Somaliland Iyo Saldhigga Millateri – Qalinka: Muuse Jaambiir

SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND

Miyaa la bixiyay Berbera? Yaa la siiyay? Miyay doonantay mise waa la meheriyay? Haddii la meheriyay imisaa loo meheriyay? Maxaa lagu meheriyay? Yarad iyo Gabaati, Mood iyo Nool maxaa la dhaafsaday? Maxay laynoo sheegay ? Ma la xallaaleeyay? Haddii la xallaaleeyay maxaa la xallaaleeyay? Maxaa dhacay maalintaa? Maxaynu ka faa’iidnay wixii dhacay maalintaa? Ma laga fursan karayay wixii dhacay?

SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND
SALDHIGGA MILLATERI EE IMAARAADKA CARABTU KU YEELAN DOONO BERBERA SOMALILAND

Haddii laga fursan karayay maxaa looga hakoon waayay? Hore ma u dhacday tan oo kale? Maxaa la gudboon Xukuumadda? Ma yara su’aalaha layska waydiin karro barnaamijkan murankiisu taagan yahay ee Saldhigga Millateri. Sidoo kale dooddaha dadka dhexdiisa ee ka aloosan mawduucani ma yara. Sidaa aawadeed, ka af celinta su’aalahaa iyo kuwa kale ee la ologga ah, aan marka hore dermo uga dhigno wixii Xukuumadda afkeeda ka soo baxay, isla markaana aan is dultaagno is khilaafka iyo isa seegga dooddaha. Ka gadaalna aan u barkino  wixii kale ee laga yidhi iyo wixii warar ah ee  xidhiidh la leh. Hase yeeshee bal aan marka hore ibbo furka qormadan gogol dhig uga dhigno Dekedda oo ka horaysay.

Qoraalkii nuxurka heshiiska lagu sheegay ee laga ansixiyay Golaha Wakiiladda qodobadiisii waxa ka mid ahaa, in DP World dhisayso deked cusub oo 400 mitir ah, kadib markay taa dhistanna ay dhici doonto la wareegida dekedda hore. Qodobkaasi wuxuu ahaa ka ugu wayn ee hakiyay xamaasadda dadkii dhaliilsanaa.

Inkastoo ay sidaa yidhaahdeen, misana markaaba waxa jiray dad badan oo aan rumaysan oo u arkayay xeelad jawiga lagu qaboojinayay. Haatan waxay xukuumaddu sheegtay in DP World la wareegayso dekedda Berbera bisha March 2017 kowdeeda. Sidaa darteed, waxay iswaydiintu tahay, maxay la wareegayaan? Qodobkaasi miyuu fulay mise ma fulin? Haddaanu fulin gadaal ma ka fuli doonnaa? 

La soco qayb kale……

Xigasho Wargeyska Ogaal.