Go’aanka Shirka Madaxda IGAD ee Nairobi ka soo baxay iyo Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo – Daawo

Go’aanka Shirka Madaxda Urur-goboleedka IGAD ee Nairobi ka soo baxay iyo Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo 2017

Nairobi(Aftahannews):- Madaxda Waddamada Xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD, ayaa maanta magaalada Nairobi ku yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen xal u helidda Qaxootiga Soomaalida ah ee Xeryaha dalalka Bariga Afrika. Waxaana Shirkaas lagu go’aamiyey inay dalalka Afrika si Mutaddawacnimo ah uga wada shaqeeyaan sidii ay dalkooda qasab la’aan ugu noqon lahaayeen dalkooda.

Go’aanka Shirka Madaxda Urur-goboleedka IGAD ee Nairobi ka soo baxay iyo Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo 2017
Go’aanka Shirka Madaxda Urur-goboleedka IGAD ee Nairobi ka soo baxay iyo Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo 2017

In ka badan 2 Milyan oo Soomaali ah, ayaa ku barakacsan gudaha dalalka Bariga Afrika. 1.1 Milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Madaxweyne Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dalkiisa uusan aqbeli karin in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ay hoy u noqoto argaggixisada. Kenyatta oo dalkiisu uu martigeliyay qaxoooti badan oo Soomaali ah ayaa ku baaqay in xal deg deg ah oo waaro loo helo mashaqada qaxootiga.

“Waxaan nahay dalka martigeliyay tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida iyo xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka oo dhan. Waana ku faraxsanahay in shirkan muhiimka ahna aan martigelinay. Waxaan aaminsanahay in qaxootiga Soomaalida ay xaq u leeyihiin nolol sharaf leh.” ayuu yiri Kenyatta oo furay kulan madaxeedka.

Kenya ayaa horay u sheegtay in ay albaabada u laabayso xerada qaxootiga ugu wayn dunida ee Dhadhaab meesha lagu gaaro bisha afraad ee sanadkan, waxayna bilawday qorshe uu qaxootigu iskii dib ugu laabanayo Soomaaliya.

Wakiil ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxootiga ee UNHCR George Okoth-Obbo oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka IGAD aysan ku adkeysan dib u celinta qaxootiga oo kali ah balse ay si niyad furan u raadiyaan xal kale.

“Waddamada martigelinaya qaxootiga waa inay xalka qeyb ka qataan oo qaxootiga ay tusaale ahaan u oggolaadaan inay ku dhexmilmaan bulshada martigelisay.” ayuu yiri ObboMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u helay in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa isaguna khudbad ka jeediyey kulankaas, waxaanu kaga warramay Xalka Qaxoontiga Soomaaliyeed u baahan yahay, isaga oo u mahad-celiyey dalalka ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay Qaxootiga u qaabbilsan, waxaanan Khudbaddiisa oo uu halkaa ka jeediyey oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.