“Xildhibaannada Waxaan leeyahay Berri Magac baydun Qaadan ama Naanays Xun, Shacabkoow Golaha u Soo Gurmada..” Cirro

CABDIRAXMAAN-CIRRO OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGGA MILLATERI EE SIILAANYO GOLAHA HORKEENAYO 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka digay halista ka iman karta Saldhig Millateri oo ay Xukuumadda Somaliland Imaaaraadka Carabta ka siiso magaalada Berbera, isla markaana wax u qalba Saldhiggaas oo ay dhaafsatay ama helaysaa jirin.

CABDIRAXMAAN-CIRRO OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGGA MILLATERI EE SIILAANYO GOLAHA HORKEENAYO 2017
CABDIRAXMAAN-CIRRO OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGGA MILLATERI EE SIILAANYO GOLAHA HORKEENAYO 2017

Cirro waxa uu ku tilmaamay Heshiiskaas Saldhigga mid dhaxal-wareejin ku ah Somaliland, isla markaana saamayn taban oo dhinaca Ammaanka iyo Cadaado hor leh u horseedi doona, waxaanu ugu baaqay Shacabku inay maalinta Berri ee Axadda ah oo uu Madaxweynuhu labada Gole fadhi wada-jir ah oo ay yeelanayaan horkeeni doono dalb ah in loo oggolaado inay Xukuumaddu heshiiska Saldhiggaas la soo gasho Imaaraadka, waxaanu sidoo kale Xildhibaannada Golahaas ugu baaqay inay magac iyo maamuus kasbadaan Berri oo aanay Naanays iyo sharaf-darro kasbannin, isaga oo shaaciyey xaddiga Lacagta Imaaraadka lagu siinayo Saldhiggaas iyo qiimaha uu ku fadhiyo ee ay dawladdii Burburtay ee Soomaaliya kaga kiraysay dawladihii Ruushka iyo Maraykanka.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu Baaqyadaas qaylo-dhaanta ah diray mar uu Caawa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, isaga oo toddobaadkii tegay ay Madaxweynaha la kulmeen isaga iyo Shir-guddoonka Guurtidu, arrimahanna lagala hadlay, waxaanu sheegay in Xildhibaannada habeennadii u dambaysay oo dhan Madaxtooyada lagula kulmayey si ay u meel-mariyaan heshiiskaas oo weli qabyo ah, isla markaana lacag la siinayey.

 Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan isaga oo Cirro ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan farriin halkan uga diro Shacbiga Somaliland, farriintaydu waxay ku saabsan tahay maaddaama oo Xisbiga Waddani caddeeyey mawqifka uu ka taagan yahay Saldhigga Millateri ee Somaliland sheegtay inay siisay Dawladda Imaaraadka Carabta ee magaalada Berbera, maaddaama oo ay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga Waddani ay Shacabka Somaliland u caddeeyeen mawqifkooda. Waxaan Aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani waxaan Shacabka reer Somaliland u caddaynayaa inaan la mawqif ahay Xisbiga iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga Waddani oo caddeeyey inaan Saldhiggaa Millateri wax dan ahi Somaliland ugu jirin.”

“Su’aasha ugu horreysa ee aynu is-weydiinaynaa waxa weeye; Baahi ma u qabnaa Saldhig Millateri? Jawaabtu waa maya. Muwaaddin kastaa ha is-weydiiyo muxuu innoo soo kordhinayaa Saldhiggani, ma magac, ma maamuus, ma qiime, ma ictiraaf? Jawaabtu waxa weeye; midna innoo soo kordhin maayo. Dawladda aynu saldhigga siinaynaa waxay u aqoonsan tahay Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya, sidaa daraaddeed, magac, maamuus iyo Qarannimo innoogu soo kordhaysa midna ma jirto. Haddaynu Qarannimada-ba hoos u dhiganno oo aynu is-weydiinno maxaa Manfac innoogu jira?” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaanu Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro intaas ku ladhay; “Wax manfac ah oo innoogu jiraa ma jiro. Sida la caddeeyey Dhukumentigii ugu horreeyey ee ay ku soo codsatay dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhigga waxa ku caddaa in Kirada Saldhiggu ay tahay 1.2 (Hal Dhibic laba) Milyan oo Doollar sannadkii, qiimahaasi inta uu le’eg yahay waad garanaysaan. Saldhigga Berbera waxaa hore u adeegsaday Dawladaha Ruushka iyo Maraykanka, dawladdu Ruushku waxay ugu beddeshay Soomaaliya wakhtigaas inay dhisto Ciidankii ugu xoogga badnaa Afrikada Madoow, dawladda Maraykanku oo 1981-kii Dawladdii Soomaaliya heshiis kula gashay inay isticmaasho oo keliya, waxaana 1981-kii qiimaha heshiisku ku joogay Boqol Milyan oo Doollar, haddii la qiimeeyo waxaa laga yaabaa lacagtaasi inay u dhiganto Hal Bilyan oo Doollar, markaa manfaca la sheegay waxa shacbiga hadda loo sheegaa (Somaliland u sheegtaa) Mashaariic baa la innoogu beddelayaa.”

“Maxaa dhaxal inoogu jira Mashruucan, Carruurteenna dhaxal ma ugu jiraa? Waa maya. 25 sannadood ayeynu qayb Dhulkeenna ka mid ah Dal Shisheeye siinaynaa oo aynu bilaash u siinaynaa, 25 sannadood macneheedu waxa weeye dhulkaa aynu innagu leenahay ma geli karno oo awood uma lihin, kama kicin karno oo awood uma lihin. Saldhigyadu sharci bay leeyihiin waxaad ka warqabtaan Saldhigga Gutanaamobay Boqol sannadood iyo ka badan ka hor buu Maraykanku la saxeexday heshiiskaa Kuubba, waxay Kuubba awood u wayday inay ka kiciso Maraykanka Saldhiggooda halkaas ku yaalla. Waxay ila tahay Carruurteenna dhaxal uga tegi mayno ee dhaxal xun baynu uga tegaynaa. Waxa kale oo intaa dheer Saldhiggu wuxuu yeelan doonaa saamayn colaad innoo keenaysa, waxaynu ka warqabnaa dalka Yemen iyo dalkeennu waxay isu jiraan Sagaashan Mayl, waxaynu ka warhaynaa dalka la siinayo Saldhigga inuu dagaal kula jiro dalka Yemen. Waxaynu innagu Somaliland ahaan ka cabanayno berigii Siyaad Barre in Diyaarado la innagu duqaynayey.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Waxaanannu halkan Hoose idiinku soo gudbinaynaa Shirkaasaa Jaraa’id oo intan ka sii faahfaahsan iyo jawaabaha uu ka bixiyey su’aalo Weriyeyaasha qaarkood ka weydiiyeen arrimaha uu ka hadlay, waxaanad ka heli kartaan Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.