Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Badhan oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Badhan

Badhan(Aftahannews):- Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada Badhan ee Gobolka Badhan ee Somaaliland ayaa hanbalyo soo dhaweyn iyo taageerid loogu diray Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Badhan mudane Cali Xuseen Somaali

Xafladani oo si weyn ay u soo camireen waxgaradka ku nool Degmada badhan ayaa intabadan dadkii ka hadalay xafladaani u hanbalyeeyey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Badhan Cali Xuseen Somaali

waxaayna ku tilmaameen nin ka soo bixi karo xilka Culus ee loo doortay. Madax dhaqameed ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweenayaan Gudoomiyaha Cusub waxa ayna alle ugu baryey in uu la garabgalo xilka culus ee loo igmaday.

Masuuliyiintan ka hadlay xafladan lagu taageerayey Gudoomiyaha Cusub ayaa bogaadin u diray madaxwayanaha Somaaliland ee u doorteen Gudoomiyaha gudoomiyaha Gobolka Badhan

Xafladani ayaa ah mid lagu taageerayo Gudoomiayha Gobolka Badhan waxa ayna ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.