Xaddiga Raashin Caawimo ah oo Dawladda Federaalka Itoobiya Soo Gaadhsiisay Somaliland

SOMALILAND OO ITOOBIYA KALA WAREEGTAY DEEQ RAASHIN AH OO AY SOO GAADHSIISAY 2017

Wajaale(Aftahannews):- Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya Khamiistii shalay kala wareegtay Deeq Raashin ah oo loogu talogalay Dadka Abaarahu saameeyeen, taas oo ka koobnayd 16 Gaadhi oo nooca is-jiidka ah oo ay Itoobiya soo gaadhsiisay Xadka labada dal isku xidha ee dhinaca degmada Wajaale.

Xaddiga Raashin Caawimo ah oo Dawladda Federaalka Itoobiya Soo Gaadhsiisay Somaliland 2017
Xaddiga Raashin Caawimo ah oo Dawladda Federaalka Itoobiya Soo Gaadhsiisay Somaliland 2017

Raashinkaas Deeqda ah ee Itoobiya soo gaadhsiisay Somaliland oo ka koobnaa laba iyo toddobaatan kun Tan oo Cuntooyin Nafaqaysan ah, saddex Kun oo Tan oo Sarreen iyo Daqiiq ah, laba Kun oo Tan Bariis ah, Boqol Tan oo Buskut nafaqaysan ah, Caano iyo noocyada kale raashinka, ayaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, Guddiga heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha iyo Guddiga Abaaraha ee gobolka Gebilay, waxaa ku wareejiyey Mr. Ageze Amelo oo ah Madaxa Qeybta Ganacsiga ee Xafiiska Itoobiya ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

SOMALILAND OO ITOOBIYA KALA WAREEGTAY DEEQ RAASHIN AH OO AY SOO GAADHSIISAY 2017
SOMALILAND OO ITOOBIYA KALA WAREEGTAY DEEQ RAASHIN AH OO AY SOO GAADHSIISAY 2017

Mr. Ageze Amelo, oo Xafladdii wareejinta Deqda Xukuumaddiisa Itoobiya ka timi loo sameeyey ka hadlay, ayaa sheegay in waddankiisu marwalba dhinac-taagan yahay walaalahooda Somaliland, waxaanu yidhi; “Itoobiya mar walba waxay garab-taagan tahay Somaliland, xilliyada adag, iyo marka caqabaduhu la soo gudboonaadaan. Xidhiidhkan aan wadaagno Somaliland waa mid qoto-dheer oo cad.”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Maxille Boqorre oo isaguna ka hadlay Xafladdaas Raashinka lagula kala wareegay, waxa uu yidhi; “Anigoo ka wakiil ah Xukuumadda Somaliland, Madaxweynaha JSL iyo Madaxweyne-xigeenka, halkan waxaan kula wareegnay Deeq ay innagu caawiyeen walaalaheenna Itoobiya. Isku Dad ayeynu nahay, waa tan Shacabku labada dhinacba deggan yihiin, mar walbana waxyaabo badan ayaa innaga dhexeeya Itoobiya, hadday tahay dhinaca iskaashiga ammaanka, ganacsiga, iskaashi badan ayaa innaga dhexeeya.”

La-taliyaha Madaxwaynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee dhinaca Xuquuqda Aadamaha iyo Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ahna Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska ka hortagga iyo u diyaar-garowga Masiibooyinka ee DDSI Anwar Cali oo ka hadlay markii deeqdu ka soo dhaqaaqday magaalada Jigjiga, waxa uu yidhi; “Deeqdan oo ka timi Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa loogu talo-galay Dadka ay saameeyeen Abaaraha ka jira waddanka jaarkeenna ee Somaliland, taas oo ka turjumaysa sida Xukuumadda dhexe Itoobiya xog-ogaalka ugu tahay saamaynta Abaaraha ay keentay isbeddelka Cimiladu ku yeesheen Somaliland.”

Deeqdan Xukuumadda Federaalka Itoobiya ku wareejisay Somaliland oo ay Wasiirro horraantii bishan tegay Itoobiya oo la kulmay Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiinta kale ee dalkaas qaarkood sheegeen in loo ballan-qaaday, isla markaana uu Wakiilka Hargeysa u fadhiya Itoobiya kala shaqeeyey helitaankeeda, ayaa ah markii labaad ee dalka Itoobiya Deeq raashin ah ku caawiyo Somaliland intii Abaaruhu ka jireen tan iyo sannadkii hore.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.