Dr. Maxamed-Rashiid oo Farriin, Waano, Wax-sheeg iyo Hambalyo Isku Ladhan u Diray Madaxweyne Farmaajo

MADAXWEYNE MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa Hambalyo iyo Farriin waano iyo wax-sheegmo xambaarsan oo isku ladhan u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017
MADAXWEYNE MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017
DR. MAXAMED-RASHIID SHEEKH XASAN OO XISBIYADA SOMALILAND TALO U JEEDIYEY
DR. MAXAMED-RASHIID SHEEKH XASAN OO XISBIYADA SOMALILAND TALO U JEEDIYEY

Dr. Maxamed-rashiid, waxa uu Madaxweyne Farmaajo kula taliyey in uu ka baydho jid uu sheegay inay Madaxweyneyaashii ka horreeyey wakhti badan iskaga lumiyeen, isla markaana wax ay ku soo kordhiyeen jirin, kaas oo ah inay Somaliland gooni-isu-taaggeeda inkiraan, isla markaana Midnimo ku mashquulaan. Waxa uu u rejeeyey in Illaahay ka dhigo midka ka midho-dhaliya rejada Shacabka Soomaaliyeed ka qabaan, isla markaana si fiican uga gudba Imtixaanka runta ah ee tijaabada Miisaanka lagu saarayo Xilka hadda Baarlamaanka oo Shacabka metelayaa u doorteen.

Sidaa waxa uu Dr. Maxamed-rashiid ku sheegay Qoraal kooban oo uu Warbaahinta u kala diray xalay, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Ogaal, waxa uu u dhingaa sidan:-

“Marka hore waxaan kugu hambalyeynayaa xilka Madaxweynennimo ee ay kuu doorteen Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaan kuu rejaynayaa in aad noqoto kii ka taga taariikh wanaagsa,n dadkiisuna ka helaan wixii ay ka filayeen.

Waxaad tahay Siyaasi muddo gaaban ku jiray saaxadda siyaasadda oo aan weli si dhab ah loo tijaabin marka laga reebo muddadii koobnayd ee aad Ra’iisal-Wasaaraha ka ahayd Soomaaliya. Golaha Baarlamaanka oo meteleyey dadkaagu waxay kugu doorteen khudbadihii niyadsamida ahaa iyo dhaqankii aad la timid intii aad sharaxnayd. Hadda waxa ku hor yaalla imtixaankii runta ahaa oo ah in aad ficil ku muujiso wixii aad ololaha ku gashay.

Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland guushaada way kugu hambalyeeyeen. Waxaanad noqotay Madaxweynihii koobaad ee Soomaaliya lagu doorto oo ay Somaliland hambalyeyso.  Waxaannu kaa filaynaa in aad si qoto dheer u fahanto waxa ay u taagan tahay Somaliland oo aad ka baydho, isla markaana aanad wakhti ku lumin dhallanteedkii ay kuwii kaa horreeyey isku maaweelin jireen.

Waxaad og tahay in Somaliland ay 26 sannadood tahay dal gaar ah oo madaxbanaan. Intii aannu Soomaaliya ka mid ahayn iyo inta aannu ka maqan-nahay haatan way isku dhaw dahay. Khaladka ugu weyn ee aad geli kartaa waa in aad ku fikirto in dadka Somaliland aanay dhab ka ahayn qaddiyaddoodu ama in aad isku daydo in aad faro-gelin ku samayso madaxbannaanida Somaliland, taas oo Madaxweyneyaashii kaa horreeyey ku guulaysan waayeen. Waxaannu kaa filaynaa in aad raacdo dariiq cusub oo ka duulaya rabitaanka shacabka.

Ugu dambayn waxaan kugu boorrinayaa in aad wada-hadallada innoo dhaxeeya dhab u qaadato, isla markaana dhabbada u xaadho sidii xal dhammaystiran oo waara loogu heli lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.”

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

Wasiiru-Dawlihii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland

drrashid108@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.