Dadkii Ugu Badnaa Oo Toddobaadkan Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Badhtamaha Dalka Soomaaliya

Dadkii Ugu Badnaa Oo Toddobaadkan Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Badhtamaha Dalka Soomaaliya 2017

Soomaaliya(Aftahannews):- Tuulo lagu magacaabo Keyn-ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabbe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay.

Dadkii Ugu Badnaa Oo Toddobaadkan Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Badhtamaha Dalka Soomaaliya 2017
Dadkii Ugu Badnaa Oo Toddobaadkan Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Badhtamaha Dalka Soomaaliya 2017

Saddexdaa Ruux, ayaa tirada Dadka Gaajada iyo Harraadka ugu dhintay Gobolka Galgaduud ka dhigaysa 11 Qof, kuwaas oo toddobaadkan dhammaaday Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday deegaannada gobolkaas; sida uu sheegay Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha deegaanka oo Warbaahin kala duwan la hadlay Jimcihii.

Xaaladda Abaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ay mareysaa meeshii ugu xumeyd, waxaana bishii lasoo dhaafay lasoo warinayay in dadka qaar Miyirkoodii waayeen, ka dib markii ay ka caydhoobeen Xoolihii badnaa ee ay dhaqanayeen, isla markaana noloshoodu ku tiirsanayd.

Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan ka deyrisay xaaladda Abaarta Soomaaliya oo ay sheegtay inay leedahay calaamadihii Macaluushii 2011-kii dhacday Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyada oo intaa ku dartay Qaramada Midoobay inay Abaartani aad uga ballaadhan tahay tii sababtay Macaluushii 2011-kii.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.