Wiil Warqad ay u soo Qortay Gabadh Jacayl ka dhaxayn Jiray u Saxay Sidii Imtixaanka oo Bulshada ka yaabiyey

Wiil Warqad ay u soo Qortay Gabadh Jacayl ka dhaxayn Jiray u Saxay Sidii Imtixaanka oo Bulshada ka yaabiyey

Florida(Aftahannews):- Nick Lutz oo ah Ardey dhigta Jaamacad oo u dhashay dalka Mareykanka, ayaa Gabadh uu jecel dhex-maray, isla markaana muddo haasaawe u socday oo ay isku dhaceen ku celiyay Warqad raalli-gelin ah oo ay u soo dirtay, ka dib markii uu kelmad-kelmad ugu saxay Qalin Cas sidii Warqadaha Imtixaanka lagu galo oo kale, isaga oo guud ahaan markii uu sixitaanka dhammaystiray siiyey Derajada D-da.

Wiil Warqad ay u soo Qortay Gabadh Jacayl ka dhaxayn Jiray u Saxay Sidii Imtixaanka oo Bulshada ka yaabiyey
Wiil Warqad ay u soo Qortay Gabadh Jacayl ka dhaxayn Jiray u Saxay Sidii Imtixaanka oo Bulshada ka yaabiyey

Ardeyga, ayaa siiyay natiijo ka dib markii uu saxay qaladaadkii Isaga uga muuqday Warqadda. Wuxuu Ardeygani sheegay inaanu ka xumeyn in Warqadda ay Baraha Bulshada ku faaftay. Nick Lutz, ayaa qalin gaduudan (Khadkiisu Casaan yahay) ku saxay Warqadda oo ahayd raalli-gelin Gabadha ay is-jecelyihiin u soo dirtay.

Waxa taxliilin ku sameeyay sida ay u qorneyd Warqadda oo afar Bog ahayd oo ay u soo dirtay Gabadh Jacaylku ka dhexeeyey. Nick Lutz BBC Newsbeat ayuu uga warramay arrintan, waxaanu yidhil “Gabadhan waxaannu xidhiidh lahayn (Sheekeysanaynay) Siddeed Bilood. Afar bilood ka dib waxay bilawday inay Telefoonkeeda iga qariso. Waxaan maqlay inay Rag kale xidhiidh lala hayd.”

Nick Lutz oo dhigta Jaamacadda Central Florida, waxa uu sheegay in Warqadda lasoo gaadhsiiyay wax yar ka dib markii ay Gabadhaas isku dhaceen. Warqadda uu Nick saxay, waxa uu Sixitaanka ku billaabay; “Hordhaca wuu dheeryahay, waadna ku soo celcelisay.” Ardeyga oo 20 sano jir ah waxa uu doonayay in Gabadhani ay sabab u yeesho sadarka ah: “Waxaad ku guuldarreystay inaan ilaaliyo Xidhiidhkeenna.”

Waxa kale oo ku dul-qoray Warqadda inuu u baahan yahay inay caddeyso marka ay leedahay; “Weligey kuma khayaamin”. “Maalin ayey ii sheegtay inay Gabadh u raacayso Dalxiis, balse Wiil kale ayey raacday.” Sidaa ayuu yidhi Nick Lutz oo la hadlayey BBC Newsbeat.

“Lama hadlin tan iyo markii arrintu ay dhacday, mana qorsheynaayo inaan la hadlo.” ayuu yidhi Nick Lutz. Bogga labaad ee Warqadda wuxuu Gabadha kaga codsaday inay faafaahiso Sadarkan: “Waan ilaaliyey dhammaan ballanqaadyadii, waanan ka baxay.”

Sidoo kale, waxa uu u sheegay inay iska ilaaliso qaladaadka higgaadda Xuruufta markay wax qorayso, sida ereyadan “loose” iyo “lose”. Nick ayaa Gabadhan ay xidhiidhka lahaayeen ka dalbaday inay caddeyso waxa ay ula jeeddo; “Ma jirto sabab aan wax kaaga qariyo ama been kugu sheego.”

Nick Lutz waxa uu dhinac kaga qoray Warqadda; “Haddii aanay jirin sabab aad been u sheegto, maxaad runta u sheegi la’dahay?” Warqadda uu saxay oo uu Boggiisa Twitter-ka geliyey Nick Lutz, waxaa la wadaagay in ka badan 100 Kun oo Qof.

“Iyada kuma faraxsana, Anna ma fileyn inay heer intaa le’eg gaadhto Warqadda aan saxay. Hooyadey ayey la hadashay, Aniguse lama hadlin, mana u maleynaayo in aan la hadli doono.” Sodaa ayuu yidhi Nick. Waxanu intaas ku daray oo uu sheegay inay Gabadhu nooca Qoraalka Farta ee ay isticmaashay ay tahay mid isku dhex yaacsan.

“Haddii aad dooneyso in lagu aammino, caddeyn ku taageer Sheegashadaada.” ayuu ugu qoray Warqadda dusheeda markii uu saxaayay Nick Lutz. “Sheegasho khiyaano ah weligeed ma dhicin, naftaada eedee, maxaa kale?” ayuu u sheegay Gabadha xidhiidhku ka dhaxayn jiray. Waxaanu intaas ku ladhay; “Sheekadaadu way is burineysaa ee dhinac qaado. Waxaan jeclahay faahfaahin in laga bixiyo waxyaabaha la sheeganayo.”

Bogga ugu dambeeyay ee Warqadda waxay Gabadhu ku dhameysay; “Wan ku jeclahay”. Balse, Nick calaamadda su’aasha ayuu saaray kelmaddaas ama weedhaas Warqadda Gabadha xidhiidhku ka dhexeeyey u soo qortay ay ku gunaanadday.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.