Cirro oo Xarumaha Warbaahinta ee Hargeysa Qaarkood Booqday, Kana Hadlay Ujeeddada Kormeerkiisa + Sawirro badan

cabdiraxmaan-Cirro oo Booqday Xarumaha Warbaahinta Hargeysa iyo Weriye Jawhar oo u warramaya 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa markii ugu horreysay maanta booqasho indha-indhayn ah ku maray qaar ka tirsan Xarumaha Warbaahinta ee magaalada Hargeysa.

cabdiraxmaan-Cirro oo Booqday Xarumaha Warbaahinta Hargeysa iyo Weriye Jawhar oo u warramaya 2017
Cabdiraxmaan-Cirro oo Booqday Xarumaha Warbaahinta Hargeysa iyo Weriye Jawhar oo u warramaya 2017

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in kormeerkan uu gelinkii dambe ee maanta ku maray xarumaha Warbaahinta Somaliland ka hawlgasha qaarkood ku leeyihiin magaalada Hargeysa, gaar ahaan TV-yada iyo Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaar ka tirsan uu ku soo beegay Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland ee 20 Febraayo oo Maanta laga xusay dalka qaybo badan oo ka mid ah.

Waxaannu Cabdiraxmaan-Cirro oo ku guda-jira Booqashadiisa Xarumaha Warbaahinta qaarkood uu ku tegay, hadallada uu ka yidhi iyo sida ay Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeennada TV-yada qaarkood uu tegay ugu soo dhaweeyeen xarumohooda-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

STAR TV iyo Booqashadii Cabdiraxmaan-Cirro

Horn Cable TV iyo Booqashada Cirro

BULSHO TV iyo Booqashada Cabdiraxmaan-Cirro

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.