Waa Kuma Raysal-wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, Muxuu-se ka yidhi Hawlaha Horyaal & Magacaabistiisa?

RAYSAL-WASAARAHA FARMAAJO U MAGACAABAY SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Maanta magacaabay Raysal-wasaaraha Xukuumadda cusub soo dhisi doona, ka dib markii shalay si rasmi ah loogu caleemo-saaray Xilka Madaxweynennimada Soomaaliya oo uu hayn doono afarta sano ee soo socda.

RAYSAL-WASAARAHA FARMAAJO U MAGACAABAY SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2017
RAYSAL-WASAARAHA FARMAAJO U MAGACAABAY SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2017

Xasan Cali Khayre oo ah Nin Dhalinyaro ah oo aan Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya hore uga dhex-muuqan ayuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaas oo Sharciyoobi doona marka uu helo Codka kalsoonida ama ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, markaas ka dib oo isagana looga fadhiyo in uu soo dhiso Xukuumad cusub oo iyadana Labada Gole ee Baarlamaanku ansixin doonaan sida sharcigu dhigayo.

Xasan Cali Khayre, waxa uu sheegay oo BBC la hadlay, waxa uu sheegay inuu Muqdisho ku barbaaray, ku bartay waxbarashadiisii Dugisga hoose/dhexe iyo Sare, isla markaana uu Shahaadada hoose ee Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ka qaatay Jaamacad ku taalla waddanka Norway, sidoo kalena Shahaadada Sare ee Siyaasadda iyo Maamulka ka qaatay Jaamacad ku taalla Scottland. Waxa uu leeyahay Saddex Carruur ah iyo Xaas.

Waxa uu Xasan Cali Khayre ka soo shaqeeyey Hay’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway oo uu intii hore degganaa, waxaanu Muddo Madax ka ahaa Hay’addaas. Sannadihii u dambeeyey waxa uu degganaa ama ku noolaa Dalka Britain, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas oo sahamin shidaal ka bilawday meelo dalka Soomaaliya ka tirsan.

RAYSAL-WASAARAHA CUSUB EE FEDERAALKA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2017
RAYSAL-WASAARAHA CUSUB EE FEDERAALKA SOOMAALIYA XASAN CALI KHAYRE 2017

Raysal-wasaaraha cusub oo Madaxweyne Farmaajo gelinkii hore ee Maanta ku shaaciyey magacaabistiisa Barta Twitterka Madaxtooyada, isla markaana Warbaahinta loo gudbiyey magacaabistiisa, gaar ahaan ta dawladda, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan loo magacaabay, isla markaana rejaynayo inuu si waddaniyad iyo daacadnimo ku jirto oo xil-kasnimo leh uu u gudan doono waajibaadka Qaran ee la saaray marka uu helo kalsoonida Baarlamaanka.

Xasan Cali Khayre waxa uu sheegay inuu ogaaday Magacaabistiisa Salaaddii Subax ee Saaka oo ay Madaxweynaha saacado badan ku wada qaateen Madaxtooyada, arrimo badanna ka wada sheekaysteen. Waxa kale oo uu sheegay inuu maanka iyo maskaxda ku haya culayska iyo baaxadda hawlaha wax ka qabashada u baahan ee horyaalla, sidaa awgeedna uu ku dedaali doono hirgelinta Amniga, wax-ka-qabashada iyo xoojinta Gurmadka Dadka Abaaruhu hayaan lagu samatobaxinayo, dib-u-heshiisiinta, hirgelinta nidaamka federaalka, ka shaqaynta midnimada, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta xidhiidhka beesha caalamka iyo dalalka Soomaaliya la deriska ah iyo arrimo badan oo kale.

Ra’iisul wasaaraha la magacaabay waxaa laga sugayaa inuu hortago labada aqalak ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan. Sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu la yimaaddo Barnaamij Siyaasadeed waafaqsan ka Madaxweyne Farmaajo.

“Sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu taageero ka helo shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho.” Waxaa sidaa yidhi Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Dhaqane oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Jagada Ra’iisul wasaaruhu waa mid muhiim ah oo ugu sarreysa Golaha fulinta ee dawladda. Wuxuu qabanayaa inta badan hawlaha dowladda horyaalla, laakiin Dadkeenna Soomaalida ahi ma yaqaannaan muhiimadda jagadan ee Madaxweynaha ayuun bay ku cararaan.”

Cabdiqaadir Dhaqane oo la weydiiyey waxyaabaha uu sida deg-degga ah wax uga qaban karo Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya maaddaama oo ay hawlo badani jiraan waxa ay yihiin, waxa uu sheegay in waxa ugu horreeya ee la eegayo inuu wax ka qabto yahay Gurmadka Abaaraha iyo sida uu Beesha caalamka arrintaas ugala hadlo, arrimaha Amniga iyo qodobbo kale.

Golaha Xukuumadda ee uu Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre soo dhisi doono waxa uu ku saleysnaan doonaa awood-qeybsiga 4.5 ee ah sida Beelaha Soomaaliya ay awoodda siyaasadda ku qeybsadaan. “Waxaa laga sugayaa Xukuumad  Farsamo-yaqaan ah oo howl qaban karta. Waxaa fiican in Xukuumadda bannaanka laga keeno.” ayuu yidhi Dhaqane, oo Siyaasadda ka faallooda.

Xukuumadda la soo dhisi doonaa waxay wajeheysaa caqabado dhanka amniga ah. Dhaqane wuxuu sheegayaa in Golaha Wasiirrada ee la soo dhisi doono ay wanaagsan tahay inay si wada-jir ah u wajahaan dhibaatooyiinka dhanka Amniga oo ay ugu horreysiiyaan waxyaabaha ay wax ka qabanayaan kuwooda ugu mudan.

Waxaa lagu eedaynayaa Xasan Cali Khayre inuu yahay Ninka Dillaalka ka ahaa Badda Soomaaliya ee Cumar Cabdirashiid Cali Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya ka iibiyey Kenya, qorshahaas oo la sheegay inay dabada ka riixayeen, welina ka riixayaan Dawladaha Norway, Ingiriiska iyo Itoobiya, isla markaana Ingiriiska iyo Norway u qaabbilsanaa hirgelinta hawshaas oo la sheegay inuu taageeray in Dacwadda laga joojiyo Kenya.

Xasan Khayre oo dhashay 1968-kii, waxa ay Qaramada Midoobay ku eedaysay inuu maalgeliyo Argaggixisada Al-Shabaab, isla markaana xidhiidh la leeyahay Budhcad-badeedda Soomaaliya ka hawlgeli jiray. Lama garan karo halka ay ku dambayn doonto Dacwadda Badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, waxaanu markii Madaxweyne Farmaajo magacaabay Raysal-wasaarahan cusub uu u dhoofay Farmaajo dalka Sucuudiga.

aftahaninc@gmail.com                                                       

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.