Fannaaniinta Yurub-geenyo iyo Yuusuf-hanad oo Waraysi Xiiso badan lagaga diyaariyey Muqdisho + Heeso – Daawo

YURUB-GEENYO IYO YUUSUF-HANAD OO WARAYSI XIISO BADAN SIIYEY HORN CABLE TV MUQDISHO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Fannaaniinta Yurub-Geenyo iyo Yuusuf-Hanad oo hore uga tirsanaan jiray Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, balse ka mid ahaa Xubno dhawaan laga saaray Kooxda, ayaa Waraysi gaar ah uu la yeeshay Weriye Cabdiraxiin oo ka mid ah Suxufiyiinta Horn Cable TV ka tirsan ee Muqdisho ka hawlgala, waxaanu ka diyaariyey Barnaamij fiican oo Waraysi dhinacyo kala duwan iyo Heesa-ba isugu jira.

YURUB-GEENYO IYO YUUSUF-HANAD OO WARAYSI XIISO BADAN SIIYEY HORN CABLE TV MUQDISHO 2017
YURUB-GEENYO IYO YUUSUF-HANAD OO WARAYSI XIISO BADAN SIIYEY HORN CABLE TV MUQDISHO 2017

Waxay labada Fannaan oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka warrameen arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay go’aanka Kooxda Xiddigaha lagaga saaray, waxa u qorshaysan, Xidhiidhka wakhtigan ee iyaga iyo xiddigaha, ku soo noqoshadooda Somaliland iyo Hargeysa iyo sii joogistooda Muqdisho oo loo arko joogista Muqdisho inay tahay sababta looga saaray Xiddigaha Geeska.

Haddaba, Arrimahaas iyo kuwo kale-ba iyaga oo ka hadlaya Fannaaniinta Yuusuf-Hanad iyo Yurub-Geenyo, waxaannu sidii uu u dhacay Waraysigaasi, Su’aalaha kala duwan ee la weydiiyey, Jawaabaha ay ka bixiyeen iyo Heesaha ay Barnaamijkaas ku soo bandhigeenna, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.