Masuul Telesom ka Tirsan oo Amar Faray Madaxweyne Siilaanyo, Muujiyeyna Awoodda Siyaasadeed ee Shirkaddaas

Madaxa Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom MAXAMED AXMED CABDI (DARBO)

“Madaxweyanaha Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Axmed Max,Ed Siilaanyo Waa Inuu Iskugu Yeedho Kulan Balaadhan Dhamaan Asaxaabta Qaranka Ee Kala Ah Kulmiye,UCID Iyo Wadani,Kulankaasi Oo Ku Saabsanaan Doona…” Madaxa Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi (Darbo)

Madaxa Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom MAXAMED AXMED CABDI (DARBO)
Madaxa Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom MAXAMED AXMED CABDI (DARBO)

Hargeysa(Aftahannews):- Masuul sare oo ka tirsan Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa muujiyey awoodda heerka awoodeed ee ay farogelinta Siyaasaddda Somaliland ku leedahay Shirkaddu, isla markaana waxa uu amar faray Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo arrinta muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyadana ka hadlay.

LOOGADA SHIRKADDA TELESOM TELOSM LOGO
LOOGADA SHIRKADDA TELESOM TELOSM LOGO

Madaxa Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi (Darbo), ayaa bilawgii toddobaadkan soo dhigay Bartiisa ama Ciwaankiisa uu ku leeyahay Shabakadda Bulshada kulmisa ee (Faysbuug) Facebook, waxa uu ku sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalku meel adag marayso, isla markaana loo baahan yahay kulammo islaab-xaadhasho ah oo loo qabto Xisbiyada Siyaasadda iyo qaybaha Bulshada.

Warka Qoraalkan uu Masuulkan Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ka tirsani Bartiisa Facebook ku baahiyey oo ay Shabakadaha Wararka Somaliland qaarkood baahiyeen, ayey Masuuliyiinta Shirkaddu, gaar ahaan Madaxa Suuqgeynta iyo Xidhiidhka Bulshada Telesom Maxamed Axmed Cabdi (Darbo) ka hawlgalay sidii looga saari lahaa Shabakadahaas, ayaa laga saaray, sidoo kalena waxa uu ka saaray Bartiisa Facebook.

Hase-yeeshee, Qoraalkan uu Bartiisa Facebook ku baahiyey Darbo oo aan Aqoon ahaan u habaysnayn Sharciga Qoraalka, isla markaana kelmad kasta ama weedh kasta ama xidhmo kasta oo Qoraalkiisa ka mid ah Xarafka ugu horreeyaa Farwaawayn ku qoran yahay, waxa uu kaga hadlay iyo qaabka uu u qornaa-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Waayadan Danbe Waxad Moodaa In Asaxaabtii Qaranku Ay Is Waydaarsanayaan Hadal Xanaf Baadan Oo Aan Ku Wanaagsanayn In Laysku Mariyo Warbaahinta Kala Duwan. Xisbiyada Waxaan U Samaysaney Inaan Kaga Baxno Qabyaalada,Si Qarankani U Noqdo Mid Horseed U Ah Ummadda Af Soomaaliga Ku Hadasha Meel Kasta Oo Ay Joogaan.Madaama Lagu Jiro U Diyaargarowga Doorashada Madaxtooyada Soomaaliland Oo Dhici-Doonta Haddii Ilaahay Idmo Horaanta Sanadka 2017 Oo Ay Ka Hadhay Muddo Ka Yar 90 Maalmood.Marka La Eego Baaxada Abaarta Dalka Ku Habsatay Uma Muuqaan In La Qaban-Karo Doorasho Wakhtigeeda Ku Dhacda.

Waxa Loo Baahanyahay In Asaxaabta Qaranka Layskugu Keeno Kulan Lagaga Hadlayo Inay U Tartamaan Si Nadiif Iyo Ixtiraam Ku Jiro,Iyagoo U Tudhaya Inay Bulshada Ku Abuuraan Qabyaalada Iyo Niyad Xumo Baahsan.Haddii Ay Sii Socoto Af Xumada Ay Warbaahinta Isku Marinayaa Labada Xisbi Qaran Ee Kala Ah Kulmiye Iyo Wadani,Waxa Laga Yaabaa In Dad Badan Oo U Diyaar Ah Inay Codeeyaan Ay Ka Niyad Jabaan Inay Codkoodii Siiyaan Xisbiyada Tartamaya.

Waxa La Gudboon Labada Gudoomiye Ee Kala Ahmudane Muuse Biixi Iyo Mudane C/Raxmaan Ciro Inay Muujiyaan Bisayl Siyaasadeed Oo Ay Ku Kasbanayaa Bulsho-Weynta Jamhuuriyada Soomaliland.Qofka Hogaamiyaha Waxa Laga Doonayaa Deganaan,Dulqaad,Bisayl Siyaasadeeda Iyo Inay Ka Muuqato Inuu Yahay Hayin Hogaamin Kara Qaranka U Baahan In Hore Loo Sii Wado,Si Dayarta Soo Socotaan Ay U Noqdaan Jiil Leh Mustaqbal Fog Oo U Horseeda Horumar,Cadaalada Iyo Qaran Ka Mid Noqda Caalamkan Aan Hadda Ku Noolnahay.

Midna In La Ogaado Weeyi Wixii Dagaalo Sokeeya Ee Dalkan Ka Dhacay Intii Ka Horeysey Sanadadii 1994-Kii Rag Baa Dhameeyey,Umana Baahna Hadda In La Soo Celiyo,Waana Wax Laga Bogsaday.

Dawladda Soomaliya Iyo Maamulkeeda Waxan Ka Baxney Sanadkii 1991 Oo Qarankani Noqday Mid Madax-Banaan, In Hadda Laysku Dhaleeceeyo Macna Ay Leedahay Hadda Ma Wanaagsana,Wixii Wada Hadal Ah Ee Inoo Dhaxeeya Som Aliland Iyo Somaaliya Waxa Inooga Masuul Ah Dawladda Hadda Maamulka Haysa,Waxana Wanaagsan In Looga Danbeeyo Dawladda,Wixii Talo Ay U Arkaan Xisbiyadu Waa In Ay U Gudbiyaan Dawlada,Haddii Ay Dhaliili-Jirto Waa In Ay U Soo Maraan Wadada Ay Leedahay.

Madaxweyanaha Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Axmed Max,Ed Siilaanyo Waa Inuu Iskugu Yeedho Kulan Balaadhan Dhamaan Asaxaabta Qaranka Ee Kala Ah Kulmiye,UCID Iyo Wadani,Kulankaasi Oo Ku Saabsanaan Doona Is Calool Xaadhasho,Is Cafin,Iyo In Loo Tartamo Si Nadiif Ah. Allaa Mahad Leh.” Sidaa ayuu Qoraalka uu Facebook ku baahiyey bilawgii toddobaadkan ku yidhi Maxamed Axmed Cabdi (Darbo), sida aannu ka soo xigannay Shabakadaha Wararka kuwooda baahiyey Warkan oo qaarkood markii dambe laga saaray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.