MOORA-DUUG: Gabay Abwaan Saleebaan Baashe ka Tiriyey, Qooto-qooto, Xigmad-guurka Suugaanta & Dhaqanka Waashay

MOORA-DUUG ABWAAN SALEEBAAN BAASHE OO KARBAASHAY MURTIDA DHIMATAY IYO QOOTOQOOTO 2017

“….Dadkii Joogay Madashoodiyee, Dhaaxo Ka Maqsuuday, Miyey Qooto-qootiyo Galoof Siin Karaan Maqalka……………”

Hargeysa(AFN):- Abwaan Saleebaan Baashe Muuse, ayaa Gabay la baxay Mooro-duug ka tiriyey heerka Dhaqanka, Murtida, Maadda iyo Suugaanta Soomaaliyeed maanta marayso iyo marxaladihii xusuusta iyo mahadhada reebay ee ay soo martay, isaga oo Gabaygan Mooro-duug ku tilmaamaya dhaxal-xumada ka dhalatay Xigmad-guurka Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ku yimi, isla markaana ku sheegaya in loo baahan yahay in loo Gurmado Dhaqanka iyo Murtida ay Dadkii lahaa kula kaceen Bahdilaad fool-xumo keentay oo xalkeeda u baahan.

MOORA-DUUG ABWAAN SALEEBAAN BAASHE OO KARBAASHAY MURTIDA DHIMATAY IYO QOOTOQOOTO 2017
MOORA-DUUG ABWAAN SALEEBAAN BAASHE OO KARBAASHAY MURTIDA DHIMATAY IYO QOOTOQOOTO 2017

Gabaygan Moora-duug oo dhinacyo badan uu Abwaan Saleebaan Baashe Bulshada kaga tusaalaynayo Dhaqanka, Murtida, Maadda, Fanka iyo Suugaantu siday ahayd, sida loo bahdilay, cidda bahdishay, masuuliyadda maanta loo baahan yahay iyo sida ay Dhaqanka u saamaysay Murtida la badhxay, waxaannu isaga oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoos ka muuqda iyo Qoraalka Gabayga ee hoos yaalla oo aad si wacan ugaga bogan kartaan, ee Daawasho-dhegaysi/ Akhris wacan oo wanaagsan:-

1- Majaajilliyo meexaan Farshaxan, ereyo Maadeysa

2- Murti hadal leh hal maceedyo culus, ma hadho Hawraara

3- Labadaa mid uun bay ahayd, Maanso curinteede

4- Abtirsiino hadal aan midnaba, meelna kaga yeelan

5- Mutuh beena qarjac muude jaban, bowsi macanaas ah

6- Suugaan Maqdarad loo dhigtoo, diif la Macaluulsan

7- Odhaah kala maroortiyo turxaan, loo mashxaradaayo

8-Kana madhan ujeeddiyo tiraab, maqalku xiiseeyo

9- Agnaan iyo kolkii afar midhliyo, Badow madhoodheeyey

10- Ee midho Nin hore loo hayoo, meel kastaba gaadhey

11- Anaa mariyey uu yidhi madduun, kala maqaar siibey

12- Ee hees mutuulkeed wixii, meel yar uga eegba

13- Ninkii soo malluuqee tirshaa, magac abwaan qaatay

14- Hal-abuur markii erey mugloo, madhaxle loo diiddey

15- Maydhax-diir sarbeebiyo kolkii, duur-xul laga maarmay

16- Sar-gooyadani laga madal hufiyo, qadanki miisaanka

17- Ee laysku maaruqay badii, midiba maar joogtey

18- Heelliyo markii miimka gabay, tixi mataaneysey

19- Mud-darrada caddaanka ah kolkii, looga marin yeelay

20- Nin waliba markuu tiri muhdee, male ku doondoonay

21- Qasdiguna manfaco doon noqdiyo, maalin ku fadhiiso

22- Gabbaan aan toddoba meerisoo, mudha awoodeynin

23- Oo maal dhalliiloo ku taal, marada saaraaya

24- Kolkuu yidhi mujtamacaan fahmeyn, ereyga miisaaman

25- Ee uu masayr-duul tixaha, midig ka haanneedey

26- Ayey hibadi maydhaamantoo, maydhmay sharafkeede

27- Hadhiinoowdey maansadi kolkii, maanyo loo rogaye

28- Macaashkeedi booshaaq tarmiyo, moora-duug noqoye

29- Shaacir muhandisoodiyo gabyaa, meel fog ka hadlaaya

30- Iyo muul indheer garad dammiin, lala maseysiiye

31- Heesihii midh kala baxa lahaa, amase maahmaahda

32- Muumaa sawaxanaa beddeley, muusig faaruqa’e

33- Malyuun wada fannaanaa jiroon, beyd u meel marine

34- Miidhiyuhu wuxuu baahiyaa, muuq ma dhaafsana’e

35- Wixii maxamed ina soo mariyo, maahir iyo laashin

36- Magool iyo waxay luuq Marwiyo, Maryan garaareysay

37- Jilaa iyo Maqaawiir wixii, soo meteley Sheeko

38- Meecaad iyo Basbaas iyo Huryiyo, Nimanki Maadeyska

39- Waa meel bannaan kaalintii, Miidhi Waabberiye

40- Wadhaf iyo Musiibiyo Af-garad, ereyadii Muumin

41- Ha waallaado Maadey Dhediyo, Beri-samaad miidhan

42- Dadkii joogey madashoodiyee, dhaaxa ka maqsuuday

43- Miyey Qoota-qootiyo Galoof, siin karaan maqalka.

44- Afartaa Mahiigaan curtiyo, Mayay Arooryaad dheh

45- Duluc aan u miidaan-deyiyo, arar ma dhaafaan dheh

46- Cid run diid ah mooyee xog aan, muran ka taagneyn dheh

47- Afar kalena milicsiga bal aan, midhadh ka faalleeyo.

48- Nin hal-doora wuxuu Mowdku diley, Mudanayaal sheeggan

49- Maguug iyo wixii Tima-cad iyo, Madiyo geeryoodey

50- Wixii gumaro qaaliya meherad, maanshee laga buuxshey

51- Magaalooyin shidan oo cammiran, moodka iyo noolba

52- Wixii miigga duuliyo madfacu, moqollasee ciiray

53- Laga kabey mashaqadii dhacdiyo, maal wixii lumay.

54- Nabarse gaadhey meel halisa baan, deynin mililkiiye

55- Murtidiyo hiddii naga anbaday, dhaqanki meecaaday

56- Maansuukh afkeenii noqdaan, maaro loo heline

57- Barbaarteeni waa maye moog, seeggan marinkiiye

58- Barahoodu waa musalsalkiyo, filin mareekaane

59- Macaasida waxay daawadaan, reebay Mowluhuye

60- Been iyo manneenay runtii, kaga mashquuleene

61- Gacan kuma jirtoo maatadii, mowjadaa sida’e

62- Mushtar aan tudheyn baa u furay, meherad shaydaane

63- Maalin iyo alleyl ii dheh baa, lagu mukheeyaaye

64- Yusur midab ah maarriin dhalaal, muunnadda ugbaadka

65- Hablihii mas ciideedka hawd, lagu misaalaayey

66- Doqon iyo habeen baa madow, nacab ku maan qaadye

67- Dhiiqooyin baa lagu makalay, madhiyey diirkiiye

68- Maqaar uma bed qabo oo jidhkii, badiba waa moode

69- Quruxdii Macbuud siiyey iyo, muuqi dhalankooda

70- Shaydaan maroolowga dhigay, iin la maanacaye

71- Ka matage abuurtii wacnayd, hoodhna loo mariye

72- Maariya kallaariyo qisada, Muhannad mooyaane

73- Ka mallafan Haween maaddad kale, mana daneeyaane

74- Waxba yaan ku maax dumin tixdoo, murugo qiiroone

75- Rag Ninkaan maraan iyo ahayn, maahsanniyo liiti

76- Ama aan majnuun iyo ahayn, ruux marfuuc qalina

77- Xilka maanta sugayee u yaal, waa mid qara weyne

78- Macna guurka dhaqankii ku dhacay, madhaxii sooyaalka

79- Mugdigaa hiddii daahey iyo dayax madoobaadka

80- Gurmad uga miciinuu rabaa, taliyo maareyne

81- Dhaxalkeeni  muqdurkaa hadhiyo, inaha sii muuqda

82- Mashaayiikh maggeyniyo wax garad, maamul iyo dawlad

83- Haanraawaha ka caynteeya mamay, makasta hiigeysa.

Ereyadii: Saleebaan Baashe Muuse

T – 14 -January -2017.               

Hargeysa/Somaliland.