Xildhibaan laga Mamnuucay Raacista Diyaaradaha Shan Shirkadood iyo Sababta Keentay Go’aankaas Adag

INDIA XILDHIBAAN LAGA MAMNUUCAY INUU RAACO DIYAARADAHA SHAN SHIRKADOOD 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Nin ka mid ah Xildhibannada Baarlamaanka dalka Hindiya, ayaa laga mamnuucay in uu raaco Shan diyaaradood oo waawayn, ka dib markii uu la dagaallamay oo uu garaacay Shaqaale Diyaaradeed.

INDIA XILDHIBAAN LAGA MAMNUUCAY INUU RAACO DIYAARADAHA SHAN SHIRKADOOD 2017
INDIA XILDHIBAAN LAGA MAMNUUCAY INUU RAACO DIYAARADAHA SHAN SHIRKADOOD 2017

Xildhibaan Ravindra Gaikwad, ayaa la sheegay in uu shaqaalaha Diyaaradda Dacas ku garaacay 25 jeer, ka dib markii uu Kursi ka waayay qaybta hore ee Diyaaradda oo ka Kuraas qaalisan qaybaha kale ee Diyaaradda.

Arrintaasi waxay ka dhacday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Air India. Waxaanay Air India oo Dacwad ka gudbisay Xildhibaanku arrintan uu kula kacay Shaqaalaha Diyaaraddooda, ayaa sheegtay in Gaikwad laga mamnuucay dhammaan Duullimaadyada hoos yimaadda isu-tagga Diyaaradaha ee loo yaqaanno FIA.

Shirkadaha Xubnaha ka ah FIA, waxaa ka mid ah IndiGo, Go Air, Spice Jet iyo Jet Airways. Dhammaan Diyaaradahaas waa kuwo saamayn wayn ku leh duullimaadyada gudaha ee dalkaas Hindiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay FIA, ayaa sidoo kale loogu baaqay Booliska inay tallaabo ka qaadaan Xildhibaan Gaikwad. Ururka isu-tagga Duulliyayaasha Hindiya, ayaa iyaguna sheegay inay waydiisteen Duulliyayaasha in aanay duulinnin Diyaarad uu rakaab ka yahay Xildhibaanka falkan dagaalka ah ee foosha-xun kula kacay Shaqaalaha Diyaaradda, maaddaama oo uu u quudhay inuu Kabo Dacas ah ku garaaco Hawl-wadeennada Diyaaradeed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.