Macallin Siilaanyo iyo Mahad oo ka hadlay Dareenkii Madaxweynuhu ku qaabbilay & Dhammaadkii Dacwadda

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 24 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Macallin Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo magaca ay wadaagaan dartii saddex maalmood Hargeysa ugu xidhnaa uu Jimcihii shalay ku qaabbilay Qasriga Madaxtooyada, waxaanu ka warramay qaar ka mid ah hadalladii dhex-maray.

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 24 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 24 2017

Macallinkan Madaxwaynaha la magaca ah oo ah Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Sare ee Wiila ee Nuura-diin oo ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa Ciidammada waddooyinka muddo Afar cisho ka hor ah ay Xabsiga u taxaabeen, kuna xidheen inuu wato magaca Madaxwaynaha Somaliland oo uu Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan sheegay inuu foojari-gareeyey ama Been-abuurtay.

Hase-yeeshee, Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabillay Macallinkan la wadaaga magaca oo saddaxan iyo naanaysata u caanka ku yahay Madaxwaynu ee Siilaanyo, waxaanay isla qaateen kulan xiiso badan oo khuseeya sababta uu Macallinku ku jaclaaday Nanaysta Siilaanyo.

Haddaba, Sabtidii Maanta ayey Macallin Siilaanyo iyo Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuura-diin Mahad Ibraahin Maxamed Warbaahinta qaarkeed kula hadleen magaalada Hargeysa, iyaga oo ka dareen celiyey qaabkii ay hawshaas xadhigga iyo dacwaddu u dhammaadeen iyo sidii uu Madaxweynaha Somaliland u qaabbilay Macallinka ay magaca wadaagaa, isla markaana kalsoonida iyo dhiirrigelinta u siiyey, waxaanannu Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.