Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Shalay Iyo Maanta Keebaynu Rumaysannaa?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO IYO WASIIRKA MACDANTA XUSEEN CABDI DUCAALE OO KA WADA QOSLAYA XAFLADDA DAAH-FURKA SAHAMINTA SHIDAALKA BURCO MARCH 26 2017

“Dal Aan La Ictiraafsanayn Cidi Macaadiintiisa Ma Soo Saarto, Sun Baa Lagu Daadinayaa Dhulka..” Axmed-Siilaanyo ………. “Barnaamijkan Sahaminta Shidaalka, ee ka socda deegaannada qaar, Mar labaad waxaan ku Hambalyaynayaa dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee uu hormoodka u yahay Eng. Xuseen…” Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka hor intii aanu ku guulaysan hogaaminta talada dalka ee uu ku jiray halgankii Mucaaradnimo ee uu ugu ordayay hanashada Kursiga uu maanta ku fadhiyo, doodihiisu way caddaayeen, isla markaana wax badan oo maanta Xukuumaddiisa lagu dhalliilsan yahay hore ayuu uga sii hadlay.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO IYO WASIIRKA MACDANTA XUSEEN CABDI DUCAALE OO KA WADA QOSLAYA XAFLADDA DAAH-FURKA SAHAMINTA SHIDAALKA BURCO MARCH 26 2017
MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO IYO WASIIRKA MACDANTA XUSEEN CABDI DUCAALE OO KA WADA QOSLAYA XAFLADDA DAAH-FURKA SAHAMINTA SHIDAALKA BURCO MARCH 26 2017

Waxyaabaha uu Badheedhihiisa hore uga caddeeyey wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, waxaa ka mid ahaa arrinta Sahaminta Shidaalka iyo Macdan-baadhista oo uu si weyn ugu dhalliilay marar ay isku dayday Xukuumaddii UDUB ee Md. Daahir Rayaale Kaahin Hoggaaminayey. Hase-yeeshee, wakhtigan arragtida iyo aaraahda Mudane Siilaanyo sidaa hore waa ka duwan tahay. Haddaba bal aan is-barbar-dhigno hadalladii Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ka yidhi wakhtigaas iyo hadallada uu ka yidhi Xaflad lagu Daah-furay bilawga Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta oo dorraad oo ay ahayd 26 Maarso 2017-ka lagu qabtay Burco aynu isu-eegno.

“Waxaynu maqalaa macaadiin baa loo siiyay, maxaa macaadiinta loo siiyay? Waar ma caqli baynaan lahayn, waynu ognahoo dunidda dal aan la ictiraafsanayn…. Dunidda shuruuc caalamiya baa jirta, dal aan la ictiraafsanayn ciddi macaadiintiisa soo saari mayso, waa been, macaadiin laguu soo saarayaa ma jirto. Kuwa saliidda kuwii berrigii hore la wada  siiyay oo miidhan baa meel ugu wada xidhan. Waxaa la wada siinayaa waa in qashinka nugliyeerka lagu qabo meelaha la qaadanayo, balook hebel baanu qaadanaynaa, baloog hebel baanu qaadanaynaa, waar waxay soo saareen miyaa aragteen maalin walba qaar la baxsho baa maqashaane, sun baa lagu daadinayaa oo la gaynayaa dhulka, wax kale oo looga jeeddaa ma jirto, wax ciddi kuu soo saaraysaa ma jirto.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyihii Kulmiye ee shalay, maantana ah Madaxweynaha Soomaaliland Md. Axmed-Siilaanyo.

Hase-yeeshee, Khudbadda uu Dorraad ka jeediyey Munaasibaddaa Daah-furka Shidaalka iyo Macdanaha sahamintooda, qaybta uu kaga hadlay Khayraadkaas, waxa uu ku yidhi; “Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii tahay, in aan idin kala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag.

Anigoo munaasibadan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo, dhammaan bulshada ku dhaqan gobollada hawlgalladu ka socdaan, sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen, si gaar ah, waxaan u bogaadinayaa waayeelka iyo waxgaradka, sida hagar la’aanta ah isu barbar taagay barnaamijkan sahaminta shidaalka, ee ka socda deegaannada qaar. Mar labaad, waxaan ku hambalyaynayaa dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, ee uu hormoodka u yahay Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, doorkii iyo dedaakii ay ka geysteen hirgelinta mashruucan qiimaha badan oo ka mid ahaa himilooyinkii Xisbiga Kulmiye.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Khayraadka iyo nimcooyinka kala duduwan ee EEBBE aadanaha u qaybiyey, waxay ka mid yihiin, ayaanka iyo nasiibka la is dheer yahay. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu ogaanno wixii qaddarka ALLE aynu qayb u helnay, iyo wixii qaniimad dhulkeenu hodan ku yahay. Haddaba, si aynu ugu gungaadhno arrintan, waxaa la inooga baahan yahay in aynu la nimaadno talo adag, tawfiiq wanaagsan iyo tabaabushe weyn.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Soor baa lagu fadhiyaa, ee sallo laguma fadhiyo”.

Siyaasadda qarankan aan ku hagayo, waxaa bud-dhig u ah, in la hirgeliyo horumar ballaadhan, iyo in la yagleelo nolol dadku dugsan karaan. Waxaan shacbigayga ku leeyahay, hal ku dhigyadii uu geel-jiruhu ku heesi jiray, ‘Ragna dhuuni buu kuu dhex joogaa, ragna dhaqashuu kuugu dhaadhacay’.

Hase-yeeshee, waxaa reebban in sharciga gacanta lagu qaato, ama la is hortaago hawlgallada sahaminta shidaalka, iyo mashaariicda kale ee horumarka, ama maalgashiga ee dalka u soo horyeeshay. Waxaan u digayaa, cid kasta oo isku dayda in ay abaabusho khal-khal iyo rabshado lagu wax yeelaynayo amniga, nabadgelyada iyo midnimada ummadda JSL. Waxaan sida cadceeda u cadaynayaa, in aan dawladaydu u dulqaadan doonin, dibindaabyada dalka iyo dembiyada abaabulan ee qarankan lagu duminayo. Arrintani waxay ka mid tahay xilka iyo waajibaadka i saaran Madaxweyne ahaan, ee la ii doortay. Sidaa darteed, far waaweyn oo aan gabasho lahayn baan ku qorayaa. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag….” Sidaa ayuu yidhi qaybta uu Khayraadka sahankiisa la bilaabay kaga hadlay Siilaanyo.

Hase-yeeshee, marka si caafimaad-qabta wax la isu weydiiyo, su’aashu waxay noqonaysaa Madaxweyne Shalay iyo Maanta midkay hadalkaaga run u qaadan kartaa Bulshada Somaliland ee aad labada hadal-ba ku tidhi?

Xigasho Wargeyska Ogaal.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.