Muddaharaad Gilgilay Koonfur Afrika, Soomaalida oo Ganacsiyadooda Xidhay & Madaxweynaha oo ka Hadlay

MUDDAHARAAD GILGILAY KOONFUR AFRIKA OO AJAANIBKA SOOMAALIDU KU JIRTO KA DHAN AH 2017

Pretoria(Aftahannews):- Booliska Dalka Koonfur Afrika, ayaa adeegsaday Xabbado caag ah, Gaas Dadka ka ilmaysiisa iyo Biyo; si ay u kala eryaan Boqollaal Dhallinyaro ah oo isu soo baxyo ay kaga soo horjeedaan Ajaanibka dalkooda ku nool ka sameeyey magaalada Caasimadda ah ee Pretoria.

MUDDAHARAAD GILGILAY KOONFUR AFRIKA OO AJAANIBKA SOOMAALIDU KU JIRTO KA DHAN AH 2017
MUDDAHARAAD GILGILAY KOONFUR AFRIKA OO AJAANIBKA SOOMAALIDU KU JIRTO KA DHAN AH 2017

Diyaarado Boolis oo joog-hoose ku duuleya, ayaa sidoo kale gaas ku furay Dibadbaxayaasha oo Jimcihii shalay si weyn Bannaan-bax uga sameeyey Pretoria. Labada Kooxood ee isu soo baxay oo oo kala ahaa Ajaaniibta iyo Muwaaddiniinta Koonfur Afrika waxay wateen Budhadh, Dhagxaan iyo Baangado.

Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan, waxaanu cambaareeyey Bannaanbaxa Soo-galeetiga dalkaas ku sugan lagaga soo horjeedo. Ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Ajaanibka ah ee ka shaqaysta Koonfur Afrika oo marka hore badhibaatooyin badan lagu hayey ayaa albaabbada u laabay Meheradohoodii Ganacsi Jimcihii shalay oo Bannaanbaxaas dhacayey, kaas oo ay dawladdu u oggolaatay Bannaan-baxayaasha markii ay ka dalbadeen ka dib.

Dad badan oo shaqo la’aan ah oo u dhashay Koonfur Afrika, waxay Ajaaniibta ku eedeynayaan in shaqadii oo dhan ay ka qaateen, isla markaana iyagu Shaqo la’aan ku dhaceen.

Madaxweyne Zuma wuxuu cambaareeyay ficillada rabshadaha iyo kicinta ah ee ka dhanka ah Dadka Afrikaanka ah ee ka shaqeysta Koonfur Afrika.

Horraantii toddobaadkan, Dad cadheysan ayaa weeraray Ganacsato Nigerian ah, waxaana la boobay Dukaamo ay Ganacsato Soomaali ahi lahaayeen. Waxaa sidoo kale Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey Ajaanibka Dalkaas ku sugan oo ay Soomaalidu ugu badan tahay lagu hayey dhibaatooyin isugu jiray Dhac, Dil, Dhaawac iyo Boob ay ku hayeen Dadka Koonfur Afrika u dhashay, kuwaas oo mararka qaar Dab qabadsiiya Meheradaha Ajaanibka, Hubna la gala oo Boob iyo Dilba u geysta Ganacsatada aan dalkaas u dhalan.

Dadka kale ee Soo galootiga ah sida Pakistan, Kama Ruun iyo kuwa ka soo jeeda dalal kale, ayaa sidoo kale lagu boobay qeybo ka mid ah magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha diiddan Ajaaniibtu waxay Wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyeen cabasho. Cabashada Wasaaradda loo gudbiyay waxaa ka mid ah eedo loo jeedinayo Dadka ka soo jeedo Zimbabwe. Waxaa lagu eedeeyay inay baabi’inayaan meelaha Dadweynuhu isugu yimaaddaan oo ay Meherado ka furanayaan.

Waxay sidoo kale ka cabanayaan in soo galootiga ay yihiin Doqmo aan garaneyn sida loo hadlo, gaaar ahaan Nigerian-ka. Balse, Mmadaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma wuxuu sheegay in Dad badan oo Soo galooti ah ay u hoggaansameen Sharciga, Gacanna ay ka geysteen Koboca dhaqaalaha dalkiisa. Wuxuu wacad ku maray inuu keeni doono tallaabo lagula dagaallamayo Dembiyada ka dhanka ah Ajaanibka; si loo helo Bulshooyiin nabad kuwada nool.

Dowladda Koonfur Afrika, ayaa Khamiistii sheegtay inay billaabeyso baadhitaan ay ku raaadineyso Soo galootiga sharci-darrada ku jooga dalkeeda. Waxay dowladda sheegtay in xarumaha Ganacsiga laga raadin doono Dad aan sharci haysan oo ku sugan dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudah Koonfur Afrika Malusi Gigaba, ayaa ku dhawaaqay tallaabadaas lagu baacsanayo Soo galootiga aan sharciga haysan. Wuxuu sheegay in illaa iyo hadda la xidhay 60 Qof oo ka shaqeynayay Shirkad lagu magacaabo Spar oo sharci la’aan ku joogay dalkaas. Waxaanu uga digay Shirkadaha in la ganaaxi doono haddii ay sharciga ku xad-gudbaan, isla markaana Shirkaduhu aanay isku dirin Ajaaniibta iyo Muwaaddiniinta shaqo la’aanta ah. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in 33,339 Qof laga mustaafuriyay Koonfur Afrika sannadahii 2015-2016-kii, kuwaas oo sharci la’aan ku joogay dalka, ciddii dambe ee sharci la’aan lagu qabtana sidaas oo kale loo mastaafurin doono.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.