Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo Xabsiga laga Sii daayay Markii lagu guul-darraystay Dacwado ku socday

MADAXWEYNIHII HORE EE MASAR XUSNI MUBARAK OO XABSIGA LAGA SII DAAYEY MARCH 2017

Qaahir(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak, ayaa Xabsiga laga sii daayay Maanta, ka dib markii lagu guul-darraystay, isla markaana lagu waayay Dacwado lagu soo oogay.

MADAXWEYNIHII HORE EE MASAR XUSNI MUBARAK OO XABSIGA LAGA SII DAAYEY MARCH 2017
MADAXWEYNIHII HORE EE MASAR XUSNI MUBARAK OO XABSIGA LAGA SII DAAYEY MARCH 2017

Go’aanka sii dayntiisa, ayaa yimi ka dib markii Maxkamaddu ay ku wayday Dacwado la xidhiidhinaya dilka tobannaan Dibedbaxayaal reer Masar ah oo ka qaybqaadanayay muddahaaradyadii xukunka lagaga tuuray sannadkii 2011-kii.

Mubarak oo 88 sano jir ah, ayaa lagu waayay dembigii ugu dambeeyay ee lagu soo oogay oo ahaa dil ka dib markii hore loogu waayay dembiyo ah musuqmaasuq iyo xasuuq loo geysgey Dad Bannaanbaxayey.

Qareenka difaacayey Mubarak oo lagu magacaabo Farid El Deeb, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in uu haatan ku sugan yahay Mubarak Guriga uu ku leeyahay Heliopolis oo ah degmo ku taal meel aan ka fogeyn Madaxtooyadii uu muddo soddon sano ah ka maamulayay dalka Masar, kadib markii laga saaray Cusbitaal ay Ciidammada Millateriga Masar ku leeyihiin Koofurta Caasimadda dalkaas ee Qaahira halkaa oo lagu ilaalinayay.

Maxamed Xusni Mubarak, ayaa sannadkii 2012kii waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey Dad tiradooda lagu sheeay 239 oo Qof oo ka mid ah Bannaanbaxayaal ka soo horjeeday Maamulkiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.