QM oo Digniin ka soo Saartay Malaayiin Qof oo Dhimasho Qarka u saaran Soomaaliya & Dalal kale

Qaramada Midoobay oo Digniin ka soo Saartay Malaayiin Qof oo Dhimasho Qarka u saaran Soomaaliya & Dalal kale 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Qaramada Midoobay, ayaa shalay mar kale ka dayrisay xaaladda Dad ka badan Labaatan Milyan oo ku kala nool waddamada Soomaaliya, Yemen, Nageria iyo Suudaanta Koonfureed oo halis ugu jira inay u dhintaan Gaajo, Harraad, Cudurro iyo Nafaqo-darro.

Qaramada Midoobay oo Digniin ka soo Saartay Malaayiin Qof oo Dhimasho Qarka u saaran Soomaaliya & Dalal kale 2017
Qaramada Midoobay oo Digniin ka soo Saartay Malaayiin Qof oo Dhimasho Qarka u saaran Soomaaliya & Dalal kale 2017

Madaxa Hawlaha Bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dunidu ay wajahayso dhibaatadii bani’aadaminnimo ee ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa 1945kii markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Adduunku.

Stephen O’Brien, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in tiro ka badan 20 Malyan oo qof oo ku nool afar dal oo kala ah Suudaanta koofureed, Yemen, Soomaaliya iyo Nayjeeriya ay wajahayaan gaajo iyo macaluul, haddii aan la helin dadaal loo dhan yahay oo caalami ahna ay dad badan dhiman doonaan; sida ay Baahisay BBC-da oo aannu ka soo xigannay Warkan.

Mr. O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso. Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in aysan haysan imkaaniyaadkii ay wax uga qaban lahaayeen mushaakilkan sii darsanaya ee dalal badan ka jira.

Geesta kale, Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa dhibaatooyinka bani’aadminnimo ee ka dhashay Abaaraha ka taagan Soomaaliya, ayaa Sanduuqa dadweynaha ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa, waxaa uu sheegay in ay kaalmo siin doonaan Hooyada iyo dhallaanka ku nool deegaannada Puntland oo ay abaartu si ba’an u saamaysay; sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Kaalmadan oo ka kooban Dawooyin iyo qalab kale ayaa waxay Hay’addu sheegtay in ay ka faa’ideysan doonaan 20 Kun oo Haweenka xaamilada ah ee Puntland ku dhaqan ka tirsan. Waxaana qalabkani la geyn doonaa siddeed xarumood oo ku kala yaal magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, kuwaas oo laga bixin doono adeegyo caafimaad oo asaasi ah. Sidoo kalena wax ka qaban doonaa xaaladaha adag.

Kaalmada ayaa lagu wareejiyey wasaaradda caafimaadka ee Puntland. Sanduuqa dadweynaha ee Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in Soomaaliya guud ahaan ku dhawaad 6.2 Milyan oo Qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadminnimo, halka 3.3 Milyan oo Qof na ay tahay in la gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo deg-deg ah.

Hey’addu waxay intaa ku dartay in 22kii hooyo ee uur leh ee ilmaha lagu qalo ay midi  dhimato xilliga uurka ama foosha. Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa qirtay in qorshaha iminka ee isku haleeya kaliya weerarrada Millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inaanay ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.