Hargeysa: 14 Jir Hantiile ah oo isu diyaarinaya inuu Guursado, Gabadh ay Heshiiyeen, Higsigiisa, Wuxu qabto & Baaq uu diray

Somaliland 14 Hantiile ah oo isu diyaarinaya inuu Guursado, Dhalinyarada Baaq u diray 2017.png

Hargeysa(Aftahannews):- Abukar-khadar Ismaaciil Axmed, waa Wiil 14 sano  jir ah, isla markaana shaqaysanayey tan iyo markii ay da’adiisu ahayd 11-jir. Waa Darewal ku Shaqaysta Gaadhi Tagsi ah oo uu Mulkiyaddiisa isagu leeyahay. Wuxuu hadda isu diyaarinayaa inuu iibsado Gaadhi Bas ah iyo in uu Guursado inta lagu guda-jiro sannadkan 2017-ka haddii Illaahay ku simo; sida uu isagu sheegay.

Somaliland 14 Hantiile ah oo isu diyaarinaya inuu Guursado, Dhalinyarada Baaq u diray 2017.png
Somaliland 14 Hantiile ah oo isu diyaarinaya inuu Guursado, Dhalinyarada Baaq u diray 2017.png

Abukar-khadar waxa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo uu mid ka mid ah Tagaasida hadda lagu shaqeeyo kaga shaqaysta magaalada, kaas oo uu sheegay in uu inta badan subaxda illaa toddobada fiidnimo ku shaqeeyo, ka dibna iska rawaxo oo uu hoydo oo aanu habeenkii saacadaha dambe ama cawaysika midna shaqaynin. Waxa uu Abukar sidaa ku sheegay waraysi ay Hargeysa kula yeelatay Weriye Deeqa oo ka tirsan Somalicable TV oo ku waraysatay Barnaamijka Deeqa ee isla TV-gaas ay ka baahiso toddobaadkiiba hal mar.

Waxaa Abukar ugu horreyn ay Weriyuhu weydiisay shaqadii u horreysay ee uu qabtay da’da uu jiray xilligaas iyo sidii uu ku bilaabay, waxaanu ku jawaabay; “Waxaan ahaa 11 jir, waxaan ku bilaabay Gaadhi Mark2 (Maarkatuu), waan shaqaystay, Lacagtaydi way ii biirtay, Lacagtii ii ururtay gaadhi baan ka iibsaday. Waxaanan immika rejaynayaa inaan horumar gaadho.”

“Waxa igu kelliftay anigoo waxbarasho wada, ee aan arkay inaannaan Lacag waxba haysan, Odayga Aabbahayna xanuunsaday maalmahaas, ayaan Gaadhiga Mark 2-ga ah bartay, waa la igu aamminay. Ka bacdi Aabbo Lacag buu iska helay oo wuu shaqaystay, Aniguna halkaas Konton Kun (oo Lacagta Somaliland ah) ka qaadan jiray, Kuuligana dhinac baan ka geli jiray. Markii dambe ee Lacagtu ii biirtay, ayaan Gaadhigan ka iibsada, khayr baan ka rejaynayaa, wax fiican (Lacag) ayaa iga soo gala.” Sidaa ayuu yidhi Abukar.

Abukar oo la weydiiyey cidda ku dhiirrigelisay ee markii ugu horreysay tustay inuu Gaadhiga kaxayn karo isaga oo 11-jir ah, waxa uu sheegay in Aabbihii Ismaaciil uu ku dhiirrigeliyey oo uu u sheegay in uu gaadhiga kaxayn karo oo uu sidaas ku kaxeeyo, isaga oo muddo la shaqaynayey Aabbihii, markii dambena uu isagu la wareegay Gaadhi. Sidoo kale, mar la weydiiyey caqabadaha uu Ciidanka nabadgelyada waddooyinka kala kulmo isaga oo Wiil yar ah oo Gaadhiga uu wataana Geer (Maanuwal) yahay markay arkaan, ayuu Abukar sheegay inaanu wax dhib ah kala kulmin ee ay Taraafikadu yidhaahdaan; “Waar Ninkan Maanuwal-ka wataa waa Nin wayne iska daaya.”

“Lacag markaan arkay igu filan ee wax walba aan iska haysto, Xaafadduna biishan tahay, ks bacdi waxaan is-idhi, xagganna wax baad ka wadan kartaa, xagganna shaqadaad ka wadan karaysaa, ee iska guurso, si ay yaryarkaaguna kuula socon karaan sida Walaalkaa oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Abukar-yare.

Waxaana mar la weydiiyey inuu ku hamiyey Guurka uun iyo inay jirto Gabadh ay is-jecel yihiin oo ay sheekaysteen, waxa uu sheegay inay jirto Gabadh ay is-jecel yihiin oo ay ku heshiiyeen inay is-guursadaan sannadkan gudihiisa, inta ka horreysana uu biirinayo Lacag dhawr Kun oo Doollar ah oo uu hadda haysto, ka dibna rejaynayo inuu Aroos qurux badan dhigto.

Abukar-khadar oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Gabadha ay hadda sheekaystaan ka hor uu Hablo kale la soo sheekaystay iyo in kale, waxa uu yidhi; “Haa Inan aannu is-naqaannay baa jirtay, ka dib Reerkayaga iyo Reerkoodii way is-diideen, markaa 12-jir baan ahaa, markaa waxa la yidhi dhawr sano illaa laba sano iska yar sug, ka dib labadii reer Baa isku dhacay.” Waxa uu Abukar sheegay in Gabadhaas la isu diiday maaddaama oo ay yar-yaraayeen la guursaday, balse Jacaylkiisu hadda ka wacan yahay kiisaa hore, isla markaana ay ka go’an tahay in haddii Allaah isu calfo ay is-guursadaan Gabadha hadda ay sheekaystaan. Isaga oo intaas ku daray inuu waxyaabaha xaaraanta ah aad u neceb-yahay.

Waxa uu Abukar sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu aad ugu qanacsan yahay Shaqada uu dalkiisa Hooyo ka shaqaysto, isla markaana uu ugu baaqayo Dhalinyarada inay joojiyaan Tahriibta iyo dhibaatada ay u marayaan inay dalal Shisheeye tagaan, taas beddelkeedana ay waddankooda Hooyo ka shaqaystaan oo ay Ciiddooda aamminaan. “Yurubta ay ku yaacayaan wax yaallaa ma jiro. Markaa, waxaan kula talinayaa inay dalkooda Hooyo ka shaqaystaan, oo aanay tahriibin oo aanay Badaha iyo Saxaraha ku madhan, dalkaaga iyo calankaaga inaad ilaashato ayaa wax walba ka fiican, dibeddaad u tahriibaysaan gumaysi ayuun baa idinkaga horreeya, ee dalkiinna iyo ciidddiinna aammina ayaan odhan lahaa Dhalinyarada.” Sidaa ayuu yidhi Abukar-khadar Ismaaciil Axmed.

Waraysigaas Abukar-khadar iyo Weriye Deeqa ku dhex-maray Hargeysa sida uu u dhacay waxaannu isaga oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.