Farriimaha ay Xambaarsan Tahay Heesta Taariikh Qaraami: Daawo Quruxda Muuqaal Koobsaday Fannaaniin Badan

TAARIIKHDA QARAAMI FANNAANIINTA HARGEYSA IYO BOORAMA 2017

Boorama(AFNS):- Qaybteenna Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahinteennan Aftahannews, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Heesta Taariikhda Qaraami oo ah hees cusub, isla markaana xambaarsan ama gudbinaysa, sifaynaysa, xusaysa amaba tilmaamaysa Taariikhda Qaraamiga iyo Heellada Soomaalidu halkii ay ka soo bilaabantay iyo ciddii bilawday.

TAARIIKHDA QARAAMI FANNAANIINTA HARGEYSA IYO BOORAMA 2017
TAARIIKHDA QARAAMI FANNAANIINTA HARGEYSA IYO BOORAMA 2017

Heestan Taariikhda Qaraami oo uu Curiyey Abwaan Maxamed Cabdillaahi Guuleed (Geesdiir), waxaa suuragelisay Hodan Maxamed Nuur oo deggan waddanka Ingiriiska oo Fikirka ama Milicsiga Taariikhdani iyada ka yimi, taasoo uu Abwaanku sameeyey markii ay Hodan ka codsatay ka dib.

Waxaa Heestan oo si qurux badan, isla markaana farshaxan fiicani ku dheehan yahay loo duubay oo loo habeeyey, ku Heesaya Fannaaniin kala duwan oo Rag iyo Dumar-ba isugu jira, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cumar-Shabeel, Ubax-fahmo iyo Fannaaniin kale oo Labbis ahaan, Cod ahaan, Jiib ahaan iyo Jaan-qaad ahaanba isku soo baxay oo si wacan uga wada qayb-qaatay Heestaas soo gudbinteeda ama qaadisteeda.

Heestan Taarikhda Qaraami oo si gaar ah u xusaysa Aabbaha iyo Hooyada Heellada Soomaalida oo ka bilaabantay gobolka Awdal Qarni iyo dheeraad ka hor, kuwaas oo ahaa Cabdi-Silimoo iyo Qadiija-Balwo oo ay tilmaamayso Heestani doorka curineed iyo hirgelineed ee ay ku lahaayeen Heesaha ama Heellada Soomaalida.

Waxaa si qurux badan u duubay Muuqaalka, isla markaana u habeeyey una soo saaray Ibraahin Eagle (Eagle Media), waxaa lagu duubay Muuqaalkan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal isla bishan aynu ku jirno ama Maalmo ka hor, waxaanannu Fannaaniinta oo Heestaa si fiican isugu dhiidhiibaya, uguna ciyaaraya, idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.