Somaliland iyo Saldhig Millateri Carbeed: Sedka & Saamaynta! Qalinka Muuse Jaambiir – Q/4-aad

SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND

“Waxaan Kuu Cadaynayaa Wax Lacag Ah Oo Kiro Ah Oo Toos  Somaliland Uga Qaadanaysaa Saldhiga  Ma Jirto…”  Wakiil Baashe Cawil

Heshiis kasta baahi baa keenta. Cid siman oo daraf kastaaba dantiisa u arkayna way wada galaan. Sidaa darteed cidda saldhiga doonaysa ee la siinayaa dan bay leedahay. Sidoo kale cidda bixinaysa ee laga doonayaa dan bay leedahay. Wax baa la kala iibsanayaa. Dhinac waliba dantiisuu eeganayaa.

SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND
SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND

Haatan, cidda saldhiga Berbera doonaysa muraadkoodu wuu cad yahay. Wuxuu doonayaa mid ka mid ah bogcadaha ugu qaalisan istaraatiiji ahaan aduunka. Berbera waxay dhacdaa biyaha gacanka cadmeed ee badda cas ee waraabiya marinka cidhiidhiga ah ee Baabul Mandab oo xidhiidhiya ganacsiga caalamka, isla markaana ay maraan sadex meellood laba meellood maraakiibta u kala gooshta qaaradaha aduunka. Hirdanka awoodaha dunnidu markay isu qudhub dhabanayaan waa meesha ugu muhiimsan ee ay u tartamaan hanashaddeeda.

Xilligii quwadaha Nato iyo Waarso waxa isaga danbeeyay saldhigan Ruushka iyo Maraykanka. Mar kale waqtigan, qolladan Carbeed ka hor waxa soo hungureeyay dawladda Ruushka oo leh dhismaha madaarka Berbera. Hase ahaatee waxa la tilmaamay in aanuu rabitaankooddu soo dhawayn ka helin dhanka xukuumadda Somaliland.

Xilligii labaddaa quwadood u kala dambeeyeen saldhiga millateri ee Berbera, waxa dawladdii Soomaaliya ka soo geli jiray siday sheegeen xeel dheerayaal u dhuun dalloolay, dhaqaale boqolaal milyan oo doolar ah, oo kaash ahaan iyo qalab ahaanba ay uga heli jirtay. Intaa waxa dheerraa tababaradda ciidanka iyo qalabayntooda.

Sidoo kale, Dekedda Berbera ee hadda jirta dhismaheedda oo ka kooban laba qaybood oo isku darkoodu dhan yahay 600 mitir waxa qaybta hore dhisay Ruushka, Maraykankuna wuxuu ku daray qayb kale.  Sidaa darteed, caalam ahaan iyo gobol ahaanba Berbera waa goob billigaa u leh.

Markaa fili maayo in ay jirto cid diiddan in Somaliland qiimaheedda wax ku goosato. Waxa la rumaysan yahay in ay goyso waxa ugu wayn ee Somaliland maanta u baahantay. Haatan, waxa socda isku daygii labaad. Kani wuu ka duwan yahay kii hore ee Dekedda. Waa saldhig millateri. Maaha mashruuc maalgelineed ee waa barnaamij ka duwan oo shiddo iyo sheellaba yeelan karra haddaan layska hubin oon loo tallo badsan, lana dhaafsan waxay Somaliland ku xamisho dhibtiisa.

Waa saldhig millateri, waxa imanaya ciidan qalabkiisu u dhan yahay, cir, dhul iyo badba. Imaaraad ha noqdaan, xulafadda carbeed oo dhan ha noqdaan, ka ay noqdaanba waxay u isticmaalayaan dagaalka ka dhanka ah danahoodda carab ahaan oo uu ugu horeeyo ka ay kula jiraan Xuutiyiinta iyo xulafadda taageeraysa ee Iiraan ugu horayso. Markay sidaa tahay muran kuma jiro inuu saamayn taban ku yeelan karro Somaliland.

Dadka aqoon ahaan uga hadlay ee dhaliilsan saldhigu waxay qabaan, in qorshahani Somaliland gayaysiin karro  go’doon, ganacsi ahaan iyo nolol ahaanba, isla markaana uu xasaradayn karro hanaanka dhaqan dhaqaale iyo amni ee haatan reer Somaliland ku sugan yihiin. Aragtidani waxay hillaadinaysaa, in Berbera noqon karto goob ciiddan oo bar tilmaameed u ah cid kasta oo lagaga duullo, taa bedelkeedana shixnad kasta oo u kala gooshaysa Berbera iyo dekedaha dalalka kale ay beegsan karraan cid kasta oo lid ku ah cidda kaga duusha,  taasina ay sababi karto in xorriyaddii ganacsi ee Berbera wiiqanto oo laga leexdo.

Midda labaad, wuxuu saamayn karraa saaxiibadda Somaliland ee hadda, haddaanay iswaafaqsanayn danaha cidda saldhiga la siinayo iyo saaxiibadda kale ee Somaliland hore u lahayd. Metelan; Itoobiya oo lagu tilmaamo saaxiibka koowaad ee Somaliland ee waqtigan, oo xuduud dheeri wadaajiyo, nolol ahaan, amni ahaan iyo ganacsi ahaan iyo dalka Masar oo ka mid ah xulafadda carbeed waxa ka dhexeeya hirdan diblomaasiyadeed iyo loollan danneed oo salka ku haya wadaaga biyaha webiga Nile.

Geestooddana xulafadda ururka jaamacadda carabta waxa ka dhexeeya xeerar dhanka difaaca iyo danaha ah oo middeeya. Sidaa darteed, haddaanuu ahayn heshiisku mid damaanad qaadkiisu cad yahay  oo dhan kastaba farax gelinaya, isla markaanna Somaliland u sahlaya inay isku hayso saaxiibaddeedii hore iyo kuwa cusub waxa dhici karta in Somaliland ku dhex dhimato awoodahaa hirdanka danuhu ka dhexeeyo.

Midda saddexaad, xulafadda Carabta  siyaasad ahaan waxa ka go’an soo celinta midnimaddii Soomaaliya, raalinna kama aha gooni isu taaga Somaliland. Markaa, haddii iyagoo sidaas ah uu ciidankoodu soo dego Berbera, waxay Somaliland gelin karraan halis dib u jujuubi karta oo soo afjari karta cimrigeedda. Ta afraad, mar haddaanay dawladda Imaaraadka Carabtu safaarad ku lahayn Somaliland, safiirkeeduna fadhiyo Muqdisho, sidee looga dacwoon karraa wixii jawr fal ah ee ka yimaadda ciidanka saldhiga imanaya.

Kuwaa iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin saamaynta taban ee la hadal hayo inuu ku yeelan karro Somaliland. “In aan bello ka iman ma damaanad qaadaysaan, mayee damaanad qaadi mayno, umad jirtaynu nahay ciddii ina soo doonatana waa iska celinaynaa, umana rag li’in, kuwan aynu maanta iskaashanaynaana jaalalkaynu leenahay bay ka mid noqonayaan, Xuutiyiinna ka biqi mayno” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.

Haddaba, waxa iswaydiin leh, Xukuumadda Somaliland ma dhaafsatay wax Somaliland ku xamili karto  saamayn kasta oo taban oo saldhigu ku yeelan karro? Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi mar waxtarkiisa wax laga waydiiyay wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Amniga Somaliland buu wax ka tarayaa. Wuxuu wax ka tarayaa xagga dhaqaalaha iyo horumarka dalkan, oo aduun waanu kiraynaynaa saldhiga, waxaanu ka helaynaa aduun, mashaariic waawayn baa naloo qabanayaa oo dalkan laf dhabar horumarkiisa u ah. Wuxuu dhiirigelinayaa maalgashiyo iyo mashaariic waawayn oo kale, sida kan DP world, kuwa fara badan baa isku soo….. Wuxuu Somaliland u soo kordhinayaa saaxiibo cusub, wuxuu Somaliland ka abuurayaa dano caalamiya oo kor u qaadda sumacadda iyo siyaasadda qarankan.”

Dhanka kale qoraalkii nuxurka heshiiska lagu sheegay ee golayaashu gacanta u taageen, waxa ka mid ahaa qodobadiisa;  in ay Somaliland helayso mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha jidka Berbera Wajaale oo heshiiskii hore ee DP World ee Dekeddana ku jiray, inay Berbera ka dhisayaan Madaar cusub oo rayid ah oo Somaliland u bedela ka hadda jirra ee saldhiga noqon doonna iyo mashaariic kale oo ay qayb ka yihiin qaar laga fulinayo deegaanka Berbera. Laakiin kuma cadda qoraalkaa golayaasha loo qaybiyay cadadka lacagta lagaga kiraynayo saldhigu intay tahay, isla markaanna waxa cad in erayga ‘KIRO’ yahay mid ay xukuumaddu ku kala duwantay jiritaankiisa heshiiska la hadal hayo.

Hase yeeshee Wakiilka Somaliland ee UAE Baashe Cawil  in saldhiga kirreeyay  meeshuu ka saaray oo ma jirtuu yidhi. Waxa maqalka dadka ku soo duushay in sanadkii lagaga kirreeyay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar. 

Isagoo warkaa ka afcelinaya mar uu la hadlay Hctv isla maalintii golayaashu gacanta u taageen qoraalkii loo geeyay, wuxuu Baashe ku jawaabay oo uu yidhi; “Marnaba Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wax danteena ka hor imanaya ama khalkhal gelinaya ma samaynayo. Maanta heshiiskaa Baarlamaankaa la horgeeyay, meel ay 1.2 milyan  kaga jirto baa laga qaadayaa oo kiro ahi ma jirto, waxa ku cad waxa faa’iido ah ee somaliland ka helayso.”

“Waxaan kuu cadaynayaa wax lacag ah oo kiro ah oo toos Jamhuuriyadda somaliland uga qaadanaysaa ma jirto, aan ahayn mashaariic horumarineed oo ay dawladda somaliland waydiisatay dalka imaaraadka, kuwaasoo xagga tababaradda, haday yihiin madaarada la dhisayo, haday yihiin wadooyinka la samaynayo, wadada wajaale iyo berbera isku xidhaysa, mashaariic gaadhaya marka laysku daro bilyan ku dhaw, haday yihiin maalgelintan imika inoo timi ee shanta boqol ee milyan ee DP World samaynayso ayay dawladda Imaaraadku samaynaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wakiil Baashe Cawil.

La Soco Qayb kale……………

Qalinka Muuse Faarax Jaambiir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.