Siyaasiyiin Dhaqanka Xukuumadda Siilaanyo ku Tilmaamay Kii Taliskii Maxamed Siyaad lagula dagaallamay

CABDISALAAN YAASIIN IYO MAXAMED XAASHI CILMI OO KA HADLAY XADHIGGA HADHBEELAY EE XUKUUMADDA SIILANAYO BILAWDAY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi iyo Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo ka wada tirsan Madasha Wada-tashiga Somaliland Siyaasiyiinta ku bahoobay, ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku dhalliilay Cabbudhinta iyo Xadhigga ay ku hayso Weriyeyaasha iyo Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta oo toddobaadkan aad u batay.

CABDISALAAN YAASIIN IYO MAXAMED XAASHI CILMI OO KA HADLAY XADHIGGA HADHBEELAY EE XUKUUMADDA SIILANAYO BILAWDAY 2017
CABDISALAAN YAASIIN IYO MAXAMED XAASHI CILMI OO KA HADLAY XADHIGGA HADHBEELAY EE XUKUUMADDA SIILANAYO BILAWDAY 2017

Waxay Siyaasiyiintani sheegeen in tallaabooyinka ay qaadayso Xukuumaddu la dhadhan iyo muuqaalba yihiin kuwii laga diiday ee lagula dagaallamay Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa, iyaga oo tusaale u soo qaatay sidii xalay Huteelka Maansoor looga xidhay Agaaasimaha Star TV Maxamed-baashe Xaaji Xasan oo meel uu Hargeysa kaga xidhan yahay weli la ogeyn.

Haddaba, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Cabdisalaan Yaasiin oo arrimahaas ka hadlaya, kana warramaya qabashadii Maxamed-baashe oo ay goob-joog u ahaayeen xalay, waxaannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.