Hargeysa: Ujeeddada Shawga Xayeysiinta Dharka Ragga, Hadal-haynta Bulshada & Fasirka Wasaaradda Diinta

HARGEYSA FASHION SHAW 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Waxaa maalmihii u dambeeyey Baraha ay Bulshadu ku kulanto gaar ahaan Shabakadda Facebook waxa ugu badan ee lagu hadal-hayo ama lagu wadaa ahaayeen Sawirrada Wiilal Hargeysa ku qabtay Bandhig Dhar-xayeysiin ah, taas oo ku cusubbayd Indhaha in badan oo Bulshada ka tirsan, isla markaana dhalisay faallooyin ay ka bixinayeen Dadku, iyaga oo tilmaamayey inay tahay Dhaqan-xumo iyo wax aan wakhtigan loo baahnayn oo Somaliland ku soo kordhay.

HARGEYSA FASHION SHAW 2017
HARGEYSA FASHION SHAW 2017

Hase-yeeshee, Wiilasha Bandhig-Dhareedkaas sameeyey, ayaa ku dooday inaanay wax Dhaqan-xumo ah ama Diinta Islaamka lid ku ah aanay samaynin, isla markaana sababta ay Bandhig-dhar-xayeysiintan u qabteen ahayd inay Dhaqaale ugu ururiyaan Dadka ay Somaliland Abaaruhu ku saameeyeen ee Gurmadka iyo Caawimada uga baan dhammaan Walaalohooda kale.

HARGEYSA FASHION SHAW 2017
HARGEYSA FASHION SHAW 2017

Yaxye Xaaji Maxamed Gaydh oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha Kulankaas Xayeysiinta Dharka ah ee ay Hargeysa ku qabteen, ayaa sheegay in Dharka ay xayeysiinayeen wadannin ama gudbinaynin wax dhaqan-xumo muujinaya ama muujin kara, ee ay ahaayeen Dharka Qof kastaaba ku labbisto ee aynu Xidhanno, Shaadhadh, Surwaallo, Kabo iyo Dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Waxaa sidoo kale isaguna arrintaas iyo waxay Diinta Islaamku ka qabto ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Haddaba, Yaxye Gaydh iyo Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo arrimahaas, waxaannu Warbixinta Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.