Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 24 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Jimcihii maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Macallin ay Saddexda Magac iyo Naanaystaba wadaagaan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana Magacaa awgii muddo saddex maalmood ah Hargeysa ugu xidhnaa, balse Madaxweynuhu qaabbilay oo la sii daayey.

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 24 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 24 2017

Macallinkan Madaxwaynaha la magaca ah oo ah Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Sare ee Wiila ee Nuura-diin oo ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa Ciidammada waddooyinka muddo Afar cisho ka hor ah ay Xabsiga u taxaabeen, kuna xidheen inuu wato magaca Madaxwaynaha Somaliland oo uu Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan sheegay inuu foojari-gareeyey ama Been-abuurtay.

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Macallin Siilaanyo oo Magaca Dartii loo Xidhay iyo Kaftankii dhex-maray MARCH 2017

Hase-yeeshee, Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabillay Macallinkan la wadaaga magaca oo saddaxan iyo naanaysata u caanka ku yahay Madaxwaynu ee Siilaanyo, waxaanay isla qaateen kulan xiiso badan oo khuseeya sababta uu Macallinku ku jaclaaday Nanaysta Siilaanyo.

Ninkan oo Macallin ka ah Dugsiyada Nuura-diin, isla markaana ah Maamule Ku-xigeenka ee Dugsiga sare ee Wiilasha ee Nuura-diin, ayuu Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuura-diin Mahad Ibraahin oo Saxaafadda la hadlay sheegay in Ninkan magiciisu yahay Axmed Maxamed Maxamuud wakhtigii Qaxoontiga Itoobiya la joogay ee uu Madaxweyne-Siilaanyo ahaa Guddoomiyaha Jabhaddii SNM jacayl Siilaanyo iyo SNM loo qabay wakhtigaas awgii loo bixiyey Naanaysta Siilaanyo, isaga oo saddexda Magac ee kalena kala sinnaa Madaxweynaha maanta.

Waxaanu Mahad Ibraahin, sheegay in Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka iyo Boolisku ay diideen oo ay Racfaan ka qaateen Dammaanad ay Maxkamaddu ka aqbashay inay ku sii dayso Ninkaas, Dalabkaas Dammaanadda ah oo uu u gudbiyey sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Waalidiinka Ardayda Dugsiyada Nuura-diin Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro).

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isaguna Warbaahinta qaarkeed oo xadhigga Macallinkaas wax ka weydiisay la hadlay, ayaa ku dooday in Ninkani markii Afarta Magac ee uu Madaxweynaha kala siman yahay baadhis ka dhan ah lagu bilaabay inuu beddelay magaca Siilaanyo, kaas oo marka hore lagu ogaaday Lacag Ganaax ah oo uu Taleefankiisa Gacanta uga diray Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee magaalada Hargeysa, kuna beddelay Xaddi, sidaas darteed inay soo gashay meesha sheegashada magac aanu lahayn.

Waa markii ugu horraysay Taariikhda magac uu leeyahay Madaxwayne Somaliland ka taliya Muwaaddin ay wadaagaan Magacyada iyo Naanaysta darteed loogu xidho dalka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.