Kiimiko Neerfaha Waxyeesha oo laga Helay Meydka Kim Jong-nam Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii

Kim Jong-nam oo la ogaaday Nooca Sunta loo adeegsaday ee lagu dilay gudaha Madaarka Caasimadda Malaysia 2017

Kuala Lumpur(Aftahannews):- Kiimikadii loo adeegsaday dilka Ninka ay isku Aabbaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa la ogaaday in ay ahayd kiimiko neerfayaasha wax yeesha, sida uu sheegay Booliiska dalka Malayshiya.

Kim Jong-nam oo la ogaaday Nooca Sunta loo adeegsaday ee lagu dilay gudaha Madaarka Caasimadda Malaysia 2017
Kim Jong-nam oo la ogaaday Nooca Sunta loo adeegsaday ee lagu dilay gudaha Madaarka Caasimadda Malaysia 2017

Kim Jong-nam, ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha Caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, ka dib markii ay Sun wajiga ka mariyeen labo Haween ah oo Garoonka ku sugnaa. Sunta Wejigiisa laga helay, ayaa la ogaaday in nooceedu ay tahay VX oo ah Sun neerfeyaasha waxyeesha. Qaaramada Midoobayna waxay ku dartay liiska Hubka wax gumaada Suntaas.

Dawladda Malayshiya kumay eedaynin Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi dilka Ninkan ay Walaalaha ahaayeen. Hase-yeeshee, waxay sheegtay in ay caddahay in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambayso dilkiisa.

Booliiska Malaysiya wuxuu sheegay in Waaxda Kiimikooyinka ee Malayshiya ay Kiimikadan ka heshay indhaha iyo Wejiga Kim Jong-nam. Dhawr Ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay ayaa loo baadigoobayaa Dilka Ninkaas.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.