“Farmaajo waxaan leeyahay Sida Shacabku kuu soo dhaweeyey Wax baa nooga Muuqday..” Madaxweyne Geelle

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI OO KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYEY CALEEMO-SAARKA FARMAAJO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa Masuuliyiinta in ka badan Boqol iyo Labaatan dawladood oo ka qaybgalay Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyey Munaasibaddaas, isla markaana dardaaran iyo tusaalooyin fiican siiyey Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la shaqayn doontaba.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI OO KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYEY CALEEMO-SAARKA FARMAAJO 2017
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI OO KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYEY CALEEMO-SAARKA FARMAAJO 2017

Madaxweyne Geelle waxa uu sidoo kale farriin u diray Bulshada Soomaaliya oo uu u soo jeediyey inay ku garab-galaan Madaxweynaha cusub hawsha culus ee u taalla, isla markaana ay tusaan inaanu keligii qaban karin hawsha Qaran, himilada laga sugayo iyo rejada ay ka qabaan oo ay iyagu la rumeeyaan, haddii aanay la rumayna ay qabyo noqon karto inuu guto waajibka saaran.

Waxaannu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka jeediyey Munaasibadda Caleemo-saarka Madaxweynah Federaalka oo Arbacada Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.