Ka Bogo Warbixin laga Diyaariyey Caleemo-saarkii Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda 124 Dal ka qaybgaleen + Sawirro

CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA FARMAAJO OO 124 DAL KA QAYBGALEEN 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta lagu caleema-saaray isla Hoolkii 8-dii bishan February lagu doortay. Xafladda Caleema-saarka oo si heersara ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynayaal, Raysal-wasaarayaal, Wasiirro arrimo dibedeed, Safiirro, Madaxda Ururrada Dunida iyo Wakiillo ka kala socday ku-dhawaad 124 dal oo caalamka ah.

CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA FARMAAJO OO 124 DAL KA QAYBGALEEN 2017
CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA FARMAAJO OO 124 DAL KA QAYBGALEEN 2017

Madaxdii iyo wakiiladdii xaladda goob-jooga ka ahaa waxaa ka mid ah, Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, R/wasaaraha Itoobiyaha, Madaxweyne ku-xigeenka Wadanka Suudaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Wadanka Masar, wafdi ka socda dowladda Kuwait, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Dowladaha Maraykanka iyo Safiirkii hore ee dowladda Turkiga ee Soomaaliya haddana ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Turkiga.

Ka hor xafladda, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo waxaa ay si wada jir ah u-dhagax dhigeen safaaradda Dowladda Jabuuti ee Magaaladda Muqdisho,.

Intaas kadib waxaa la gudagalay munaasabadda. Qudbadihii hore ee xafladda waxaa la siiyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Macheal Keating iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, waxaana ay ugu hambalyeeyeen dowladda cusub guusha ay gaartay iyagoona sheegay in somaliya ay heysato Taageeradda Beesha Caalamka.

R/wasaaraha Itoobiyaha Hailemariam Desalegn, ayaa dhankiisa jeediyay qudbad, waxaa uuna sheegay in dowladdiisa ay xasiloonida dalka Soomaaliya ay ka taageereyso, waxaana uu sii raaciyay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya.

“Doorashada Soomaaliya ka dhacday waxaa ay tusaale u tahay wadamadda khilaafaadka uu ka jiro, Soomaaliya waxaa ay sameysay hormar aad u ballaaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha Jabuuti, ayaa markii looga yeeray masraxa waxaa ay heleen sacab iyo soo dhaweyn, taasoo muujisay sida ay soomaalidda ula dhacsanyihiin siyaasadda ay ku taageeraan Somaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta, waxaa uu yiri ” Tan iyo markii aan la wareegay xafiiska waxaan la shaqeynayay oomaaliya” isagoona dowladda cusub ku dhiirageliyay in ay sii wadaan dadaalka lagu samatabixinayo soomaaliya.

Mr, Kenyatta, sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay, in soomaaliya iyo Kenya ay ka wada shaqeyn doonaan khatarta amniga gobolka, isagoona cadeeyay in dowladdiisa iyo shacabka kenya ay ka go’antahay ammaanka gobolka geeska Africa.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha Jabuuti, ayaa hambalyo kadib sheegay, ” 224 wadan in ay u joogaan caleema saaka madaxweynaha in ay tahay hormar weyn”  Waxaana uu kula dardaarmay madaxweynaha la caleema saaray in dadka waxa ay ka rajeynayaan in ay ka haleen.

Intaasi kadib, ayaa waxaa daadihiyihii xafladda Cabdiraxmaan Ceynta, sheegay in R/wasaaraha Ethiopia iyo madaxweynaha dalka Kenya ay deg-degsanyihiin lana fasaxayo, xafladdii oo socota ayeeyna bexeen labada masuul.

Qudbadihii xigay waxaa jeediyay, Safiirka dowladda Mareykanka, safiirkii hore ee dowladda Turkiga, wakiillo ka socday Jaamacadda Carabta iyo Sudan, iyagoona ku hadlayay magaca dowladdaha ay metelayeen, waxaana ay sheegeen in ay hambayo u wadaan dowladda cusub.

Madaxweynayaashii hore ee dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa sidii laga filaayayba waxaa ay farxad iyo laab qaboojin u muujiyeen farmaajo, waxaana ay masraxa ay taagnaayeen ilaa uu madaxweyne Farmaajo uu soo gaba-gabeeyo khubadiisa.

Farxadda iyo reeyn-reeyntii ka muuqatay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa laga dareemayay madasha, taasoo martidii kasoo qeyb-gashay musaabada ku sheegen in soomaalidda ay wali yihiin dad uu ka muuqdo jaceyl iyo dowladoodda in ay dhisaan.

Khudbadii ugu dambeeysay oo si weyn loo wada sugayay, waxaa jeediyay madaxweynihii manta la  caleema saaray ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana ugu horey uu soo dhaweeyay wakiilladii iyo iyo madaxdii kasoo qeyb-gashay munaasabadda, ka dibna waxa uu ka hadalay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto ka hortagidda musuq-maasuqa, cadaaladda iyo dib-u-heshiisiinta iyo qodobo kale.

Amniga iyo hormarinta dalka ayuu tilmaamay inay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee maamulada uu kala shaqeyndoono.
“Waxaan xoojindoonaa xiriirka dowladda kala dhexeeyo maamul goboleedyada, si gaar ah waxaan dowlad goboleedyada isaga Kaashan doonnaan dhaqaalaha, amniga, iyo cadaaladda”.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa yiri “ Habeenkii la i doortay dadkii ku dhaqnaa magaaladda Gaalkacyo, waxaa ay sameeyeen iyagoo isoo dhaweynaya dibad-baxyo sidaasi darteena waxaan ka shaqeyn doonaa nabada-magaaladda Gaalkacyo”.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay jirto dib u heshiisiin ay soo billaabeen dowladihii ka horeeyay oo lagu xallinayo dibaatooyiinka dalka muddada ka jiray.

“Dib u heshiisiinta waa geeddi socod mar hore soo bilowday, waxaan dhameystiri doonnaa dib u heshiisiintaas. Waxaa ceeb nagu ahin xilligan ay kala qobqoban yihiin Soomaalida wada dhalatay”.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay shaqa la’aanta iyo tahriibka oo uu sheegay in dowladdiisa ay wax ka qaban doonto, “ Waxaan ahay Aabe, waxaan dareemi karaa dhibka waalid carruurtiisa ay tahriibdeen uu dareemayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in heerka shaqo la’aanta ee dalka ka jirto ay ka badan tahay boqolkiiba 80.

Wuxuu sheegay in dowladda cusub ay keeni doonto qorshe wax looga qabanayo shaqo la’aanta iyo faqriga.
“Waxaa taabagelin doonnaa barnaamijka dowladdii iga horeysay ee shaqa abuurista ahaa.”

Wuxuu sheegay in dhaqaalaha uu noqon doono mid lagu jiheeyo laguna taaba geliyo xoogga iyo maskaxda dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Sareynta sharcigu waa udub dhexaadka dowladda”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday in sharciga dalka loo siman yahay.

“Dowladdeeno waxay dib u eegis ku sameyn doontaa nidaamka cadaaladda, waxaan hubin doonnaa in sharciga loo sinnaado”.
Farmaajo, waxa uu ku amaanay dowladdii Xasan Sheekh in ay ka soo shaqeysay dhismaha maamul-goboleedyadda, waxaana uu sheegay in ay dowladdiisa ay sii wadi doonto wadadaladda Somaliland kala dhexeya.

Wuxuu sheegay madaxweynaha inuu ka shaqeyndoono sidii loo dhameystiri lahaa wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

“Wadahadalka dowladda federaalka iyo walaaleheen Somaliland waxay ahayd tallaaabo wanaagsan oo horey loo qaaday”, ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday inay bixiyaan canshuuro si dowladda ay u hesho dhaqaale ay ku shaqeyso.

“Shacabka waxaan ka rabnaa inay na taageeraan, waxaan ka rabnaa inay amniga naga taageeraan, waxaan ka rabnaa inay canshuurta ay bixiyaan”, ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in uu xoojin doono xiriirka caalamka kala dhexeeyo Soomaaliya. Arrimaha amniga, ganacsiga iyo is kaashiga ayaa qeyb ka ah waxa uu madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ku xoojiyo xiriirka caalamka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in siyaadaha arrimaha dibadda uu aasaas uga dhigay is kaashi iyo ixtiraam.

Ugu dambeyn ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka Al Shabaab, waxaana uu soo hadal qaaday weeraraddii ugu dambeeyay ee ka dhacay muqdisho, waxaana uu wada shaqeyn ka dalbaday shacabka si nabada looga shaqeyo.

Wuxuu Alshabaab kula dardaarmay in ay dagaalka joojiyaan oo ay ka qeybgalaan dib u dhsika dalka.

“Umadda Soomaaliyeed ma hor istaagi kartaan. waxaan idiin sheegayaa in Soomaali ay isku duuban tahay, Waxaan idiin sheegeynaa in maanta laga billaabo aydaan dhinbaateyn dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Kuwa u shaqeeya Al-qacida iyo daacish, waxaan idiin sheegeynaa in laga soo gudbay waqtigii dadka ay qeybsanayeen”.

“Fursad ayaad haysataan maanta ee dadkiina ku soo biira, diyaar waxaan u nahay inaan idiin ku soo dhoweyno gacmo furan, haddii aad diidaan, Soomaali oo dhan kama hor imaan kartaan”.

Arrimaha amnnigana waxaa uu Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay in uu xoogga saarayo tayeynta ciidanka qalabka sida iyo kuwa amniga gudaha.

“Waxaan hubin doonaa in ciidamadeeda geesiyaasha ah ay helaan mushaarkooda, qalabkooda, iyo xarumo iyo tababar kooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xafladdii Caleema Saarka, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay marka laga tago martidda, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, culumaa’udiin  iyo qeybaha kala duwan ee shacabka, waxaa markii xaladda ay soo idlaatay kadib Hiiraan Online ay weydiisay sida ay u arkayeen xaladda.

‘” Waan ku farxay maxaa yeelay waxaan muqdishu ku arkay madax sare oo magac leh, waxaan dowladda ka rajeyneynaa in uu badda ka shaqeeyo” Fartuun Maxamed Yuusud, ayaa sidaasi u sheegatay Hiiraan Online.

Sidoo kale Feysal Xasan, ayaa sheegay in dowladda hadda jirta iyo dowladii hore inuu ku amaanyo in ay ka go’antahay in soomaaliya ay nabad noqoto.

Madasha xafladda, martida iyo wariyaasha ayaa laftirkooda aad u-wada qurxanaa, taasoo bilic ku kordhisa habsami qurxananta madasha iyo dadka la casuumay. 

Hassan Istiila

Hassanistiila@hiiraan.com

Hiiraan.com.