Ruushka oo Shaaciyey Dagaalka Internet-ka ee Dunida oo uu Bilaabay, Guulaha uu gaadhay iyo Cabsida uu Abuuray

RUUSHKA OO SHAACIYEY BILAWGA DAGAAL UU KA BILAABAY INTERNET-KA 2017

Mosco(Aftahannews):- Ciidammada Millateriga ee Dawladda Ruushka, ayaa markii ugu horreysay qirtay heerka uu gaadhay dagaalkooda ku saabsan weearka Xogta Kumbuyuutarrada iyo Internet-ka.

RUUSHKA OO SHAACIYEY BILAWGA DAGAAL UU KA BILAABAY INTERNET-KA 2017
RUUSHKA OO SHAACIYEY BILAWGA DAGAAL UU KA BILAABAY INTERNET-KA 2017

Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaadhiyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qaboow. Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu oo ka hadlay awooddooda weerarradaas,  ayaa sheegay in Ciidammada dabagalka Macluumaadka Ruushku ay ka qeybgaleen Jaajuusid iyo dacaayad wax ku ool ah oo dhinaca Internetka ah. Balse muu ka hadal faafaahinta Ciidammada iyo waxa uu bartilmaameedkoodu yahay.

Shirkadaha fuliya Adeegyada kala duwan ee Internet-ka, gaar ahaan Shirkadaha bixiya adeegyada Email-lada, ayaa macluumaadyo badan laga jabsaday. Shirkadda Yahoo waxaa lagala baxay Hal Bilyan oo Macluumaad. France: Kombuyuutarrada Dawladda Faransiiska oo weerarro xooggan lagu hayey tan iyo dabayaaqada sannadkii hore sida ay sheegeen Masuuliyiin u hadlay dawladda Faransiiska, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegtay in si ay uga hor-tagto khatarta weerarrada lagu hayo Kumbuyuutarradeeda ay ballaadhinayso aqoontii lagu difaaci lahaa.

Hadalkan Ruushka ka soo yeedhay, ayaa imanaya xilli ay jiraan eedeymo ah in Xukuumadda Moscow ay weerar dhanka internet-ka ah si joogto ah ugu qaadday dalalka reer Galbeedka, sida lagu sheegay Warbixintan oo ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du diyaarisay.

Gaashaambuurta NATO, ayaa loo maleynayaa inay tahay meesha lagu qaadi doono weerarka ugu heerka sareeya ee Ruushka. Intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida, USSR iyo dalaka reer Galbeedku waxay dhaqaale badan ku bixiyeen dacaayadda Warbaahinta casriga ah si ay awood ugu yeeshaan caalamka, isla markaana ay u faafiyaan mabaadii’dooda, taasoo si fiican loogu guulaystay.

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Shoigu oo la hadlayey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Ruushka, waxa uu yidhi; “Waxaan leenahay Ciidammada Macluumaadka oo si wanaagsan u hawlgali kara, kana awood badan sidii hore. Waxay ka hortagi karaan dacaayadaha.”

Keir Giles, oo ah Khabiir ku taqasusay arrimaha Millateriga, ayaa sheegay in dagaalka Internet-ka ee Ruushku uu ka xoog badan yahay waxa ay dalalka Reer Galbeedku ka fikirayaan ee ah walaaca Budhcadda Internet-ka iyo Kumbuyuutarrada.

Giles Warbixin uu u gudbiyay NATO wuxuu ku qoray; “Ujeeddadu waxay tahay in la xakameeyo Macluumaadka, si kastoo ay awoodaan iyo wixii ay ku qaadataba. Tallaabadaasi waa wejiga labaad ee dagaalka Macluumaadka ee Ruushka.”

“Waxa intaas dheer, Ruushku ma raadinayo in la aammino. Taas beddelkeeda, Ruushku wuxuu leeyahay hal u jeeddo oo ah inay xagaldaaciso ujeeddooyiinka dhabta ah iyo in loo gudbiyo meelkasta oo ay quseyso.” Sidaa ayuu yidhi Keir Giles.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka Shoigu, waxaa loo arkaa mid ka mid ah Ragga saaxiibka dhaw la ah Madaxweynaha Ruushka Mr. Putin. Ruushka wuxuu tijaabo dhinac kaste ah ku sameeyay NATO, sida inuu weeraro baraha Bulshada ee shaqsi kasta oo Ciidammada ka mid ah, ayuu BBC-da u sheegay Giles.

Ciidamada ay weerarka internetka ku qaadeen waxaa ka mid ah kuwa NATO ee ku sugan dalalka Baltic-gga, Millateriga Poland iyo Ciidammada Ukraine ee dagaalka kula jiro Mucaaradka Ruushku taageero ee gooni-u-goosadka doona, waxaana loogu yeedhay tallaabooyinka Ciidammada Ruushka ee dhinaca Internet-ka; “Curyaamin aan Dhiig ku daadan.”

Ruushka wuxuu beeniyay hadallada reer Galbeedka ee ah inay warar been ah faafinayaan.Dawladda Ruushka, ayaa dalalka NATO ku eedeysay inay wadaan is ballaaadhin iyo inay taageerayaan Kooxaha Mucaaradka ku ah Ruushka. Waxaanay Dalalka Midowga Yurub, samaysteen Ciidammo ka hor taga dagaalka internet-ka ee Ruushka.

Kaalinta Ruushka ee Internet-ka waxaa si weyn isha ugu haya Dalalka reer Galbeedkaa ka dib markii Mareykanku uu ku eedeeyay in Budhcadda Moscow ay jabsadeen qalabkii doorashada ee Maraykanka, isla markaana taageeray Madaxweynaha hadda ee Maraykanka Mr. Trump; sida ay Sheegeen Hay’adaha Sirdoonka Maraykanka oo baadhitaan ay sameeyeen ka dib soo bandhigay in Ruushku faro-gelin toos ah ku sameeyey nidaamkii doorashada Madaxtinnimada Maraykanka oo qabsoontay 8-da bishii 11-aad ee 2016-kii, taasoo ay sheegeen inuu ka hiiliyey Hillary Clinton, una hiiliyey Donald Trump oo doorashadaa ku guulaystay, waxaanay Sirdoonka Maraykan sheegeen in dhibaatooyin kale oo aanay hadda sheegin Ruushku u geystay nidaamka Xogta ee Maraykankan, inkasta oo uu Ruushku iska difaacay eedayntaas, haddana caddaymo ayey soo bandhigeen Sirdoonka Ameerika.

Ruushka wuxuu hadda doorbidayaa in uu diiradda saaro dagaalka dhanka internet-ka ka dib weerarkii Georgia ee 2008-dii, sida uu qabo Mr Giles. “Xukuumadda Moscow waxay hadda isu diyaarinaysaa inay beddesho fikradaha Shucuubta dunida. Waxay faafin doonaan qaladaadka iyo saxnaanta dagaallka.” ayuu yidhi Giles.

Taliyihii hore ee ciidamada Ruushka Yuri Baluyevsky, ayaa sheegay in guul ay ka gaadheen dagaalka raadinta Macluumaadka, waxaanu yidhi; “Dagaaalkan wuxuu aad uga muhiimsan yahay midka Millateriga ee Hubka la isu adeegsado, sababta oo ah dagaalka noocan ah dhiig kuma daadanayo iyada oo saameyn weyn la geysanayo, lana curyaaminayo cadawga iyo awooddooda xogta.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.