London: Maalinta Afka Hooyo oo Soomaaliga Xus loogu sameeyey – Warbixin Ayaanle Xuseen Cabdi

XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO EE SOOMAALIGA OO LAGA XUSAY MAGAALADA LONDON 2017

London(Aftahannews):- Magaalada London ee xarunta Waddanka Britain, ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, taas oo ay soo qaban qaabisay Akaddamiyad-goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah Urur  ka shaqeeya  horumarinta Afka Hooyo.

XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO EE SOOMAALIGA OO LAGA XUSAY MAGAALADA LONDON 2017
XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO EE SOOMAALIGA OO LAGA XUSAY MAGAALADA LONDON 2017

Howl-wadeennada Xafiiska AGA ee dalka Britain oo isaga yimid magaalooyin dhowr ah ayaa si diiran u soo dhaweeyay martida iyo dadweynaha ka soo qeyb galay munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ururka la dagaalanka qabyaalada ee ATM.

Aqoonyahanada lagu casumay Munaasabadda oo ay ku jiraan khabiiro ku xeeldheer Afka iyo dhaqanka Soomaalida ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda iyo heerka uu soo maray Af Soomaaliga.

Prof. Cabdalla Mansuur oo kayimid dalka Talyaaniga ayaa muxaadaro dheer uu halkaasi ka jeediyay waxaana uu si cilmiyeysan uga hadlay heerarka uu Afku soomaray, iyadda oo buugaagta goobta lagu soo bandhigay kamid ahaa Buug weyn uu qoray ka qoray Afka.

Prof: Cabdalla Mansuur waxaa ayaa sheegay in ka ummad ay Soomaalidu xornoqotay marki la dhaqan geliyay adeegsiga Afka hooyo 1972 ki, taasi oo uu sheegay in ay ahayd talaabo taariikhi ah oo dowladdi kacaanku ay dadka uga tagtay.

“Wixi ka horeeyay 1972 dalku ma mideysneyn oo Engriis iyo Talyaani ayaa wax lagu qori jiray laakin marki la dhaqan geliyay adeegsiga Af Soomaaliga dalku waxaa uu noqday mid mideysan oo xor ka noqday afafki shisheeye ee wax lagu baran jiray ama dowladdu ku shaqeyn jirtay “ ayuu yiri Prof. Cabdallah Mansuur.

Aamina Muuse Weheliye oo ah saxafiyad caan ah, gabyaa iyo qoraa ayaa laba gabay oo midkood ay iyadu sameysay halkaasi ka jeediyay kuwaasi oo aad u qiimo badnaa dadkuna ay u bogeen.

Aamina oo isla markaasi xubin ka ah AGA ayaa gabay ay ubixisay Madaxweyne waxaa uu ahaa mid fariin caafimaad qabta u dirayay madaxweyne kasta oo ay Soomaalidu doorato, waxaana ay si toos ah u cabirtay isbadalka laga doonayo ee ay bulshadu ka sugayaan inta uu xilka hayo.

Sh. Axmed Jowhari oo agaasime ka ah hay’ada Happy Marriage Academy ayaa sheegay in ka Soomaali ahaan aynaan qiimeyn afkeena oo aan xoogga saarno afafka qalaad, waxaana uu sheegay in ay taasi daliil u tahay in aysan buugaag Soomaali ah ku jirin buugaagta aan dhigano maktabada guryaha.

Akadamiyadda AGA ayaa sannad walba maammuus u sameysay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo si dadweynaha Soomaaliyeed ay u ilaashadaan Afka oo ah hantida ugu weyn ee dhaxal ahaan ay Soomaalidu ku faanikarto.

Inkasta oo ay meesha ka maqantahay kaalintii Afku ku lahaa waxbarashada, cilmi barista iyo howlaha dowladda haddaba AGA waxay isku xil qaantay in ugu yaraan dadweynaha Soomaaliyeed la xusuusiyo in sannadkiiba mar maalinta Afka Hooyo.

Ayaanle Xuseen Cabdi

London, UK

facebook.com/hanoolaato.