“Xataa Hadduu Madaxweynuhu Dhinto, Maydkiisa ayaa u Sharraxan Doorashada..” Xaaska Madaxweyne Mugabe

Grace Mugabe OO SHEEGTAY HADDII MUGABE DHINTO IN MEYDKIISU DOORASHADA U TARTAMI DOONO 2017

Harare(Aftahannews)- Marwada Madaxweynaha Talax-gabka ah ee Zimbabwe oo wakhtigan 92 Jir Da’diisu marayso Robert Mugabe, ayaa sheegtay inuu yahay Odaygeedu Qofka doorashada soo socota u sharraxan, isla markaana xataa haddii uu isagu dhinto uu Meydkiisu u sharraxan yahay kursiga.

Grace Mugabe OO SHEEGTAY HADDII MUGABE DHINTO IN MEYDKIISU DOORASHADA U TARTAMI DOONO 2017
Grace Mugabe OO SHEEGTAY HADDII MUGABE DHINTO IN MEYDKIISU DOORASHADA U TARTAMI DOONO 2017

Marwadan ku adeegata Magaca iyo Awoodda 92-jirkan Qaba oo lagu magacaabo Grace Mugabe, isla markaana Odaygeeda da’ahaan aad uga yar oo jirta 51 sannadood, ayaa sheegtay in Mugabe yahay Nin Caan oo Bulshadiisu jeceshay. Sidaa daraaddeed-na, xitaa haddii uu Isagu dhinto, waxaa tartami kara Meydkiisa oo ku guulaysan kara doorashada sannadka soo socda la filayo inay ka qabsoonto waddanka Zimbabwe.

Grace Mugabe, ayaa Hadalkaa ka sheegtay mar ay toddobaadkan la hadlaysay Taageerayaasha Xisbiga Zanu-PF oo ah Xisbiga talada dalkaas haya ee Odaygeedu hoggaamiyo. Madaxweyne Mugabe, ayaa hoggaaminayey waddanka Zimbabwe tan iyo dhammaadka xukunkii Gumaysiga Cadaanka ee 1980-kii, ka dib markii dagaal qadhaadh oo Madawga iyo Caddaanka dhex-maray laga soo gudbay.

Xaaskiisa, oo inta badan muujisay qirashadeeda iyada inay daacad u tahay ninkeeda, ayaa kasbatay jacaylka sii kordhaya ee shacabka iyo taliska dawladda. “Maalin maalmaha ka mid ah markay tii rabbi ku timaado Mugabe dhinto, waxaan meydkiisa u soo sharrixi doona doorashada.” Sidaa ayey tidhi Grace Mugabe

Marwadan 51-jirka ah oo hadalkeeda sii wadatay, waxay intaas ku ladhay oo ay tidhi; “Waxaad arki doontaan Dadka oo u coddeynaya doorashada soo socota Mugabe oo Meyd ah, taas si dhab ayaan idiinku sheegayaa.” Xisbiga Zanu-PF, ayaa Madaxweyne Mugabe  ku taageeray  inuu mar kale u u tartamo doorashada soo socota Madaxtinnimada dalkaas oo qorshaysan inay qabsoonto 2018-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.