Magaalo Xorriyadda Ka jirtaa Halis ku Tahay Nolosha iyo Nabadda Taal! W/Q: Cabdisitaar Cabdillaahi Cali (Sabri)

MUUQAALKA GUUD EE MAGAALADA HARGEYSA

Hargaysi waa xudunta kulmisa isu xidha ,isgaadhsiisa , dawlad iyo dad is leh , dalkana wada leh , waa caasimad Hal milyan oo qof lagu qiyaasay in ay habeenkii ku hoydaan.

MUUQAALKA GUUD EE MAGAALADA HARGEYSA
MUUQAALKA GUUD EE MAGAALADA HARGEYSA

Waa magaalo dacallada ufiday, balaadhatay, dhisantay, horumarkeedu koray shan iyo labaatankii sannadood ee udanbeeyay , Waxaa yaalla waxkasta oo Somaliland maanta hanti u ah , Caasimadani waa barkulanka ay isu arkaan dadyoow deegaan ahaan kala durugsan kuwaas oo aan isba barteen haddaanay isbadin hargaysa oo kale ,   isma taqaan sida Goboladda kale ee somaliland ismana  dhaado ah inta badan , is aqoonsiga qofeedna waabuu ku yaryahay,  guud ahaanna laysuma mashquulo , loo mana fiirsado ,  halkii ubaahnayd foojignaanta ,

Sababtoo ah waa magaalo qofkii soo galaaba isu haysto  reer magaal  sharciga ka sareeya oo waxwalba xariif ku  ah , inkastoo dadka  hargaysa deegaan ahaan ku dhaqmay ay laftigoodu xadaarad ahaan kala durugsanyihiin, kalana baadi daranyihiin , kala tabasho badanyihiin , kalana nolol duwan yihiin, Si kale hadii loo fasiro  waa dad guudka iskaga eeg , kala shaash duwan , kala saamayn badan  Cod ahaan  , qab ahaan iyo duruuf ahaan sadexdaba

Hargaysa marka aad joogto waxaa ugu badan ee qabiilkaaga dadka barikaraa waa siyaasadda haddii aad ku lugleeyato ,sababtoo ah Siyaasada maanta jirtaa waa ta keliya ee sahli karta ama fududaysay in ay is aqoonsadaan bulshada  inta xilligan istaqaana, Dhaqan ahaan dadkani waxa ay kula nabad galaan , isuna ixtiraamaan kuna kala danbeeyaan, si guudna  Tol iyo xidid  gacalnimo ayay kukala  nabadgalaan bulshadani,Geesta kale Hargaysa waa magaalo musuqmaasuq suuqmadaw yaallaa hadheeyay, Ciidanka Booliiska , Dulmiga ka dhexjira waa midka ugu daran ee dabciyay kartidii iyo feegignaantii ciidanka Nabadgelyedda ,  Darajadii  saraakisu waxay si foolxun ugu shaqaysatay  dablihii iyo dunbuqii ,   hawlgalladda habeenkii ciidanku fulinayo waxay ubataan  hawlgallo macaash raadis  ah  Qofkasta oo ciidanku danbi ku soo xidhaan , madaxfurasho lacageed ayuu dib ugu helaa xoriyadiisii , inkastoo goboladda dalkaba  hargaysa ay kala simantahay  arintaas.

Qof walba wuxuu jecelyahay haddii uu arko in qodob sharci ahi uu qabtay askarina la taaganyahay , xeerjajab iyo jeeb hulaaban uu iskaga furdaamiyo ciidanka dawladda ,  farsamadaasna waa mid hanaqaay  oo hadda iyo hawba haddaan wax laga qaban  dhaawacaysa Nabadda nuurka badan ee hargaysa ka jirta Qasnadda dawladda in lacagi kudhacdo waxaa shacabku ka jecelyahay in ay shaah ushubaan askariga , qoraxda taagan , si uu hadhqoodaal ku haboon uu nafta ugu nasiyo,Shacabka iyo askariga oo uheshiiya  curyaaminta dakhliga dawladda waxaa laga dhaxlaa Masiibo Nabad gelyo darro horseeda  waxaanan  baraarujinaynaa  Madaxda dalka oo hawsha  socotaa  xujo ay ku tahay Xilka guudka loosudhay waayo humaaga muuqdaa waa hoosiis qaranka hodaaya.

Dadka dhaqaalaha ,Ganacsiga ,Tacliintadiiniga ah iyo midda maadiga ah iyo Guud ahaan kaabayaasha dalka gacanta kuhayaa  waa dadyoowgii ka faa’iiday burburkii iyo Dawlad la’aantii Lasoo maray , hadda iyo haddeer iyo hadhawna Majecla in ladhaqangeliyo Dawlad sugta wax kasta oo hagaajinkara baahida jirta, sababtoo ah iyaga sidanbay ugu badisaa.

Hargaysa  Sidaas oo ay tahay  haddana waa magaalo madaxda dalka Jamhuuriyadda Somaliland Sikasta oo aan ugu welwelo  xasiloonida lagu soo caano dhamay hadda Hargaysa Degenaanshaha kajiraa kama jiro magaalooyinka waawayn ee waddamada Mandaqada Geeska Afrika oo ay kamidtahay Waxaa se shakki la’aan ah in ay tahay  Halis ujoog tahay,  haddaan isbedel lagu samayn  ukuurgelidda xaaladaas haddii la gunraaco  xaalladda runta ah ee Hargaysi kusugan tahay   Xalku wuxuu noqonayaa in masiibadaas laga hortago   oo wax laga qabto , hadiise ka hortag lawaayo filo halis dhacda oo dhib dhaxalsiisa  dadka  iyo dadkaba kuna darso saadaasha hortaada taalla, Nabad  kutimi   hawl iyo hawl,dul ,iyo Samir  baryo iyo maslaxad  gar iyo garo geed hoostii loogu habeen dhaxay , garashiyo bisay umadeed in ay  siyar u  luntaa waa liidnimo , haddii ay luntana baadidoonkeeda danbe lama mahadin doono.

In nabadda  Somaliland kajirtaa hor ilaahay ujirto oo u sugan tahay waxaa marag kuugu filan Xafiiska Madaxweynaha Qaranka ee Qasriga Madaxtooyada  Madaxweyne Siilaanyo dalka uga taliyo Sida gaadh-hayaheedu  u dabacsan yahay, Xaruntani waa wadnaha gundhiga u ah guusha iyo guuladarradda umaddu markale waa Qalbiga laga hogaamiyo qiyamka  qarankan oo idil , Xilligan iyo marwalba Madaxtooyaddu waa Muraayadda laga daawankaro sida ay u adagtahay ama ay u laciifsantahay xasiloona dalku Bal aan sawiro Xaruntan Muhiimka ah ee nuxurkeygu ku socdo  waa Xarun ka turjumaysa in ilaahay iska ilaashanayo ,ciidanka joogaana , xaal koodu yahay Qawda maqashii, Ishuna haku qabato  Balse anigu waxaan quustay markii aan sanadkan udanbeeyay aan si istaba taxan ugu noqnoqday ukuur gelidda jawiga Xarunta ugu saeysa ee dalka looga taliyo Waxaan odhan karaa bogcadda ugu liidata , ilaalo ahaan uguna muhiimsan dalku waa Madaxtooyada Somaliland haku qabato  Balse anigu waxaan quustay markii aan sanadkan udanbeeyay aan si istaba taxan ugu noqnoqday ukuur gelidda jawiga madaxtooyadda Waxaan odhan karaa bogcadda ugu liidata , ilaalo ahaan uguna muhiimsan dalka waa madaxtooyadda ,  dayac  iyo isdhigasho badan oo amni ayaa  hadheeyay.

Madaxtooyadda Çiidan la’aani mahaysato oo Ciidanka ilaalada madaxtooyadu Waa buux , balse inta badan Askari si hufan usoo jeedaa  ku dhex arki maysid,  askari walba iimaankiisii meelkaluu kumaqanyahay , haddna wuu liganyahay ,  waa ciidan Muuqaal ahaan jooga  xagga huga iyo hubkana ka asturan , guud ahaan waa Askar si  uwada maahsan ,Madaxda dawladda ee xafiiskoodu kabaxsanyihiin Xarunta madaxtooyadda  ayaa iyana qayb ka ah kuwa  Horseedka ka ah ,jaahwareerka shakiga geliyay sugidda amniga  xarunta madaxtooyadda, Wasiiro Tiro badan oo shaqo iyo xafiis la’aani hayso , sidoo kalena aan curin karin hal abuur kale oo ay kaga faa’iidaystaan xilka ayaa iridda iyo barxadda hore iyo xafiisyadda madaxtooyadda hor tuban  , waxaa dheer , wadaado , ganacsato , afmiishaaro ,Cuqaal , salaadiin , dumar , iyo shacab kale oo indha garasho kusoo galay xarunta oo aan aqoonsi iyo raadraac midna aan laga haynin  , balan iyo ujeedo minda aan xarunta  u iman.

Garasho iyo ehelnimo labadaba laguma halleeyo gudashada xilkaaga iyo la xisaabtanka cidda shaqada dayacday  ileen  shaqadda Umadbaa  kuu dirsataye Marka aad Mandaqada Geeska Afrika  kuyaalla oo kale aad Gaadh-haye ka tahay sida Madaxtooyadda oo kale Nabadda sugideeda laysuma halleeyo ,Dawladda iyo dadweynuhu Waa gacal isjecel  balse isla garanshawaa ayaa ka haysta sugidda amniga noloshooda.

Madaxtooyadda Somaliland meelo dhawra ayaa laga soo galaa , qofkasta oo hore u galay qoraalkanna arkaa oo akhriya waa  dareemi karaa inta jeer ee uu iska galay isagoo aan la hubin  wuxuu hub iyo hanti midna lagalay iyo wuxuu kala soo baxay , iyo meel uu kasocdo.

Wadooyinka Qasriga Madaxtooyadda laga galo  lug iyo gaadhiba   waa lagu galaa  marmar iyo dhif ayaa dhacda in darawalka LA amro inuu dejiyo muraayadda danbe ee gaadhiga ama inuu furo albaabka danbe ee gaadhiga uu wato , Inta badan Gaadiidka Caasimada Hargaysa lagu wataa mid dawladeed iyo mid shicibba waa iska banaanyaal , halista Gobolka kajirtaana masaamaxayso in gaadhi waliba ka badbaado in lagu xidho waxyaabaha qarxa ,  balse Somaliland way is aamintay , dareenkooduna weli shakigaas ma dhaadin , shacabkuna way kala qayileen ,oo waxyaabahan khatarta ah halleel uma hayaan , lknse shaqo la’aanta iyo busaaraddu haddii ay sii fidaan way iska iman waxaa se dawladda looga baahanyahay in ay iska arkaan arinkaas.

Madaxtooyada sida aan usifeeyay waxaan arkay qoraalkanna waa lexlo jeclo , Dalku guud ahaan gobol iyo guri iyo geedkastaba , xaalkoodo waa heedadoow , bulshada  dereenkii wax isweydiinjiray ayaa lumay welina laayaan mahelin  , qalbi jabkaweyni majiro Qaranimadda oo qalalaase galo ,siyaasadda amniga qaran ka halaga duwo jidka  qaloocan, haddii kale    waana loo qoonmi doonaa , maanta maalin aan ahaynna waa la qoomamayndoona , hadday Sidan siii ahaatana  in muraayadda dalku qaraxdo dalkuna qulubwareer galo filo Taliyaha Cusub ee madaxtooyadda isna wuu dareemikaraa sababaha xilkan loogu ig maday ,  taliye sarkaar ahi haddii uu waajibkiisa shaqo habrado  Umaddii iyo wadankiiba wuu hakraday.

Waxa Qoray :Cabdisitaar Cabdillaahi Cali (Sabri)

Hargeysa/Somaliland.