMIYE u magacaabay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland.

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qarankana waxa la gudboon in ay go’aan sax ah soo saaraan. Sidii ay sannadkii hore u aqoonsanaayeen in Xisbiga UCID uu yahay laba garab, waa in ay u gartaan in waxa meesha ka socdaa uu yahay garabkii Faysal oo laalay heshiiskii garabka Jamaal isla markaana dacwad la daba-socda garabkii Jamaal. Sidee ayaa ay maangal u tahay inaad erido masuulkii sababta u ahaa inay UCID yimaaddaan xildhibaannadani, iyagana aad ugu sandulleyso in ay kula sii joogaan?. Waxa aan bulshada weydiin lahaa “Xeerkani miyuu sheegayaa waxa xalku noqonayo haddii xisbi la isku qabsado? Xildhibaannadiisii ka mid ahaa garabka xisbiga laga helay, ma in ay dhankii xisbiga ku hadhay la sii joogaan ayaa waajib ah?”

Ugu dambayntii waxa aan UCID leeyahay haddii aad hantideen Guddoonkii iyo Murashaxnimadii Xisbiga waxa idiin qurxoon inaad iimaansataan waxa aad gacanta ku haysaan. Idinka ayaa keenay khilaafka Xisbiga UCID qaybiyay, markaa waa inaad midhihiisa mahadisaan.

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com