Filashada Madaxweyne Farmaajo iyo Marxaladda Cusub ee Soomaaliya Gashay – Faallo WQ: Cabdillaahi Ruush

MARXALADDA CUSUB EE SOOMAALIYA GASHAY IYO WAXA LAGA FILANAYO MADAXWEYNE FARMAAJO 2017

Inta aanan u galin dulucda Faallada Maanta bal marka hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa Nin ceynkee ah? Maxamed Cabdullaahi farmaajo,waxa uu ku dhashay Muqdisgo sanadkii 1962-dii , dugsigiisa hoose dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-kii iyo 2000-kii.

MARXALADDA CUSUB EE SOOMAALIYA GASHAY IYO WAXA LAGA FILANAYO MADAXWEYNE FARMAAJO 2017
MARXALADDA CUSUB EE SOOMAALIYA GASHAY IYO WAXA LAGA FILANAYO MADAXWEYNE FARMAAJO 2017

Farmaajo, waxa, Wuxuu ka soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya uu ku lahaa dalka Maraykanka sanadihii 1986-kii ilaa 1989-kii. dhanka kale Wuxuu agaasime guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii taasi oo ilaaa 2010-kii uu ka shaqeynayay.

Madaxweyne Farmaajo oo Xilka loo dhaariyey, Dabbaal-deg Muqdisho ka bilaabmay iyo Xasan Sheekh oo Hambalyeeyey
Madaxweyne Farmaajo oo Xilka loo dhaariyey, Dabbaal-deg Muqdisho ka bilaabmay iyo Xasan Sheekh oo Hambalyeeyey 2017

Farmaajo, waa Ra’iisul wasaarihii ka noqday Dowladdii Ku meel gaarka aheyd, wuxuuna xilkaasi hayay muddo 6 bilood ah oo kaliya, muddadaasi ayuuna ku kasbaday quluubta dad badan oo Soomaali ah, Baarlamaan-kii ku meel gaar-ka ayaa Ansixiyay Maxamed Cabdullaahi farmaajo, 31-10-2010, Isagoona xilkaasi iska casilay 19-kii juun 2011, Kadib markii Shir lagu heshiisiinayay Madaxweynihii xilligaasi Shariif sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaan-ka Shariif Xasan sheekh Aadan, Oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu Go’aamiyay in laba shariif ay Awoodda qeysadaan, Farmaajana Cadaadis lagu saaro in uu is Casilo, Go’aankii Labada shariif madaxweynihii xilligaasi iyo guddoomiyihii Baarlamaanka, Waxaa si cad ugasoo hor jeestay Shacab-ka Soomaaliyeed, Iyagoona taageero u muujiyay Farmaajo.

Farmaajo ayaa go’aansaday, in uu Rabitaanka shacabka rumeyo isla markaana xilkiisa sii hayo, Balse, Arrintaas ayaa suurta gal u noqon weysay kadib markii uu cadaadis fara badan kala kulmay, Baarlamaankii xilligaasi iyo dhammaan beesha caalam-ka, Isagoona markii dambe is casilay 19-kii juun 2011-kii.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Markiisii ugu horreysay xilka Madaxweyne iskusoo sharraxay sanadkii 2012-kii isagoona xilligaasi helay wax ka yar 15 cod, Iyadoona shacab-ka Soomaalidu si xad dhaaf ah u taageersanaayeen, Farmaajo ayaa markiisii labaad isku soo sharaxay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, in badan oo shacabka Soomaalida ka mid ah wax rajo ah kama aaney qabin in farmaajo uu noqon doono Madaxweynaha Soomaaliya, balse, Xildhibaannada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay isbedel dhab ah sameeyay, Iyagoona rumeyay riyadii shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba markii ay muuqatay in uu Madaxweyne noqday Maxamed C/lah Farmaajo ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo qaybo badan oo ka mid ah dalka ka bilowday Banaanbaxyadii ugu weynaa oo lagu taageero Madaxweyne Cusub, waxaa la arkayay dadweyne badan oo maraya Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa la maqalayaa rasaas badan oo kor loo ridayo, taasi oo qeyb ka ah dabaaldegga.

Xilka loo doortay Farmaajo waxaa durbadiiba u hambalyeeyay Beesha Caalamka,Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada iyo daweynaha Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, waxayna dhammantood ugu duceeyeen inuu xilkaasi uu Eebbe la garab galo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doorashadiisa kadib sheegay in uu shacabka uga mahadcelinayo taageerada ay la garab taagan yihiin, waxaana uu Xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay u fuliyeen rabitaanka shacabka.

CABDILLAAHI RUUSH
CABDILLAAHI RUUSH

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed sida aad ii garab istaagteen iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo har iyo habeenba u taagan inay cadowga ka celiyaan shacabka, waxaan shacabka ka codsanayaa inay is dajiyaan oo ay guryahooda dib ugu laabtaan, waad muujiseen shacuurtiina iyo dareenkiina, wixii aad rabteen waad hesheen, waxaan idinka codsanaya inaad dib ugu laabataan guryahiina, oo aad la shaqeysaan laamaha amniga, si loo sugo guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in dhawaan uu jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshaha u degsan, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay xoojiyaan amniga dalka.

Haddaba maxaa looga baahan yahay Madaxweynaha cusub?, waxaa looga baahan yahay in uu fiiriyo danta shacabka Soomaaliyeed, oo u baahan tabantaabo, badbaado iyo dareyeel, maadama ay haatan Dalka ay ka jiraan abaaro ba’an iyo gaajo, marka waxaa lagaa rabaa in hadda Soomaaliya la galiyo marxalad cusub oo ay ku hiigsaneyso gaaritaan nolol cusub oo horumar iyo amniba leh.

W.Q: Cabdillaahi Ruush.